Waa kuma Janaraalkii hoggaaminayay ciidamada ilaalinta nukliyeerka Ruushka ee la khaarajiyay

Lt Gen Igor Kirillov

Xigashada Sawirka, Reuters/Russian Defence Ministry

Qoraalka sawirka, Igor waxaa uu ahaa hogaamiyaha ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka ee Ruushka ee loo soo gaabiyo NBC.

Lt Gen Igor Kirillov, oo ah sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Ruushka, ayaa lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Moscow ee caasimadda waddanka Ruushka.

Igor waxaa uu ahaa hogaamiyaha ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka ee Ruushka ee loo soo gaabiyo NBC.

Waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa in qaraxaas lagu dilay ku xiigeenkiisa.

Igor Kirillow ayaa dhintay kadib markii uu qarxay bam lagu soo xiray mooto xili uu Talaadadii manta uu ka baxayay gurigiisa.

Qalabka loo adeesaday dilka janaraal Kirrilov, waa qalab rumuud-ka lagu hago, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee Tass.

Waxay sidoo kale sheegtay, in bamkaas laga yaabo inuu ku jiray 300 oo garaam oo ah walxaha qarxa, iyadoo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan booliska dalka.

Marka loo eego qalabka Qaramada Midoobay ee lagu qiyaaso ama lagu baaro khasaaraha ka dhasha qaraxyada, qalabka lagu xiray 300g oo walxaha qarxa ah, waxaa uu jebin karaa daaqad yar oo isla qalabkaas u jirta ilaa 17 miitir oo u dhiganta 55 fuud.

Waa kuma Igor Kirillov?

Igor Kirillov wuxuu ahaa jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka iyo madaxa Nuclear-ka, iyo ciidamada difaaca kiimikada (NBC).

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Igor Kirillov wuxuu ahaa jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka iyo madaxa Nuclear-ka, iyo ciidamada difaaca kiimikada (NBC).

Igor Kirillov wuxuu ahaa jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka iyo madaxa Nuclear-ka, iyo ciidamada difaaca kiimikada (NBC).

Kirillov ayaa loo magacaabay inuu hogaamiyo ciidamada bishii Abriil 2017. Sida laga soo xigtay warbaahinta ay maamusho dowladda Ruushka ee Tass, wuxuu ka baxay machadka Militariga ee Kostroma ee hubka Kiimikada.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Shalay, Adeegga Ammaanka ee Ukraine (SBU) ayaa Kirillov xukumay isagoo maqan, kaddib markii lagu eedeeyay inuu Ukraine u adeegsaday hubka kiimikada ah ee la mamnuucay, sida ay werisay warbaahinta Kyiv Independent.

Adeegga Ammaanka ee Ukraine waxay sheegtay in Ruushku adeegsaday hubka kiimikada ku dhawaad 5,000 oo jeer oo uu hogaaminayay Kirillov.

Waxa uu ciidamada qalabka sida ee USSR ka tirsanaa tan iyo 1987. 1991 wuxuu ka qalin jabiyay machadka milatariga ee Kostroma gaar ahaan Difaaca Kiimikada.

Laga soo bilaabo 1991 ilaa 1994 wuxuu ahaa taliyaha Kooxda Galbeedka ee Ciidamada.

Tan iyo 1995, wuxuu si isdaba joog xilal uga qabanayay qeybaha kala duwan ee ciidamada. Wuxuu soo noqday taliyaha guutada ilaalinta shucaaca, kiimikaada iyo bayooloji gaar ah.

Laga soo bilaabo 2005 ilaa 2007 wuxuu wax ka bartay Akademiyada Ilaalinta Ciidanka ee NBC. Tan iyo 2009, waxa uu ka soo shaqeeyay jagooyin kala duwan sida Taliyaha Ciidanka Ilaalada NBC ee Ruushka ee Ciidamada Qalabka Sida.

Bishii Sebtembar 2014, Kirillov waxaa loo magacaabay madaxa Akadeemiyada Difaaca ee Timoshenko.

Tan iyo Abriil 2017, General Kirillov wuxuu ahaa madaxa NBC oo qaabilsan Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ee Ruushka.

Ka qaybqaadashada tooska ah ee ficilada militariga ee ka dhanka ah dowladaha madaxbanaan, Igor Kirillov ayaa lagu daray liiska cunaqabateynta caalamiga ah.

Febraayo 23, 2022, waxaa lagu daray liiska cunaqabataynta Kanada. Oktoobar 19, 2022, waxaa lagu daray liiska cunaqabataynta ee Ukraine. Waxaa sidoo kale cunaqabatayn ku soo rogay Ingiriiska 8 Oktoobar 2024.

16-kii Diseembar 2024, Ukraine waxay dacwad ku soo oogtay Kirillov isagoo xaadir ahayn. Dawcwadda lagu soo oogay ayaa salka ku haysaa isticmaalka hubka kiimikada ah ee la mamnuucay intii uu socday dagaalka Ruushka iyo Ukraine.