Cabdikaafi: Aabahay oo 85 jir ah marnaba kuma uusan fakarin inuu dib ii arki doono intuusan dhiman

Muuqaal laga duubay kulanka wiilka iyo aabihiii oo ay BBC-du aragtay ayaa muujinaya labada nin oo isku duuban oo qiiro la ilmeynaya.

Xigashada Sawirka, Abdulkafi

Qoraalka sawirka, Muuqaal laga duubay kulanka wiilka iyo aabihiii oo ay BBC-du aragtay ayaa muujinaya labada nin oo isku duuban oo qiiro la ilmeynaya.

Cabdulkaafi, oo ah macalin bara Afka Ingiriisiga oo ka soo jeeda Xalab, ayaa markii ugu horeysay arkay aabihiis muddo sanado ah Isniintii, maalmo ka dib markii mucaaradka ay qaadeen weerar culus oo ay ciidamada dowladda kagla wareegeen magaalada waqooyiga Suuriya.

"Waa 85 jir, waa oday, waligiis kuma uusan riyoon inuu mar kale i arki doono intuusan dhiman," ayuu yiri Cabdulkaafi, oo ku noolaa dhulka mucaaradka. Ilaa uu duullaankan, waxa uu awoodi waayay in uu u gudbo Xalab oo ay gacanta ku haysay dowladda Bashaar Al-asad.

Muuqaal laga duubay kulanka wiilka iyo aabihiii oo ay BBC-du aragtay ayaa muujinaya labada nin oo isku duuban oo qiiro la ilmeynaya.

Cabdulkaafi waa mid ka mid ah dhowr qof oo ku sugan magaalada Xalab oo BBC la hadlay tan iyo markii magaalada ay qabsadeen jabhadda hubeysan ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS) iyo xulafadooda ciidamada daacadda u ah madaxweyne Bashaar Al-asad.

Waxa ay tilmaameen in si xushmad leh ay ula dhaqmeen dagaalyahanada Hayat Tahrir al-Sham oo ay kordhiyeen sahayda korontada iyo biyaha – balse waxa ay sidoo kale ka hadleen cabsida ay ka qabaan in dagaal uu dib ugu soo laabto Xalab iyo kalsooni darada ay ka qabaan in kooxdii hore ee xiriirka la leh Al-Qaacida ay dhexda ka bixin doonto magaalada.

Tobanaan kun oo qof ayaa ku barakacay dagaalladii ugu dambeeyay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dad badan oo la wareystay ayaa codsaday in aan magacyadooda la sheegin ammaankooda awgeed. Faahfaahinta qaar ka mid ah tirooyinka gaarka ah lama xaqiijin karin sababtoo ah in si madaxbanaan looga soo warramo Suuriya waa ay adkayd.

Dad badan oo ku sugan Xalab ayaa ka baqaya in mar kale uu dagaal dhaco, sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka. Duqeymaha cirka ee dowladda Suuriya iyo ciidamada Ruushka ee xulafada la ah ayaa horay u dilay daraasiin shacab ah, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha ee Suuriya, oo fadhigeedu yahay UK.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mid ka mid ah ragga ayaa BBC-da u sheegay in walwalkiisa ugu weyn uu ahaa duqeynta oo uu ka cabsi qabay inay magaalada ku soo dhacaan gantaallaadas. Waxa uu sheegay in uu qoyskiisa ka joojiyay xitaa in ay tagaan dukaanka u dhow.

"Waxaan ku noolnahay cabsi buuxda," ayuu yiri. Waxa uu intaasi ku daray in duqeymihii dhinaca cirka ahaa ee maalmihii la soo dhaafay lagu garaacayay magaalada ay soo xasuusiyeen xiliyadii hore ee dagaalka.

Xalab, oo inteeda badan ay gacanta ku dhigeen fallaagada sannadihii ugu horreeyay ee dagaalka sokeeye ee Suuriya, ayaa waxaa dib ula wareegay ciidammada dowladda Suuriya oo ay taageera ka helya Ruushka sannadkii 2016-kii, kaddib markii ay go'doomiyeen.

Tan iyo markaas, magaaladu waxay inta badan ka fogaatay dagaal toos ah. Dowladda Suuriya ayaa ku andacoonaysa in ay ka mas’uul ka tahay waxa ay ku sheegtay dib u dhiska ka socda magaalada, oo ilaa dagaalku ahaa xarunta ganacsiga ee Suuriya.

Balse ururada aan dawliga ahayn iyo saxafiyiinta madaxa banaan ayaa dowlada ku eedeeya tacadiyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo ay ka mid yihiin jirdil iyo dil loo geystay dad rayid ah iyo xuquuq dimoqraadi ah oo aan jirin.

Isu imaatinka Cabdulkaafi iyo aabbihiis waxay ahayd mid aad u farxad badan - laakiin Cabdulkaafi wuxuu sheegay in qaar ka mid ah qaraabadiisa ay ka baqeen in la arko iyaga oo ka baqaya in la bartilmaameedsado haddii ay ciidamada dowladda ay mar kale u qabsadaan magaalada.

“Sida 1984-tii ayaa looga dhaqmaa Xalab oo sawirka Assad wuxuu ku dhegan yahay dhismo kasta, waddooyinka iyo meel kasta. Maskaxda ayuu qabsaday,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya buuggii George Orwell ee ku saabsan kelitalisnimada.

Cidamada mucaaradka ee Hayat Tahrir al-Sham waxaa lagu aasaasay magac kale oo ah Jabhat al-Nusra, 2011, iyadoo xiriir toos ah la leh Al-Qaacida. Waa ay ka go’day kooxdaas oo ay ku andacoodeen in ay dhexdhexaad yahay fikirkooda. Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa HTS ku eedeeya in ay si aan kala sooc lahayn u xirxiraan ayna si xun ula dhaqmaan saxafiyiinta iyo dadka rayidka ah ee dhaliila, eedyntaas oo ay kooxdu beenisay.

Cidamada mucaaradka ee Hayat Tahrir al-Sham waxaa lagu aasaasay magac kale oo ah Jabhat al-Nusra, 2011,

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cidamada mucaaradka ee Hayat Tahrir al-Sham

“Meel walba waxay ahayd mid deggan. Laakin qof walba waxa ka muuqday cabsi iyo walaac, waxaad ka dareemi kartaa wajiyadooda iyo falcelintooda.

"Dadku way baqayaan, sababtoo ah qofna kuma kalsoonayn ama waxa ay falcelintoodu noqon karto waxa hadda dhacaya.

“Waxaan dareensanahay in qof walba uu niyad-jab hayo. Ma garanayno waxa nagu dhici doona.”

Mid ka mid ah dadka magaalada oo lagu magacaabo Maxamad, ayaa BBC-da u sheegay Axaddii in uu waddooyinka ku arkay rag hubeysan oo ku sugnaa bannaanka oo cunto soo iibsanayay. Dad badan oo kale ayaa kaydsanayay sahayda, ayuu yiri.

"Markii aan dibadda u baxay ayay maleeshiyaadkii i weydiiyeen in aan magaalada ka baxayo iyo in kale, waxay igu yiraahdeen 'ha werwerin waa ammaan halkan'," ayuu yiri.

"Mid ka mid ah raggii ka tirsanaa maleeshiyada ayaa i weydiiyey sababta walaashay oo aan wada soconay ay madaxa u dabooli weyday, balse ma aysan u sheegin inay qariso - waxay weydiiyeen sababta.

“Waan uga mahadcelineynaa in kooxahan hubeysan ay la wareegeen, waa ay ka wanaagsan yihiin dowladda.

"Waxaa jirta cabsi badan, cabsida ah in magaalada ay ka dhammaan doonto cunnada, laakiin cabsida ugu weyn ayaa ah duqeymaha Ruushka iyo dowladda Suuriya."

George Meneshian, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Giriig iyo Armenian ah oo la xiriiray Armenianiyiinta Xalab, ayaa sheegay in Masiixiyiinta magaalada aysan la kulmin wax dhibaato ah tan iyo markii xoogagga HTS ay la wareegeen.

"Maalintii ugu horeysay, dagaalyahan ka tirsan kooxda HTS ayaa garaacay albaabka nin ay deris yihiin oo Armeni ah, wuxuuna u xaqiijiyay in aysan waxba yeeli doonin," ayuu u sheegay BBC-da, isaga oo intaa ku daray in ilo-wareedkiisu ay ka baqayeen inay si toos ah ula hadlaan warbaahinta cabsi awgeed.

"Waxay sheegeen inay ixtiraami doonaan oo ay u oggolaan doonaan inay sameeyaan wax kasta oo ay rabaan."

Mr Meneshian ayaa sheegay in dadka Masiixiyiinta ah ay ka shakisan yihiin ballanqaadyada kooxda HTS, isagoo sheegay in kooxaha laga tirada badan yahay ee Suuriya ay horay u dhibaateeyeen kooxaha jihaad doonka ah oo markii hore sheegay in aysan dhibaatayn doonin dadka aan Muslimka ahayn. Waxa uu sheegay in qaar badan ay u isticmaaleen xukunka Assad, kaas oo ahaa kali-talis laakiin ugu yaraan aan si firfircoon u silcin Armenian-ka.

“Waxaa jira waxyaabo horudhac u ah maleeshiyaadka Islaamiyiinta ah oo markii hore aan cidna waxyeeleyn, balse ka dib dambiyo ka dhan ah dadka laga tirada badan yahay galay. Waxaan rajeyneynaa in taas oo kale aysan noqon doonin xaaladdu."

Cabdulkaafi oo ku nool magaalada Al-Dana ee Idlib oo ay maamusho kooxda HTS ayaa sheegay in dadka laga tirada badan yahay aysan jirin wax cabsi ah oo ay ka qabaan kooxda.

"Waxay muujinayaan dabacsanaan badan, sababtoo ah guusha ugu sareysa ee kooxda HTS ay heli karto waa aqbalaadda adduunka. Tani macnaheedu maaha inaan jeclahay iyaga. "