Ruushka oo duqeymo hor leh ka fuliyay Suuriya, iyadoo Jabhadda ay koonfurta ka soo riixayaan Xalab
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Khasaaraha ka dhashay duqeynta Suuriya
Ruushka ayaa qaaday shan weerar oo cirka ah oo xiriir ah oo
lala beegsaday xero qaxooti oo ku taal xaafad ku taal Idlib, sida ay sheegtay
kooxda xuquuqul insaanka ee Syrian Observatory for Human Rights (SOHR) ee
fadhigeedu yahay UK.
Duqeymaha ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof oo rayid
ah kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay hay’addu.
Mar sii horreeysay, SOHR waxay sheegtay in Ruushka uu garaacay
qaybo ka mid ah miyiga Idlib iyo Hama halkaas oo kooxda hogaaminaysa weerarka
fallaagada "ay dhawaan la wareegeen".
Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dawladdu u dirtay "gurmad
ballaaran”
Idlib iyo Hama waxay ku yaalaan dhanka koonfurta Xalab.
Xoogaga mucaaradka ayaa weli gacanta ku haya magaalada Idlib ee waqooyi-galbeed
iyo inta badan gobolka ku xeeran.
Shalay, Idlib iyo nawaaxigeeda waxaa lagu garaacay sagaal gantaal.
Iran oo wacad ku martay inay si adag u taageerayaan dowladda Suuriya oo lagala wareegay magaalada Xalab
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Ciidamada Jabhadda Suuriya ee dagaalka kula jira dowladda
Dhawaan waxaa na soo gaaray war cusub oo ka soo baxay
wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, oo ah dal muddo dheer xulafo la ahaa
madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad.
“Maanta waxaan aadayaa Dimishiq si aan fariinta
Jamhuuriyadda Islaamiga ah ugu gudbiyo dowladda Suuriya,” ayuu wasiirka
arrimaha dibadda Iiraan Cabbaas Arakchi ku qoray qoraal uu soo dhigay bartiisa
Telegramka. "Waxaan si adag u taageereynaa dowladda iyo ciidamada
Suuriya."
Arrintan ayaa timid ka dib markii afhayeen u hadlay
wasaaradda arrimaha dibadda Iran uu xaqiijiyay in Araqchi uu berri u safri
doono magaalada Dimishiq.
Assad oo wacad ku maray inuu difaaci doono Suuriya
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Bashaar Al -Asad
Saacado ka dib markii dagaalyahannada fallaagada ay
bilaabeen in ay barta Internet-ka ku baahiyaan muuqaallada muuqaalka ah iyaga oo la wareegaya aagagga muhiimka ah ee
Xalab, Madaxweyne Bashaar Al-Asad ayaa u soo jeediyay xoogaga dowladda ka soo
horjeeda canaan xooggan.
Madaxweynaha Suuriya waxa uu wacad ku maray in uu
"difaaci doono xasiloonida [Suuriya] iyo wadajirka dhuleed ee ay
wajahayaan dhammaan argagixisada iyo taageerayaashooda".
"[Dalku] wuxuu awood u leeyahay, isagoo kaashanaya
xulafadiisa iyo saaxiibadiisa, inay ka adkaadaan oo ay baabi'iyaan, si kasta oo
ay u xooggan yihiin weerarradooda argagixisanimo," xafiiskiisa ayaa isaga ka
soo xigtay warkaasi.
Xusuusin ahaan, dagaalka sokeeye, oo ay ku dhinteen ku
dhawaad nus malyuun qof, ayaa billowday 2011 ka dib markii xukuumadda Asad ay
ka jawaabtay mudaaharaadyada dimuqraadiga ah oo ay kula kacday cadaadis
naxariis darro ah.
Raaskambooni: Wax badan ka ogow magaalada hadal haynta dhalisay ee maanta markale la sheegay inay ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland kaga biireen kuwa dowladda
Xigashada Sawirka, SNTV
Qoraalka sawirka, Taliyihii hoggaaminayay ciidama ku biiray dowladda ayaa ka hadlay SNTV
Deegaanka Raaskambooni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa magaciisu maalmahaan qaybta sare kaga jiray wararka warbaahinta gudaha, baraha bulshada iyo qaybo ka mid ah warbaahinta caalamiga ah.
Sababtuna waa in dowladda Soomaaliya ay gaysay ciidamo fara badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee ciidanka, iyadoo dowladdu sheegtay in ujeedkeedu uu yahay in ciidamadaani ay kuwa ATMIS kala wareegaan amniga deegaannadaas.
Hase-yeeshee tallaabada ay dowladdu ugu daad-gureysay ciidamada Raaskambooni ayaa imaanaysa, xilli xiisadi ay kala dhaxeyso maamulka Jubaland, taasoo salka ku haysa arrimaha doorashada.
Haddaba Raaskambooni waa deegaan caynkee ah?
Deegaanka Raaskaambooni oo hoostaga dagmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, waxa uu ku yaallaa cirifka koonfureed ee Soomaaliya, wuxuuna u dhowyahay xadka ay Soomaaliya la wadaagto dalka kenya.
Waa meel kayn ah oo leh dhufeysyo dabiici ah - goobo la isku diyaarin karo, sababtoo ah wuxuu deegaanku soo maray gacmo kala duwan oo intooda badan u adeegsan jiray in ay isku aruursadaan isla markaana tababarro ku qaataan.
Maxkamadihii Soomaaliya ee xoogoodu abuurmay markii ay ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliya sanadkii 2006-dii waxey u ahayd mid ka mid ah meelaha ay tababarrada ku qaatan, ururkii magaca deegaanka watay ee Raaskmabooni oo uu hoggaamin jiray madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayay sidoo kale ka mid ahayd meelihii saldhigga u ahaa.
Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi oo loo yaqaannay Xasan Turki ayaa sidoo kale Raskambooni u ahayd xaruun, kohor geeridiisii 2015-kii.
Shabaab ayaa iyaguna mar gacanta ku hayay, hadda oo ciidamo diyaaradu lagu waday la geeyana, waxaa gacanta ku haya ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, gaarahaan kuwa Kenya.
“Waa meel howd ah waa meel kooxuhu ay dagaalladu ka soo abaabulaan,” ayuu yiri Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga.
Cabdifitaax Xasan Afrax oo ah siyaasi la soo shaqeeyay dowladihii dalka soo maray ayaa isna BBC-da u sheegay: “muhiimadda juquraafi ee ay Raaskambooni leedahay waxay dhufeys dabiiciyeed u noqon kartaa dad raba in ay tababartaan oo waxyeello gaystaan,”.
Wuxuu intaa raaciyay in aysan muhiimad kale oo dhanka juquraafiga ah aysan laheyn.
Raaskambooni: Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Jubbaland oo ‘u goostay’ dhanka dowladda
Xigashada Sawirka, SNTV
Qoraalka sawirka, Ciidamada la sheegay inay ku biireen kuwa dowladda ayaa watay doonyo
Muuqaal lagu Telefishinka
Qaranka Soomaaliya ayaa muujinaya ciidamo saaran ilaa afar doonyood oo lagu
sheegay inay ka mid yihiin kuwa Jubaland oo ku soo biiray ciidamada qalabka sida
ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Raaskambooni.
Nin isku sheegay
inuu hoggaaminayay ciidamada oo aan magiciisa shaacin oo ka hadlayay
Telefishinka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ku soo biiran ciidamada
dowladda.
”Anaga ayaa
garanay inaan la shaqeynayo ciidamada dowladda ee ma jirto cid lacag nagu
siiyay ama m soo wacday oo arrintan nagala hadashay waxaana hadda nagu kallifay
inaan tallaabadan qaadno in muddadii 20-ka sano ka badnayd ee amniga ka shaqeynayay
aanan helin wax taageero ah dhan walba ha ahaateeo xagga badda naga taagan
tahay, dhinaca kalena Al-Shabaab.” ayuu yiri.”
Horay waxaa
sidaan oo kale usoo goostay ku dhawaad 100 askari oo ka tirsanaa ciidanka
Jubbaland, kuwaas oo la keenay Muqdisho, si loogu sameeyo diiwaan gelin, loona
siiyo mushaaraad iyo abaal-marinno ay u ballan qaaday dowladda federaalka ah ee
Soomaaliya.
Maamulka Jubaland ayaanan ilaa hadda ka hadlin ciidamada ka tirsan kuwa jubaland ee la sheegay inay ku biireen kuwa dowladda ee Raaskambooni ku sugan.
Ciidamada dowladda Suuriya ayaa isaga baxay magaalada Xalab
kadib weerar ay ku qaadeen fallaagada kasoo horjeeda maamulka Bashaar Al-Asad.
Ciidanku waxa ay qireen in fallaagada ay qabsadeen "qaybo
badan" oo magaalada labaad ee ugu dalka Suuriya, balse waxa ay wacad ku
mareen in ay qaadi doonaan weerar rogaal celis ah.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee ka
dhaca Suuriya sannadihii u dambeeyay.
In ka badan 300 oo qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 20 qof oo
rayid ah, ayaa la dilay tan iyo markii ay bilaabatay Arbacadii, sida ay
sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay UK
(SOHR).
Isagoo hadlayay Sabtidii, Madaxweyne Assad wuxuu wacad ku
maray inuu "difaaci doono xasiloonida [Suuriya] iyo wadajirka dhuleed ee
ka dhanka ah dhammaan argagixisada iyo taageerayaashooda".
"[Dalku] wuxuu awood u leeyahay, isagoo kaashanaya
xulafadiisa iyo saaxiibadiisa, inay ka adkaadaan oo ay baabi'iyaan, si kasta oo
ay u xooggan yihiin weerarradooda argagixisanimo," xafiiskiisa ayaa oo
isaga soo xigtay ayaa warkaasi baahiyay.
Dagaalka sokeeye, oo galaaftay nolosha ku dhawaad nus
milyan qof, ayaa billowday sannadkii 2011-kii ka dib markii xukuumadda Asad ay
ka jawaabtay mudaaharaadyada dimuqraadiga ah ee ka dhanka ah dowladda uu
hoggaamiyo Bashar taas oo ay ku eedeeyeen inay cadaasi iyo cabrin ku hayso.
Colaadda ayaa inta badan yaraatay tan iyo markii
xabbad-joojin lagu heshiiyay 2020-kii, balse xoogagga mucaaradka ayaa gacanta
ku haya magaalada Idlib ee waqooyi-galbeed iyo inta badan gobolka ku xeeran.
Idlib waxa ay 55km u jirtaa Xalab, oo lafteedu ahayd xarun
ay fallaagada ku xooganaayeen ilaa ay gacanta u gashay ciidamada dawladda
sannadkii 2016kii.
Faah-faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa shil doon ay saarnaayeen in ka badan 200 oo qof
Mas’uuliyiinta dalka Nigeria ayaa sheegay in 27 qof oo meyd
ah laga soo saaray goob uu shil doon ah ka dhacay oo ku taalla bartamaha
gobolka Kogi. Ugu yaraan 24 qof ayaa la soo badbaadiyay kuwaas oo lagu
daweynayo isbitaallo kala duwan.
Hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa sii socda.
Marshalada biyaha iyo quusayaasha deegaanka ayaa ku mashquulsan raadinta kuwa
badbaaday iyo meydadka dhibanayaasha. In ka badan 100 qof ayaa weli maqan.
Doonta ayaa siday in ka badan 200 oo rakaab ah, markii ay ku
degtay biyaha webiga Niger ee bartamaha gobolka Kogi.
Guddoomiyaha gobolka Kogi ayaa ku baaqay in la adkeeyo
tallaabooyinka badbaadada ee hawlgallada badda wuxuuna ku boorriyay
hawl-wadeennada gaadiidka biyaha inay raacaan borotokoolka badbaadinta oo ay ka
fogaadaan safarrada habeenkii si looga hortago musiibooyinka mustaqbalka. Waa
shilkii saddexaad ee noocaan ah ee ka dhaca Nigeria 60-kii maalmood ee la soo
dhaafay.
Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay xuduuda meel u dhaxeysa Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe
Xigashada Sawirka, WASAARADDA AMNIGA GALMUDUG
Qoraalka sawirka, FG: Sawir hore
Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal shalay ka dhacay xuduuda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyay labada maleeshiyo beeleed oo daga halkaasi.
Dagaalka oo soo gaaaray illaa gelinkii dambe ee Jimcihii ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceeldheere oo ku yaalla xadka ka qaybiya labada gobol ee HirShabelle.
Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalkan ay ku dhinteen in ka badan ill 10 qof oo isugu jiray dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah.
Xaaladda deegaanka ayaa weli aad u kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka labada beelood oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo kasii wada halkaasi.
Sidoo kale maleeshiyaadka ayaa weli wada isku hub aruursi, waxayna helayaan gurmadyo gaaraya jiidda hore ee dagaalka, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.
Cabsida ugu badan ee taagan ayaa ah inay mar kale dagaalami karaan labada dhinac, maadaama xaalad kacsanaan ah laga dareemayo xadka labada gobol.
Naciim Qaasim oo shaaciyay "guusha weyn" ee ay ka gaareen dagaalkii ay Israa'iil la galeen
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Naciim Qaasim
Xoghayaha guud ee Xisbullah Naciim Qaasim ayaa sheegay in
xisbigu uu guul weyn ka gaaray Israa’iil.
Waxa uu hadalkaasi ka sheegay khudbad uu jeediyay Jimcihii
shalay, taasoo ah tii u horeysay tan iyo markii xabad joojin labada dhinac ay
dhaqan gashay Arbacadii.
"Waxaan go'aansaday inaan ku dhawaaqo natiijada...si
rasmi ah oo cad in aan gaarnay guul weyn oo ka sare martay guushii dhacday July
2006," ayuu yiri Qaasim, isaga oo tixraacaya dagaalkii ugu dambeeyay ee kooxda
iyo Israel.
Waxa uu intaasi ku daray “Waxaanu ku guulaysanay in aanu ka
hortagnay in cadawga uu burburiyo Xisbullah, waanu guulaysanay waxa aanu ka hor
istaagnay in ay iska caabinta soo afjarto ama ay wiiqanto oo ay gaarto heer ay
dhaqaaqi waydo”.
"Taageerada aan siineyno Falastiin ma joogsan doonto, taas
oo qaabab kala duwan ah," ayuu yiri Qaasim, oo intaas ku daray,
"Waxaan ku celcelinay in aanan dooneyn dagaal, laakiin waxaan rabnaa inaan
taageerno Gaza, waxaana diyaar u nahay dagaal haddii Israel ay soo isbadasho."
Maxaad ka taqaanaa Raaskaambooni, magaalada xarunta u soo noqotay Midowgii Maxaakiimta, Xasan Turki, Axmed Madoobe iyo Al-Shabaab, hadana ay ciidanka geysay Dowladda Soomaaliya?
Xigashada Sawirka, RADIO MUQDISHO
Qoraalka sawirka, Ciidamada Dowladda Soomaaliya
Deegaanka Raaskambooni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa magaciisu maalmahaan qaybta sare kaga jiray wararka warbaahinta gudaha, baraha bulshada iyo qaybo ka mid ah warbaahinta caalamiga ah.
Sababtuna waa in dowladda Soomaaliya ay gaysay ciidamo fara badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee ciidanka, iyadoo dowladdu sheegtay in ujeedkeedu uu yahay in ciidamadaani ay kuwa ATMIS kala wareegaan amniga deegaannadaas.
Hase-yeeshee tallaabada ay dowladdu ugu daad-gureysay ciidamada Raaskambooni ayaa imaanaysa, xilli xiisadi ay kala dhaxeyso maamulka Jubaland, taasoo salka ku haysa arrimaha doorashada.
Haddaba Raaskambooni waa deegaan caynkee ah?
Deegaanka Raaskaambooni oo hoostaga dagmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, waxa uu ku yaallaa cirifka koonfureed ee Soomaaliya, wuxuuna u dhowyahay xadka ay Soomaaliya la wadaagto dalka kenya.
Waa meel kayn ah oo leh dhufeysyo dabiici ah - goobo la isku diyaarin karo, sababtoo ah wuxuu deegaanku soo maray gacmo kala duwan oo intooda badan u adeegsan jiray in ay isku aruursadaan isla markaana tababarro ku qaataan.
Maxkamadihii Soomaaliya ee xoogoodu abuurmay markii ay ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliya sanadkii 2006-dii waxey u ahayd mid ka mid ah meelaha ay tababarrada ku qaatan, ururkii magaca deegaanka watay ee Raaskmabooni oo uu hoggaamin jiray madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayay sidoo kale ka mid ahayd meelihii saldhigga u ahaa.
Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi oo loo yaqaannay Xasan Turki ayaa sidoo kale Raskambooni u ahayd xaruun, kohor geeridiisii 2015-kii.
Shabaab ayaa iyaguna mar gacanta ku hayay, hadda oo ciidamo diyaaradu lagu waday la geeyana, waxaa gacanta ku haya ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, gaarahaan kuwa Kenya.
“Waa meel howd ah waa meel kooxuhu ay dagaalladu ka soo abaabulaan,” ayuu yiri Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga.
Cabdifitaax Xasan Afrax oo ah siyaasi la soo shaqeeyay dowladihii dalka soo maray ayaa isna BBC-da u sheegay: “muhiimadda juquraafi ee ay Raaskambooni leedahay waxay dhufeys dabiiciyeed u noqon kartaa dad raba in ay tababartaan oo waxyeello gaystaan,”.
Xoogaga fallaagada Suuriya oo la wareegay "kala bar" magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas
Qoraalka sawirka, Dhaqdhaqaaqa fallaagada ee magaalada Xalab ayaa caqabad weyn ku ah maamulka Suuriya iyo xulafadiisa ee Ruushka
Xoogaga fallaagada Suuriya ayaa la wareegay "kala
bar" magaalada labaad ee ugu weyn dalka ee Xalab, sida ay sheegtay kooxda
la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee SOHR ee fadhigeedu yahay UK.
SOHR waxay sheegtay in 277 qof - oo ay ku jiraan in ka badan
20 rayid ah - la dilay tan iyo markii weerarku billowday Arbacadii.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee lagu qaado
dowladda Suuriya muddo sanado ah, waana markii ugu horreysay oo fallaagada
dagaalka kula jirta ciidamada Bashaar Al-asad ay gaaraan Xalab tan iyo markii
ay xoog uga saareen ciidamada dalkaas sannadkii 2016-kii.
Gegida dayuuradaha ee Xalab iyo dhammaan waddooyinka soo
gala magaalada ayaa la xiray, sida ay ilo-wareedyo milateri u sheegeen
wakaaladda wararka ee Reuters.
Fallaagada waxaa u suurtagashay in ay qabsadaan "kala
bar Xalab" iyaga oo aan la kulmin iska caabin weyn, ayuu agaasimaha SOHR
Rami Abdel Rahman u sheegay wakaaladda wararka ee AFP subaxnimadii Sabtida.
"Ma jiro wax dagaal ah, hal xabbadna ma dhicin, markii
ay ciidamada talisku ka baxeen," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Horaantii Jimcihii, ciidamada dowladdu waxay sheegeen inay
dib u qabsadeen dhowr magaalo oo ka tirsan gobollada Xalab iyo Idlib, ka dib
weerarkii ay qaadeen HTS iyo kooxaha huwanta ah Arbacadii.
Kooxda Dawladda Hoose ee Muqdisho (MCC) oo cashar lama iloobaan ah u dhigtay kooxda todobaadkii hore ka qaaday koobka Janaraal Daa’uud
Xigashada Sawirka, SFF
Qoraalka sawirka, Taageerayaal badan ayaa u soo daawasho tagay ciyaarta kooxaha Dekadaha iyo MCC
Kooxda kubadda cagta Dekadaha ee haysata horyaalka Soomaaliya iyo koobka Janaraal Daa’uud ayaa galabta afka ciidda loo daray kaddib markii ciyaarta subar kaabaha Soomaaliya ay la ciyaartay kooxda Dawladda Hoose ee Muqdisho (MCC).
Kooxda MCC oo ka caraysan ciyaartii kama dambeysta ahayd ee koobka Janaraal Daa’uud ee laga adkaaday ayaa galabta cashar u dhigtay kooxda koobka ka qaaday ee Dekadaha.
Ciyaartan oo ka dhacday garoonka ciyaarraha ee Muqdisho Istaadyam ayaa waxa qaybteedii hore ay ku dhammaatay hal iyo hal barbarro ah. Hayeeshee markii la isugu soo laabtay qaybtii labaad ayaa goolal loo miisay kooxda Dekadaha oo waxa laga dhaliyay sedex gool. Ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-1 ay ku badisay kooxda Dawladda Hoose ee Muqdisho (MCC).
Falastiini tacshiirad ku furay bas ay saarnaayeen israa’iiliyiin daanta galbeed ee la haysto
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Xubno ka tirsan ciidamada ammaanka Israa'iil oo taagan halka lagu rasaaseeyay baska
Qof Falastiini ah ayaa rasaas oodda uga qaaday bas Israa’iil laga leeyahay oo marayay daanta galbeed ee la haysto, gaar ahaan aagga ay dagan yihiin yuhuudda ee Ariel maanta oo Jimce ah, isagoo halkaa ku dhaawacay sideed qof kahor inta aanay toogan ciidamada Israa’iil, sida milatariga Israa’iil uu sheegay.
Adeegga gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ayaa sheegay in afar kamid ah dadka dhaawacmay ay haleeshay rasaas kuwaas oo sedex kamid ah dhaawacoodu uu halis yahay, halka afarta kale ay dhaawacyo gaarsiiyeen muraayadaha gaariga ee rasaastu ku dhacday.
Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in la aqoonsaday ninka baska rasaasta huwiyay kaas oo da’diisa lagu sheegay 46 jir deegaanka ku noolaa. Garabka hubeysan ee ururka Xamaas ee Al-Qasaam ayaa sheegay in nin kaasi uu iyaga ka tirsanaa.
Daanta Galbeed ee la haysto waxa hareeyay rabshado iyo dagaallo tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas Oktoobar sanad kii hore.
Daraasiin Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhintay weerarrada wadooyinka ee ay qaadaan Falastiiniyiintu, sida ay sheegayaan maamulayaasha Israa’iil, halka boqollaal Falastiiniyiin ah oo isugu jira rag hubeysan, dhalinyaro dhagax tuuraysa iyo shicibba ay ku dhinteen iska hor’imaadyada ay la galaan xooggaga ammaanka ee Israa’iil.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safray dalka Tanzania ayaa hadal ka jeedin doona madal dib loogu eegayo muddadii uu jiray ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC)
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, halkaas oo ay isugu yimaadeen madaxda wadamada ku mideysan ururka Bulshada Bariga Afrika ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (EAC).
War ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu khudbad ka jeedin doono madasha, isagoo diiradda saari doono arimo ay kamid yihiin dadaallada dawlad-dhiska, kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliyeed ee ku wajahan la-falgalidda ganacsi, waxbarasho iyo horumarineed ee bahdooda Bariga Afrika.
Madaxtooyadu waxa ay sheegtay inta madaxweynuhu jooga magaalada Caruusha uu kulamo doceedyo la yeelan doono madxada shirka ka qaybgalaysa.
Madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika ayaa u dabaaldegaya sanad guurada 25-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ururka.
Soomaaliya ayaa ku biirtay ururkan sanad kii hore, walise si dhabba ulama falgalin suuqan ay ku mideysan yihiin wadamada Bariga Afrika.
Barlamaanka Zimbabwe oo korontadu ka tagtay xili ay ka doodayeen miisaaniyadda dalkaasi
Dhacdada ka dhacday barlamaanka ayaa muujinaysa mushkiladda layrka ee ka jirta Zimbabwe, waxayna maalintii korontadu maqan tahay wax ka badan 12 saacadood, waxana loo aanaynayaa abaarta dabo dheeraatay ee keentay in uu qalalo biyo xireenka Kariba ee xooggiisa laga dhalin jiray korontada.
Afhayeenka shirkadda korontada ee Zimbabwe George Manyaya ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in aan la sii qorshayn in korontada laga jaro barlamaanka.
Afhayeenka waxa kale oo uu sheegay in sababta layrku uga tagay baralamaanka ay ahayd biriq ku dhacday halka uu dabku ka imaan jiray.
Shan iyo toban qof oo ku dhintay dhul go’ ka dhacay dalka Uganda
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Xubno ka tirsan laanqayrta cas ee Uganda oo dadka degmada Bulambuli kala shaqaynaya baadi doonka iyo soo saaridda maydadka ku hoos jira dhiiqada
Shan iyo toban qof ayaa ku dhintay, ugu yaraantiina 100 kale ayaa lagu la’yahay dhul go’ka dhacay bariga dalka Uganda, sida laga soo xigtay xafiiska ra’isul wasaaraha iyo booliska.
Roobbab mahiigaana oo ka da’ay aaggaasi ayaa keenay in uu dhulku go’o isla markaana ay aasmaan tobannaan guri.
Dhul go’a ayaa ka dhacay Arbacadii degmada la yiraahdo Bulambuli oo qiyaastii 300 km bari kaga beegan caasimadda Kampala.
Illaa 40 gruri ayaa gabi ahaanba aasmay sida ay warbixin ku sheegtay hay’adda laanqayrta cas ee dalka Uganda, waxana sidoo kale jira guryo kale oo qayb ahaan dumay.
“Waxan helnay maydadka 15 qof, waxana jirta cabsi la xiriirta in maydad kale ay ku hoos jiraan dhiiqada” sidaasi waxa yiri afhayeenka xafiiska ra’isul wasaaraha Charles Odongtho.
Waxa uu intaa ku daray in inkabadan 100 qof lagu la’yahay illaa sideed tuulo.
Ruushka oo amaanay xiriirka kala dhaxeeya dalka Kuuriyada Waqooyi
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka Difaaca ee Ruushka Andrei Belousov, ayaa amaanay
xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi intii uu booqdanayey
Pyongyang.
Isagoo hadlayey kadib
markii uu gaaray dalkaas si uu uga qeyb galo wadahadallo ku saabsan xoojinta
iskaashiga militariga, Mr. Belousov ayaa sheegay in xiriirka u dhexeeya labada
dal uu "si weyn u ballaaran yahay dhammaan dhinacyada."
Tani waxay imaanaysaa warbixino ka yimid hay'adaha sirdoonka
Koonfurta Kuuriya iyo kuwa Galbeedka oo sheegay in Pyongyang ay soo dirtey
kumannaan askari si ay u caawiyaan Ruushka dagaalkiisa ka dhanka ah Ukraine
Bishii Juun, Madaxweyne Putin iyo hogaamiyaha Kuuriyada
Waqooyi Kim Jong Un ayaa kala saxiixayday heshiis ballanqaaday inay is
caawiyaan haddii ay ku dhacdo "weerar" midkoodna ka dhana.
“Labo cunug ayaad iga disheen, ma kan saddexaad ayaad iga dileysaan?” Waa fadeexad gilgishay Turkiga
Xigashada Sawirka, Getty Images
Fadeexad la xiriirta carruur laga qaaday isbitaal oo la geynayay isbitaal kale taas oo keentay dhimashada ugu yaraan 10 cunug ayaa ka careysiisay dadweynaha Turkiga. Arintan ayaa dhalisay baaqyo la doonayo in ay is casilaan madax sare iyo in la sameeyo baaris.
Waa mid ka mid ah fadeexadaha caafimaad ee ugu weyn dalka. Dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha iyo darawalada gaadiidka gurmadka degdega ayaa lagu eedeeyay in ay sameeyeen baaris been abuur ah si carruurta markaas dhalatay loo qaado lana geeyo isbitaallo gaar loo leeyahay halkaas lagu haynayo muddo dheer.
Bishii Nofember sanadkii 2016-kii, Tolga Oymak xaaskiisa Nukhet waxay isbitaalka ku dhashay saddax cunug oo mataano ah. Dhicis ayey ahaayeen. Isbitaalka iyo qeybta daryeelka gaarka ah ma hayn saddex dhalo oo la geliyo carruurtaas. Sidaa darteed qoyska waxay go’aansadeen in ay u raadiyaan isbitaal kale, degdeg ayeyna u geeyeen.
“Mid ka mid ah ilmaha ayaa dhintay maalintii saddexaad” ayuu Tolga u sheegay BBC. Wuxuu yiri geerida waxaa keenay dhibaato dhinaca neefsiga ah iyo caabuq ku dhaca ilamaha ka yar 90 maalmood.
“labo cunug ayaa noo hartay, dhakhaatiirtana waxay noo sheegayeen in ay caafimaad qabaan”
Shan maalmood kaddib, dhakhatar ayaa na soo wacay oo noo sheegay in mid ka mid ah ciyaalka uusan fiicneyn, xaaladiisana ay la mid tahay cunugii hore oo kale. Wuxuu noo sheegay in aan degdeg isbitaalka u imaano.
Nin madax-xanuun joogto ah ka caban jiray iyo wixii maskaxdiisa lagu arkay
Xigashada Sawirka, SCIENCE PHOTO LIBRARY
Dhakhaatiir u dhalatay dalka Maraykanka ayaa daaha ka qaaday in bukaan la ildarnaa xanuunka dhanjafka xooggan ee soo noqnoqda u uku sababay xanuunkan tirxi ama gooryaan ku dhex noolaa maskaxdiisa.
52-jirkan oo aan la shaacin magaciisa ayaa booqday dhaqtarkiisa Florida kadib markii madax xanuunka dhanjafka oo sidoo kale goonjab ama wareento loo yaqaan waxbana uu ka tari waayey kiniinka xanuun baabi’iyuhu.
Dhakhaatiirtu markii ay samaynayeen baadhista raajada madaxa, waxay ogaadeen in maskaxdiisa ay ku jiraan fiixyo badan oo, sida ay markii dambe ku xaqiijiyeen daraasado ka dambeeyay, dhab ahaantii ah dirxi dhogor leh oo ku nool maskaxdiisa kaas oo ku sababay caabuq loo yaqaan ‘neurocysticercosis’.
Caabuqan waxaa keena dirxiga Taenia solium (T.solium), oo sidoo kale loo yaqaanno gooryaanka doofaarka.
Barlamaanka Australia oo meelmariyey sharci carruurta 16-sano jirka ka yar ka mamnuucaya Baraha Bulshada
Xigashada Sawirka, Getty Images
Australia ayaa ka
mamnuuci doonta carruurta ka yar 16 sano inay isticmaalaan baraha bulshada, ka
dib markii baarlamaanka dalka uu ansixiyay sharciyada ugu adag ee adduunka.
Mamnuucidda, oo aan dhaqan galeyn ugu yaraan 12 bilood, ayaa
laga yaabaa in shirkadaha tiknoolajiyadda lagu ganaaxo ilaa A$50 milyan ($32.5
milyan; £25.7 milyan) haddii aysan u hoggaansamin.
Ra’iisul Wasaarahadalkaas Anthony Albanese, ayaa
sheegay in sharcigan loo baahan yahay si uu uga ilaaliyo dadka da’ada yar”dhawacyada”
Baraha Bulshada, arrin waalidiin badan ka dhawaajiyeen.
Laakiin dhaleeceeyayaasha ayaa sheegay in su'aalaha ku
saabsan sida mamnuuciddaasi u shaqeyn doonto - iyo saameynta ay ku yeelan
doonto xogta gaarka ah iyo xiriirka bulshada – ay tahay midana wali laga jawaabin.
Tani maahan isku daygii ugu horreeyay ee caalamiya ah ee
lagu xaddido isticmaalka baraha bulshada ee carruurta, laakiin da'da ugu yar ee
16 sano waa tan ugu sareysa ee ay dejisay waddan kasta.
Ka dib markii aqalka Senate ansixiyeen, iyadoo 34 u codeeyeen
halka 19 ay ka horjeesteen, sharciga oo ku laabtay wakiilada ayey iyaguna ansixiyeen xilli hore oo jimcihii ah.
"Waxaan rabnaa in ciyaalkeenu ay yeeshaan caruurnimo,
waalidiintoodna ay ogaadaan in aan garabkooda u taaganahay," ayuu yiri Albanese
Sharcigu si gaara uma cadaynayo kuwa ay yihiin baraha la
xanibi doono. Go'aankaas waxaa dib ka gaari doona wasiirka isgaarsiinta kaas
talo ka raadsanaya guddiga eSafety, oo maamula internerka kaas oo dhaqan galin
doona sharciyada