Ilhaan Cumar: “Waxaa la ii beegsaday Diinteyda iyo Midabkeyga”

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee Golaha Wakiillada Maraykanka ayaa xildhibaan Ilhaan Cumar ka saaray guddiga arrimaha dibedda ee Aqalkaas.
Waxa ay Ilhaan ku eedeeyeen in ay horay u dhaliishay Israa’iil, arrintaas oo uu ku gacan-sayray xisbiga ay ka tirsan tahay ee Dimuqraadiga.
218 xubnood ayaa u codeeyay in Ilhaan laga saaro guddigaas, halka 211 xubnood ay diideen mooshinkaas.
Xildhibaan Ilhaan oo khudbad ka jeedisay Kongress-ka ka hor inta aan codka loo qaadin, ayaa sheegay in loo beegsaday Muslim-nimadeeda iyo in qaxootinnimo ay ku tagtay Maraykanka.
“Waxaa jira feker ah in aad tahay la tuhunsane haddii aad tahay soogalooti, aad ka soo jeedo qeybo gaar ah oo kamid ah caalamka, ama iyadoo lagu saleynayo midabkaaga ama in aad haysato Diinta Islaamka,” ayay tiri Ilhaan.
Waxa ay intaa raacisay in xubno kamid ah xisbiga Jamhuuriga ay ku eedeeyeen Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama, inuu si qarsoodi ah u yahay Muslim.
“Waxaan ahay Muslim, waxaan ahay soogalooti, waxaana ka soo jeedaa Afrika. Ma jirtaa cid ay layaab ku tahay in sidan la ii beegsado? oo la ii arko in aan xaq u lahayn in aan ka hadlo siyaasadda arrimaha dibedda Maraykanka. Mise in ay ii arkaan qof codkar ah oo u baahan in la aamusiyo,” ayay si qiiro leh u tiri xildhibaan Ilhaan.
Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ah ayaa u muuqday mid la dhacsan doodda Ilhaan, waxaana qaarkood ay la qiiroodeen kalmadaha ay adeegsatay.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa lagu haysto
Xildhibaannada Jamhuuriga ayaa ku eedeeyay Ilhaan “Yuhuud naceyb” iyo inay muujisay feker lid ku ah Israa’iil, arrimahaas oo ay tilmaameen inay ka hor joogsanayaan kamid ahaanshaha guddiga arrimaha dibedda Maraykanka.
Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa ku tilmaamay go’aanka xildhibaan Ilhaan looga saaray guddiga “ficil siyaasadeed” oo aan dan u ahayn shacabka dalkaas.
“Xildhibaan Ilhaan waa xubin si weyn looga qadariyo Kongress-ka,” ayay weriyayaasha u sheegtay Karine Jean-Pierre oo u hadashay Aqalka Cad.
Ilhaan ayaa sanadkii 2019 la kulantay dhaleeceyn ballaaran kadib markii ay soo jeedisay in lacagaha tabarucaada ah ee ay siyaasiyiinta ka helaan ururada taageera Israa’iil sida AIPAC, ay udub dhexaad u yihiin taageerada uu dalkaas ka helo xukuumadda Washington.
Cadaadis xooggan kadib, xildhibaan Ilhaan ayaa raaligelin ka bixisay hadalkaas.
Hakeem Jeffries oo laga soo doorto Brooklyn, kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in xildhibaan Ilhaan lagula kacay aargoosi siyaasadeed. Waxa uu ballanqaaday in Ilhaan oo boos ka siin doono guddiga maaliyadda ee Golaha Wakiillada.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2













