TOOS, Trump oo ka laabtay go'aankii uu canshuuro ugu soo rogi rabay Greenland

Waxaa uu Trump sidoo kale sheegay inuusan xoog ku qabsan doonin jasiiradda

Tebin toos ah

  1. Putin ma aqbalay casuumadda Golaha Nabadda ee Trump?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, o

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in madaxweyne Putin uu aqbalay casuumadiisa ku aaddan in uu ku biiro hindisaha Guddiga ee uu asaasay Trump, kaas oo ujeedadiisu tahay tahay xallinta khilaafaadka adduunka oo dhan.

    Balse mr. Putin ma uusan xaqiijin arrintan; horay ayuu u sheegay in jawaabta Ruushka ee casuumadda ay imaan doonto oo keliya kaddib marka wasaaradda arrimaha dibedda ay daraasad ku sameyso dukumentiyada oo ay la tashato xulafada istiraatiijiga ah.

    Dalalka doonaya in ay ku biiraan oo ay ka noqdaan xubno joogto ah, waxaa laga codsan doonaa in ay bixiyaan ilaa hal bilyan oo doollar.

    Golaha waxaa markii hore Aqalka Cad ku soo bandhigay qeyb ka mid ah hannaan maamul oo mustaqbalka Gaza loogu talagalay, laakiin hadda wax tixraac ah laguma hayo dhulka Falastiin.

    Dalal badan ayaa hadda sheegay inay ku biiri doonaan, oo ay ku jiraan Pakistan, Turkiga, Masar, Sucuudi Carabiya iyo Qatar.

    Donald Trump wuxuu noqon doonaa guddoomiyaha koowaad wuxuuna magacaabi doonaa qofka bedeli doona.

    Vatican-ka ayaa sheegtay in Baadarigu uu sidoo kale helay casuumad.

    Si kastaba ha ahaatee, Sucuudiga ayaa sheegay in kooxdan dalalka Muslimiinta u badan—Sucuudiga, Turkiga, Masar, Urdun, Indonesia, Pakistan iyo Qadar ay taageereen yoolka ah xoojinta xabbad-joojin joogto ah oo ka hirgasha Qaza, taageeridda dib-u-dhiska, iyo horumarinta waxa ay ku tilmaameen "caddaalad iyo nabad waarta."

    Ma cadda inta dal ee lagu casuumay inay ku biiraan hay'addan cusub ee Trump. Canada iyo Ingiriiska ayaa ka mid ah dalalka la casuumay, balse weli si rasmi ah ugama jawaabin. Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Albaaniya, Armeeniya, Azarbayjaan, Belarusiya, Hangari, Kazakhistaan, Marooko iyo Vitnam ayaa horay isu diiwaangeliyay.

  2. Xogta diyaaraddii uu isku soo sawiray madaxweyne Cirro

    .

    Xigashada Sawirka, Cabdiraxmaan Cirro/Facebook

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa bartiisa Facebook soo dhigay sawirro u muuqday inay qayb ahaan ka jawaabayaan su'aalo maamlihii lasoo dhaafay ka taagnaa baraha bulshada oo ku aaddan qorsheyaasha socdaalkiisa.

    Sawirrada ayaa muujinayay isaga oo saaran diyaarad helikobtar ah oo leh lambarka duullimaadka HB-ZYI.

    Diiwaannada duulista ee dadweynaha, sida ADS-B ayaa tilmaamaya in helikobtarkaasi ka diiwaangashan yahay Switzerland.

    Lama hubo in hadda helikabtartaasi ku sugan tahay hawada Switzerland, oo magaaladiisa Davos uu ka socdo shir-sanadeedka World Economic Forum ee 2026.

  3. Somaliland oo sheegtay in lagu soo dhoweeyay aqalka baarlamaanka Israa'iil

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, ayaa sheegtay in wefdi ka socda Somaliland lagu soo dhoweeyay aqalka baarlamaanka Israa'iil ee Knesset.

    Qoraal la soo dhigay barta facebookga ee Telefishanka Qaranka Soamliland ayaa lagu yiri sidan:

    "Wefti ka socda Somaliland oo lagu soo dhaweeyay aqalka baarlamaanka Israaiil ee Knesset, ka dib markii ay martiqaad rasmi ah ka heleen aqalka Knesset".

    "Tallaabadan ayaa ka mid ah dedaallada diblomaasiyeed ee ay Somaliland iyo Israaiil kor ugu qaadayaan xidhiidhkooda rasmiga ah", ayaa lagu yiri qoraalka telefishanka qaranka.

    Faahfaahin dheeri ah lagama bixin wefdiga la sheegay in la soo dhoweeyay.

    Arrintan ayaa imanaysa iyadoo dhawaan laysla dhex marayay warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu u safray, ama uu isu diyaarinayo safar uu ku tago Israa'iil, ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada ilaa shalay, balse waxaa garab socda qodobbo muhiim ah oo aanan weli la xaqiijin.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  4. Trump oo ka laabtay hanjabaadiisi canshuuraha Greenland iyo inuu xoog ku qabsanayo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Kadib markii uu la kulmay Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in uusan soo rogi doonin canshuuraha loo qorsheeyay inay dhaqan galaan 1-da Febraayo

    Hadalkan wuxuu ka dhigan yahay dib u gurasho, ka dib markii Trump uu ku hanjabay inuu canshuur hor leh ku soo rogi doono siddeed xulafo oo Mareykan ah oo ka soo horjeeda doonistiisa jasiiradda Greenland

    Trump ayaa kulankii uu la yeeshay Rutte kadib, soo dhigay qoraal barta Social, kulankaas oo u uku tilmaamay "mid aad waxtar u leh,".

    Wuxuu yiri: “Xalkan, haddii la dhammeystiro, wuxuu u noqon doonaa mid aad u wanaagsan Mareykanka iyo dhammaan waddamada NATO.”

    “Marka la eego is-afgaradkan, ma hirgelin doono canshuurihii loo qorsheeyay inay dhaqan galaan 1-da Febraayo. Wadahadallo dheeraad ah ayaa socda oo ku saabsan Mashruuca Golden Dome sida uu ula xiriiro Greenland.”

    “Faahfaahin dheeraad ah ayaa la bixin doonaa marka wadahadalladu sii socdaan. Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, Ergayga Gaarka ah Steve Witkoff, iyo qaar kale oo loo baahdo, ayaa mas’uul ka noqon doona wadaxaajoodyada — waxayna si toos ah ii soo wargelin doonaan. Waad ku mahadsan tihiin sida aad arrintan u danaynayseen.”

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: