Muxuu yahay hadalka uu Biden ka sheegay madaxweynaha Shiinaha ee sii cakiri kara khilaafka labada dal?

Madaxweyne Biden iyo dhiggiisa XI

Xigashada Sawirka, Reuters

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku tilmaamay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping nin kaligii taliye ah. Biden ayaa hadalkan sheegay isagoo ka qeybgalayay xaflad lacag aruurin ah oo ka dhacday California.

Hadalkiisa ayaa imaanaya maalin un kadib markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu la kulmay Mr Xi ka dib wadahadallo ka dhacay magaalada Beijing, kaasi oo looga gol lahaa in lagu qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa labada quwadood.

Mr Xi ayaa sheegay in xoogaa horumar ah laga sameeyay Beijing wadahadalka, halka Mr Blinken uu tilmaamay in labada dhinacba ay u furan yihiin wadahadallo dheeraad ah.

Shiinaha weli kama jawaabin hadalka Biden ka soo yeeray.

Madaxweyne Biden, oo ka qayb galayay lacag-ururinta habeennimadii Talaadada waqtiga maxalliga ah, ayaa sidoo kale sheegay in Mr Xi uu ka xishooday xiisadihii u dambeeyay ee ka dhashay buufinta basaaska ee Shiinaha oo lagu soo riday hawada Maraykanka.

"Sababta uu Xi Jinping aad uga xanaaqay, markii aan soo ridnay buufinkaas oo ay ku jireen laba baabuur oo sanduuq ah oo ay ka buuxaan qalabka wax basaasa, sidee ayu uku dhihi karaa ma ogeyn in qalabkaas uu ku jiro buufinta," ayuu yiri Mr Biden.

"Taasi waxay ceeb weyn ku tahay kali-taliyayaasha, marka ay garan waayaan waxa dhacay."

Booqashada Mr Blinken ee Beijing - oo ah tii ugu horeysay ee diblumaasi sare oo Mareykan ah ku tago muddo ku dhow shan sano - ayaa dib u furtay xiriir heer sare ah oo ka dhexeeya labada dal. Mr Biden iyo Mr Xi labaduba waxay ku tilmaameen horumar la soo dhawaynayo. Balse Mr Blinken ayaa si cad u sheegay in farqi weyn uu u dhaxeeya labada dal.

Xukuumadaha Washington iyo Beijing waxay muddo dheer isku hayeen arrimo badan oo ay ka mid yihiin ganacsiga, xuquuqda aadanaha, iyo qaddiyadda Taiwan.

Madaxweyne Biden ayaa ku tilmaamay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping nin kaligii taliye ah.

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Labada quwadood ee caalamka ugu waawayn ayaa waxa ay isku hayaan dhowr arrimood oo ka mid yihiin xiriirka ganacsiga ee labada dhinac u dhaxeeya taasi oo ku saabsan in uu madaxwayne Biden diiday in uu qaado tallaabooyiinkii ganacsiga ee uu Shinaha ku soo rogay madaxwaynihii isaga ka horeeyay.

Waxaa ka mid ah khilaafka ganacsiga waxyabaha dhaliyay lacag dhan balaayiin doollar oo ah canshuuro cusub lagu soo rogay badeecadaha Shiinaha lagu sameeyo.

Arrinta Taiwan ayaa sidoo kale ka mid ah taasi oo Shiinaha u arkaan jasiirad ka tirsan dhul waynaha Shiinaha.

Booqashada Mr Blinken waxay ku saabsan tahay dib-u-soo-celinta is-dhexgalka dibloomaasiyadeed oo dhan kasta ah.

Bishii la soo dhaafay waxaa uu Shiinaha shaki ka muujiyay ka dib markii saraakiil sarsare oo Maraykan ah ay kula kulmeen Vienna, Austria.

Balse Mr Blinken ayaa ah masuulkii ugu sareeyay ee maamulka Biden ee u socdaala dalka Shiinaha, waxayna noqonaysaa booqashadii ugu horreysay ee xoghaye arrimo dibadeed Maraykanku uu ku tago Beijing tan iyo bishii Oktoobar 2018.

“Hadda waa wakhti ku habboon in mar kale la wadahadlo sababtoo ah taas lafteedu waxay yaraynaysaa halista isku dhaca”, ayuu yiri ku xigeenka kaaliyaha madaxweynaha iyo isku duwaha arrimaha Indo-Pacific Kurt Campbell, oo arrintan ka hadlay.