Mareykanka oo ka hadlay diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha iyo dalkiisa oo hawada foodda isku daray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa ku baaqay in la dib loo hagaajiyo xiriirka u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka ka dib markii ay isku dhici gaareen labo diyaaradood oo militari oo ay leeyihiin labada dal.
Washington ayaa sii deysay muuqaal muujinaya diyaarad dagaal oo Shiinuhu leeyahay oo dul heehaabaysay afafka hore ee diyaaradda ilaalada ee Maraykanku leeyahay oo dul maraysay badda Koonfurta Shiinaha.
Xiriirka u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka ayaa madmadow soo kala dhexgalay muddooyinkii u dambeeyay taasi oo la xiriirta qaabka uu Mareykanka ula macaamilo jasiiradda Taiwan.
Socdaalkiisan uu Shiinaha ku tagay ayaa horey loo baajiyay ka dib markii buufin la sheegay in uu Shiinaha lahaa ay soo rideen militariga Mareykanka.
Shiinaha ayaa sheegay in buufintaasi ay ahayd mid kormeer ku sameynaysay arrimaha cimilada balse Mareykanka ayaa sheegay in ay uga shakiyeen basaasnimo.
Booqashada Mr Blinken ayaa waxaa qeyb ka ah kulamo uu la a yeelanayo madaxda ugu sareysa siyaasadda arrimaha dibadda ee Shiinaha balse ma jiro wax war ah oo weli ku saabsan in uu sidoo kale la kulmi doono madaxweynaha Shiinaha Xi.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken' oo shir jaraa'id ka hadlayay ayaa tibaaxay in labada diyaaradood ay ku sigteen inay isku dhacaan.
Waxaa uu sheegay in diyaaradda Mareykanka aysan galin hawada Shiinaha, islamarkana uu xiriirka yahay mid muhiim ah.
“Diyaaradahayagu waxa ay ku duulayeen hawada caalamiga ah iyaga oo ku guda jira hawlo shaqo oo caadi ah, duuliye Shiinees ah ayaa qaaday tallaabo khatar ah oo uu ugu soo dhawaaday diyaaraddeena. Laakiin waxay ila tahay inay hoosta ka xariiqday sababta ay muhiimka u tahay in aan helno khadad isgaarsiineed oo furan oo joogto ah. Waa wax laga xumaado in kulanka uu doonayey Xoghayaha Difaaca [Mareykanka] Lloyd Austin uu la yeesho dhiggiisa Shiinaha uusan suurtogalin. Laakiin anaga, Madaxweyne Biden, tani waxay hoosta ka xariiqaysaa sababta ay muhiim u tahay in dhammaan dawladda, heerarka ugu sarreeya, aan si joogto ah ugu hawlannahay.”

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Labada quwadood ee caalamka ugu waawayn ayaa waxa ay isku hayaan dhowr arrimood oo ka mid yihiin xiriirka ganacsiga ee labada dhinac u dhaxeeya taasi oo ku saabsan in uu madaxwayne Biden diiday in uu qaado tallaabooyiinkii ganacsiga ee uu Shinaha ku soo rogay madaxwaynihii isaga ka horeeyay.
Waxaa ka mid ah khilaafka ganacsiga waxyabaha dhaliyay lacag dhan balaayiin doollar oo ah canshuuro cusub lagu soo rogay badeecadaha Shiinaha lagu sameeyo.
Arrinta Taiwan ayaa sidoo kale ka mid ah taasi oo Shiinaha u arkaan jasiirad ka tirsan dhul waynaha Shiinaha.
Booqashada Mr Blinken waxay ku saabsan tahay dib-u-soo-celinta is-dhexgalka dibloomaasiyadeed oo dhan kasta ah.
Bishii la soo dhaafay waxaa uu Shiinaha shaki ka muujiyay ka dib markii saraakiil sarsare oo Maraykan ah ay kula kulmeen Vienna, Austria.
Balse Mr Blinken ayaa ah masuulkii ugu sareeyay ee maamulka Biden ee u socdaala dalka Shiinaha, waxayna noqonaysaa booqashadii ugu horreysay ee xoghaye arrimo dibadeed Maraykanku uu ku tago Beijing tan iyo bishii Oktoobar 2018.
“Hadda waa wakhti ku habboon in mar kale la wadahadlo sababtoo ah taas lafteedu waxay yaraynaysaa halista isku dhaca”, ayuu yiri ku xigeenka kaaliyaha madaxweynaha iyo isku duwaha arrimaha Indo-Pacific Kurt Campbell, oo arrintan ka hadlay.











