Askariga Mareykanka ee sida loo tumo muusikada ku bartay gudaha qasrigii Saadaam Xuseen

Xigashada Sawirka, Getty Images
Michael Trotter wuxuu ku jiray dugsi dhexe markii uu fursad u helay inuu barto sida loo adeegsado qalabka biyaana, balse kama uusan faa’iideysan.
"Hooyadey ayaa iga diwaan gelisay, balse keliya hal fasal ayaan qaatay waana ka baxay. Macallimaddu waxay ahayd haweeney aad u ad adag anna waxaan lahaa dano kale. Waxaan daacaddii xilligaas u moodayay inaan noqonayo qof qaada heesaha rap-ka," ayuu Trotter u sheegay BBC Mundo.
Fursaddii labaad ayaa u timid wax ku dhow toban sano kadib, balse marka waa inuu isaga is baraa. Dabcan wuxuu ka baran doonaa qasri ku yaalla magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq, wuxuuna ku baran doonaa biyaano uu lahaa madaxweynihii hore ee Ciraaq Saadaam Xuseen.
Sanadku wuxuu ahaa 2003 Trotter ayaana qeyb ka ahaa ciidamada Mareykanka ee qeybta ka ahaa duullaankii Ciraaq.
Arrintaas siyaabo kala duwan ayay u saameyn doontaa noloshiisa, waxay ku reebi doontaa dhaawac jireed iyo mid maskaxeed, balse waxay sidoo kale u noqon doontaa billowga xirfaddiisa muusikada.
"Isku xirka ugu daciifsan"

Xigashada Sawirka, COURTESY MICHAEL TROTTER
Markii ugu horreysay ee Trotter uu la xiriiro Saadaam Xuseen waxaa is baray Robert Scheetz, oo ka mid ah kabtannadii guutadiisa.
"Wuxuu dareemay cabsida aan qabay markii aan imid Ciraaq. Ma aha sida inaad u socoto Disney World. Waxaad aadeysaa dagaal isla markii aad timaddana waad dareemeysaa. Waxaad maqleysaa rasaasta, qaraxyada waxaad xitaa urin kartaa dadka dhimanaya," ayuu yiri Trotter.
"Scheetz ayaa iigu sheegay xiriirkii ugu daciifsanaa, maaddaama qofku uu dhiman karo amaba la dili karo. Wuxuu u baahnaa inuu cabsida iga saaro, wuxuuna taariikhdeyda ka ogaaday in muusikada ay tahay waxa iga kaafin jiray wax walba. Marka, sidiisa waan ogaa in qasriga halka aan saldhiggeenna ka sameysannay ay taallo biyaano uu lahaa Saadaam Xuseen, wuxuu i geeyay qeybta hoose ee guriga oo ay taalay," he adds.
Waxay ahayd biyaano qeybta sare madow ka ah. "Cajiib", ayuu ku qeexay Trotter.
Ma ahayn wax fudud in la tago qeybtaas hoose ee guriga. Inaad sameyso waxaad u baahan tahay inaan ka dul booddo meelo burbursan iyo dhagaxaan shub ah

Xigashada Sawirka, COURTESY MICHAEL TROTTER
"Marka aad ka fakarto qasri, waxaad qiyaaseysaa sida uu u qurux badan yahay, balse kani wuxuu ahaa qasri la qarxiyay. Marka, derbiyada qaar waa la dumiyay, qeyb ka mid ah saqafka ayaa weli furnaa. Qeybo bandanna waa la burburiyay. Marka mararka qaar waxay ahayd inaan kor ka soo galo, guurguurto amaba soo boodo, si aan u helo uun biyaanada," ayuu yiri
Isagoo qaadanaya talada Scheetz, oo ku boorriyay isticmaalka biyaanada "mar walba oo uu doonayay inuu dib ugu laabto dalkiisa," Trotter wuxuu maalin walba tagi jiray qeybta hoose muddo 15 bilood ah, isagoo isku dayaya barashadeeda.
Baadi-goobka wax xiiso geliya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jaceylka muusikada ee qoyskiisa. Ayeydiis hooyadiis dhashay ayaa tunta biyaanada dhammaan habaryar yaashiisana way heesaan. Sidoo kale hooyadiis, oo u uku qeexay inay tahay qof aad ugu dheggan diinta Kirishtaanka taasna ay sababta in Trotter uu jeclaado biyaanada.
"Waxaan ku barbaaray Cleveland, Ohio, halkaas oo ay ku yaalleen idaacado oo dhammaan wax wanaag iyo xumaan isugu jira baahinayay. Hooyadeyna, si ay u hubiso inaan waxa xun ku kadsoomin, hal idaacad ayay guriga noogu qoondeysay marka taas unbaad dhegeysan kartaa maalintii, habeenkiina waxay soo dyen jireen heeso hore oo macaan. Daacaddiina, taas ayaa i jecleysiisay muusikada," ayuu yiri.
"Waxaan mar walba awoodayay inaan dib ugu laabto xusus-qorka oo aan wax i xiiso geliya helo. Marka, hoos ayaan aadi jiray waxaana ku dayi jiray hal far. Istaraatiijiyaddeydu waxay ahayd inaan saddex xusuus ka helo biyaanada," ayuu yiri Trotter.
Trotter ayaa ku raaxeysan jiray inuu maalin walbo ag fadhiisto biyaanada, isagoo isku dayaya inuu barto sida loo tumo loona curiyo kuusikada, balse wuxuu xiriirka uu la lahaa qalabkaas sii xoogeystay markii uu dhintay kabtan Scheetz.

Xigashada Sawirka, COURTESY MICHAEL TROTTER
"Waan ciyaari jiray waxaana jirtay xilliyo aan dareemay inaan wax fiican heysto. Balse waxaan waayay xiriir dareen oo qalabka la xiriira, ilaa isaga la dilay, sababtoo ah markaas waxaan heystay ujeeddo cusub, sabab cusub oo aan u barto sida loo ciyaaro. Waxaan doonayay inaan sharfo iyo saaxiibbadey. Waxaan doonayay inaan ku xirnaado oo aan yeesho dareen ka soo kabasho. Waxaan u maleynayaa in geeridiisa an i furfurtay ayna ii oggolaatay inaan ku xirnaado qalabka," ayuu yiri.
Trotter ayaa heestiisii ugu horreysay u sameeyay Scheetz wuxuuna ka qaaday duugtiisii, taasoo noloshiisa beddeshay.
"Caadi ahaan, aaska milatariga, askartu maaha kuwo furfuran. Aad ayay isu ilaaliyaan, balse heestan intay socotay, sidaas ma aynaan ahayn. Waan baroorannay, si wada jir ah ayaan u oynay hab ayaana isa siinnay. Taasina shaqadeyda ayay beddli doontaa," ayuu yiri
"Taliyahayga xilligaas ayuu arkay. Wuxuuna doonayay inuu ogaado inaan aniga qoray heesta iyo muddada ay igu qaadatay. Waan u jawaabay kaddibna wuxuu igu yiri: 'hagaag, hadda tan waxay noqon doontaa shaqadaada. Waxaad heeso u qori doontaa kuwa dhintay waxaadna ka heesi doontaa aaskooda. Sababtoo ah taasi waxay caawineysaa inay bogsiiso wiilasheenna, si la yaab lehna, waxay sare u qaadeysaa mooraalka guutadeyda," ayuu intaas ku daray.
Muusikada iyo bogsashada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Howshan ayaa micno cusub u sameyn doonta joogitaankiisa Ciraaq.
Markii uu Trotter go’aansaday inuu isu diwana geliyo aadidda dagaalka, wuxuu isku dayayay inuu noloshiisa nidaam u sameeyo. Wuxuu ahaa 20 jir saaxiibtiisa xilligaas ayaana markaas uun uur yeelatay.
"Waxaa iga go’neyd inaan joojiyo sameynta go’aanno xun xun. Waxaan doonayay inaan wax sameeyo si ana u hubiyo in gabadheyda ay fursad u hesho nolosha iyo inaan awoodo inaan daryeelo. Marka waxaan ku biiray milatariga sababtoo ah waxay ka dhigneyd caymis caafimaad oo bilaash ah kamana walwali lahayn kirada amaba wax walba oo aan ahayn cunno iyo kharashka telefoonka," ayuu yiri.
Balse, markii ugu horreysay ee uu ka soo laabtay Ciraaq, wuxuu halkaas ka soo helay wax ka badan qalabka ammaanka.
"Markii labaad ee aan isu diwaan geliyay inaan Ciraaq aadayo anaa doortay. Markii aan guriga kusoo laabtay waxaan dareemay marnaansho saa’id ah. Waxaan dareemay in cidna aysan fahmeynin qofkaan ahaa la iina maleynayay qof aan isku toosneyn. Waxaan dareemay in shaqadeydii halkaas aysan dhammaan oo aan u baahnaa inaan dib ugu laabto wiilasheyda si aan uga caawiyo inay bogsadaan, marka dib ayaan u laabtay waxaana sii joogay ilaa February 2007," ayuu yiri.
Intii lagu guda jiray booqashadaas labaad ee Ciraaq, Trotter ayaa inta badan isu xil saaray muusikada, balse markii uu kusoo laabtay Mareykanka mar kale ayuu dareemay inay ka kala daadsan tahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Maskaxiyan ahaan Ciraaq wax badan baan la kulmay sababtoo ah waxaan weynayay saaxiibbo, iyo walaalo. Maanan eegeyn bogsasheyda. Waxaan diiradda saarayay hubinta inaan heeso oo aan dadka ka farxiyo aniguna ma faraxsaneyn qudheyda," ayuu yiri.
Wuxuu la soo laabtay dhaawacyo jireed iyo mid maskaxeed. Wuxuu la daalaa dhacayay isku buuq daran iyo sidoo kale dhaawacyo lugta ah.
Sidaa darteed, wuxuu ka fekereyay wuxuu sameeyo iyo inuu la yimaado ujeeddo cad, umana suurtogelin ilaa sanadkii 2010 markaas oo uu la kulmay jilaa iyo fannaanad Tanya Blount, haatanna ah xaaskiisa.
Iyagoo wada jira waxay sanadkii 2014 aasaaseen hay’ad faneed, sanadkii 2017 ayya ugu magac dareen The War and Treaty , oo ah magac ka sheekeynaya khibraddiisii nololeed.
"Jaceyl iyo muusiko ayaa i rajo geliyay. Waxaana rumeys nahay in qof walba uu u qalmo farxaddan aan dareemayo. Sababtan darteed, albumyadeenna kuma darno hees aynaan dareemeyn, taasoo aan na dhaqaajineyn." Ayuu yiri.













