Saadaam Xuseen oo dhiiggiisa Qur'aan ku qoray iyo afar arrimood oo kale oo la yaab leh

Madaxda lagu tiriyo iney yihiin keli-taliyayaal waxay leeyihiin dabeecado u gaar ah sida iney kelinimda jecel yihiin iyo iney awoodda ugu dambeysa adeegsadaan.
Shaqsiyaadka kali-taliyanimada lagu yaqaanna oo dunida soo maray waxaa ka mid ah Hitler, Stalin, Mossolini, Franco, Muammar Qaddaafi iyo kuwa kale
Waxa ay u muuqataa in kaligii taliye kasta uu leeyahay dabeecado shakhsiyeed oo qariib ah oo u muuqda kuwo ka duwan dabeecadda dadka caadiga ah.
Saddaam Xuseenna hoggaamiyeyaashaasi kama duwana.
Haddaba waxaan eegeynaa 5 qodob oo ka mid ah waxyaabaha lagu xusuusto madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saadaam Xuseen.
1. Abaalmarinta uu ka guddoomay Hay’adda UNESCO
Saadaam Xuseen inti u dhaxeysay 1968-1979-kii wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka xisbiga Bacath. Muddadaasina wuxuu si weyn wax uga baddalay waxabarshada dalka Ciraaq.
Dalka oo dhanna wuxuu ka hirgeliyey goobo waxbarasho oo ciddi ka maqnaataa ay muteysaneysay 3 sano xabsi ah.
Wuxuu sidoo kale uu dhisay waddooyin, iskuullo iyo isbitaallo si weyn wax uga baddalay adeeg bixinta caafimaadka gobolladaasi oo dhan.
Hay’adda UNESCO oo si weyn ula dhacday Saadaam Xuseen waxa uu ka qabtay ciribtirka jahliga ka jiray dalka Ciraaq waxay guddoonsiisay abaalmarin caalami ah.

2. Saadaam Xuseen wuxuu ku yaboohay 94 malyan oo doolar si looga caawiyo dadka saboolka ee Mareykanka ku nool
Wixii ka horreeyey 11-ka September, 2001-da oo aysan isbeddelin mustaqbalka siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka, maalin ka hor intii aanu madaxweyne George W. Bush xilka la wareegin, Saadaam Xussein waxa uu damcay in uu Maraykanka u diro 94 milyan oo doolar.
Isaga oo lacagtaasi sheegay inuu u yaboohay si wax looga qabto ‘gurya la’aanta iyo darxumada haysata dadka faqriga ee ku nool dalka Mareykanka.”
3. Wuxuu dalbaday isaga iyo George W. Bush dood toos ah telefishiinka in looga qabto
Si uu u baajiyo weerarka 2003-dii Mareykanka uu ku soo qaaday dalka Ciraaq madaxweyne Saadaam Xuseen wuxuu dalbaday in isaga iyo madaxweyne George.W.Bush in dood loo qabto.
Wareysi seddex saacadood qaatay oo uu la yeeshay CBS News ayuu Saadaam dalabkaasi ku soo jeediyey.
“Diyaar ayaan u ahay inaan wadahadal iyo dood toos ah la yeesho madaxweynihiinna, ayey tiri warbaahinta CBS News oo hadalka Saadaam soo xigatay.
Aqalka Cad ee Mareykanka oo ka jawaabay hadalka Saadaam Xuseen wuxuu sheegay hadalkaasi inuu iska yiri balse ay dhab ka ahayn oo barri uu mowqifkiisa baddalayo.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
4. Wuxuu dalbaday in dhiiggiisa lagu qoro kitaab qur’aan ah
Qur’aanka in dhiig lagu qoro diinta ma banneyn waxaana loo arkaa shey xaraan ah oo diinta islaamka ay oggoleyn.
Hase yeeshee, Saadaam xuseen rabitaankiisa inuu meel mariyo marna kama istaagin oo wuxuu howl geliyey farshaxamiste lagu magacaabo Cabbaas Shaakir Joudi.
Joudi 6,000 oo aayadood oo ka kooban 336,000 erey ayuu ku qoray dhiigga Saadaam Xuseen oo dhan 50 gooja waxayna ku qaadatay in ka badan 2 sano.
Inkasta oo khubarada arrimaha dhiigga ku takhasusay ay sheegeen dhiig intaa le’eg inaan laga heli Karin hal qof. Qof keligii in dhiig intaa dhan laga helana ay u baahan tahay ugu yaraan 9 sano.
5. Aabba la’aan ayuu soo koray wuxuuna jeclaa inuu Sharciyaqaan noqdo
Saadaam Xuseen yaraantiisi waxaa soo korisay hooyadii oo keli ah maadaamaa aabbihii Xuseen si kadis ah loo waayey.
Qofka noloshiisa saameynta ku yeeshayna wuxuu ahaa adeerkiis oo markii dambana xubin ka noqday xisbiga Bacath uu Saadaam hoggaaminayey.
Walaalkii ka yar markii uu u dhintay cudurka Kansarka hooyadii waxay awoodi weyday korintiisa kaddib adeerkii oo siyaasi ah kuna noolaa magaalada Baqdaad ayey ku wareejisay.
Saadaam Xuseen wuxuu sharciga ka bartay dalka Masar, jaamacadda marka uu dhammeeyey wuxuu Ciraaq ku soo laabtay 1963-kii isaga oo halkaa ka billaabay geeddiga siyaasadeed uu marki dambe madaxweyne ku noqoday.












