Falcelinta ka dhalatay go’aanka dawladdu ku dooneyso in la soo gabagabeeyo hawlgalka UNSOM

Soomaaaliya

Xigashada Sawirka, PUNTLAND TV

Qoraalka sawirka, Xukuumadda Puntland

Aragtiyo kala duwan ayaa ka soo baxaya go’aanka Dawladda Fedaraallka ku codsatay in la soo gabagabeeyo muddo xileedka Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM), kaas oo ka hawlgalayay Soomaaliya tan iyo 2013-kii.

Hawgalka UNSOM xafiisyadiisa kala duwan ee Soomaaliya waajibaadkiisa waxa kamid ah in uu kala shaqeeyo Dawladda Federaalka iyo Dawlad Gobolleedyada hawllaha dibu heshiisiinta, talo bixinno istraatijayeed oo kala duwan oo ku saabsan nabadda iyo dawlad dhiska Soomaaliya, la socoshada xuquuqda aadamaha iyo isku xirka dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo Soomaaliya.

Dawladdda Soomaaliya illaa hadda wax faahfaahin ah kama bixin sababta ay u codsatay in la baabi’iyo Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Laakiin waxa soo baxaya falcelino kala duwan oo ku aadan sida go’aan kaas loo arkay.

Aragtida Puntland ee go,aanka lagu joojinayo hawlgalka UNSOM

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, PUNTLAND TV

Qoraalka sawirka, Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid

Dawlad goboleedka Puntland ayaa noqotay maamul kii ugu horreeyay oo ka tirsan Federaalka oo si shaac ah uga hadasha dalabka Dawladda Federaalka ee ah in albaabada la isugu dhufto Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Puntland in dhawaalaba iskuma fiicneyn Muqdisho, sababbo la xiriirra khilaaf ka dhashay dib u eegista Distoorka KMG ah ee Soomaaliya ee dhawaantan Barlamaanka Federaalku ansixayay wax ka badalka afar cutub oo kamid ah.

Puntland dhawr jeer ayay ku celisay in ay wadashaqayntii kala laabatay Dawladda Federaalka. La yaab malaha in Puntland ka soo horjeesato go’aan xukuumadda Soomaaliya gaartay, maadaama aanu xiriirkoodu fiicneyn muddo ka badan sanad.

Wasiirka Waraafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo BBC-da wareysi siiyay ayaa ku tilmaamay dalabka Dawladda Federaalka mid aan laga fiirsan oo luminaya tiirarka ay ku taagneyd, wuxuna ku tilmaamay warqadda ay u dirtay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay mid qaris ka tuurnimo ah.

‘’Amniga iyo siyaasadda meesha ka baxday cidda caalamka uga qareemeysay bay ahayd, dalkan illaa uu isku filnaado amni ahaana uu soo kabato, dhalato dawlad dalka oo dhan xukunta, siyaasad degan gaadha way u baahantahay xafiiska Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa’’ ayuu yiri wasiir Caydiid

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in ay sharciyad u haystaan in ay ka jawaabaan arinta, isagoo ka fal celineyay su’aal ahayd in Dawladda Federaalku leedahay arimaha siyaasadda dibadda.

Maamul goboleedyada kale ee Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug mid koodna kama falcelin go’aanka Dawladda Federaalka.

Aragtiyaha kale ee ku aaddan go’aanka ay dawladdu ku dalbatay in la baabi’iyo hawlgalka UNSOM

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Golaha Shacabka

Qoraalka sawirka, Golaha Shacabka Barlamaanka Federaalka
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo saraakiil hore ayaa siyaabo kala duwan uga felceliyay dalabka dawladda.

Xildhibaan Daahir Amniin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ayaa BBC-da u sheegay in xiliga la galinayay Soomaaliya cutubka 7 ee Qaramada Midoobay ay ahayd xili ay burbursaneyd, lana soo magacaabi jiray wakiil gaar ah, laakiin maanta ay tahay dawlad buuxda.

‘’ Wax walba waqti ayay leeyihiin, dalka Soomaaliya waqti uu burburay ayaa cutub 7 la galiyay oo ahayd in Soomaaliya loo soo magacaabo wakiil. Maanta dawlad dhamesytiran ayaa Soomaaliya ka jirta, marka hadda xiligii loo baahnaa in wakiil noo soo magacowdo Qaramada Midoobay maaha, si caadiya calaaqaad wanaagsan ha naga dhaxeeyo, dawladdaha caalamka sida loola dhaqmo, naloola dhaqmo ayaan rabnaa, taas ayaana dawladda Soomaaliya sabab uga dhigeysa in ay tiraahdo xafiis kii noocaas ahaa ha la xiro, si kale aan u macaamilno, waana ku saxan tahay’’ ayuu yiri Xildhibaan Daahir.

Xildhibaan Dr Cali Siciid Faqi oo lagu tiriyo xildhibaannada aragti ahaan marrarka qaarkood diidan siyaasaddaha Dawladda Federaalka ayaa sheegay in go’aan kan u arkayo mid u dan ah Soomaaliya.

‘’Aragtideyda, xiritaanka xafiiska Qaramada Midoobay waa in guud ahaan loo arkaa horumar wanaagsan, sababtoo ah kharashkiisa sarreeya iyo eedeymaha musuqmaasuqa uu ku magac baxay. Wax ka yar 50% dollar kasta oo loogu deeqo Dawladda Soomaaliya ayaa la filayaa in uu si toos ah dalku uga faa’iideysto’’ ayuu yiri Xildhibaan Faqi oo qoraalkan dhigay bartiisa X.

Dhinaca kale Xildhibaan Dr Faqi waxa uu su’aal galiyay sababaha keenay go’aankan iyo waqtiga hadda lagu beegay.

Dadka kale ee magaca leh ee ka ra’yi dhiibtay go’aanka lagu dalbaday xiritaanka UNSOM

Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay in go’aan kan uu niyad jab ku ridi karo Golaha Amaanka ee Qarmada Midoobay iyo saaxiibada Caalamka, iyo in ay isbadasho filashadii ahayd Soomaaliya oo ka soo baxday dawlad fashilantay, kuna dhaw, in ay gaarto isku filnaansho iyo horumar.