Godwin Asediba oo ku guulaystay abaalmarinta 2025 Komla Dumor ee BBC

Saxafi u dhashay Ghana Godwin Asediba ayaa ku guulaystay Abaalmarinta BBC News ee Komla Dumor Award 2025.
Weriyahan oo sameeya barnaamijyada baaritaanka, filimada iyo tebinta wararka, kaasoo ah qofka 10aad ee helay abaalmarinta, wuxuu la shaqeeyaa TV3 iyo 3FM ee Ghana. Sheekooyinkiisa ayaa sidoo kale ka soo muuqday dhowr warbaahin oo caalami ah.
29-jirkan wuxuu inta badan diiradda saaraa sheekooyinka xiisaha u leh dadka ee ujeeddadoodu tahay inay soo bandhigaan caddaalad-darrada iyo kor u qaadidda codadka bulshooyinka la hayb sooco.
Abaalmarinta, oo hadda toban sano jirsatay, waxaa loo sameeyay in lagu sharfo Komla Dumor, oo ahaa wariye u dhashay Ghana, isla markaana ah soo jeediyaha barnaamijka BBC World News, oo si lama filaan ah u dhintay isagoo 41 jir ah 2014-kii.
Komla Waxa uu si hagar la'aan ah uga shaqeeyay in uu dunida u soo bandhigo sheeko aad u qoto dheer oo Afrika ku saabsan, taas oo ka dhigan kalsooni, xeeldheeri iyo dhinac ganacsi.
"Dhaxalka Komla wuxuu ina xusuusinayaa in sheekooyinka Afrika ay mudan yihiin in si qoto dheer oo sharaf leh loo tabiyo, iyo sida ay uga go'an tahay runta," Asediba ayaa yiri.
Ku guuleysiga abaal-marinta ma ahayn oo kaliya "horumar shakhsi ahaaneed" ee suxufiga reer Ghana, laakiin sidoo kale waxay ahayd "wicitaan lagu horumarinayo ruuxa saxafiyiinta ee wargeliya, dhiirigeliya oo wax ka beddela".
Garsoorayaasha abaalmarinta ayaa sheegay inay aad ula dhaceen shaqada baaritaanka Asediba iyo sida aan leexleexa lahayn ee uu u aaminsan yahay hufnaanta saxaafadeed.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hal sheeko oo uu si gaar ah ugu faani jiray ayaa ahayd baaritaan uu ku sameeyay mid ka mid ah xarumaha meydadka ee ugu weyn Ghana oo la dayacay, taasoo abuurtay khatar caafimaad oo bulshada ah.
Qayb ahaan shaqadiisa waxaa ka mid ah Asediba in uu u safro London halkaas oo uu saddex bilood kula shaqayn doono kooxaha wararka ee BBC-da ee telefishinnada, raadiyaha iyo internetka.
Waxa uu sidoo kale heli doonaa tababarro iyo la talin ay siin doonaan saxafiyiinta hormuudka ah ee BBC.
"Tobankii sano ee la soo dhaafay, Abaalmarinta Komla Dumor waxay gacan ka geysatay kobcinta qaar ka mid ah saxafiyiinta ugu kartida badan Afrika, waxay ahayd mudnaan inaan daawado sida ay u koraan oo ay u sameeyaan saameyn waarta, BBC iyo shishadeeda labadaba," ayey tiri agaasime goboleedka BBC ee Afrika Juliet Njeri.
"Sannad-guurada 10-aad waxay markhaati xoog leh u tahay dhaxalka waaraya ee Komla Dumor: dareenkiisa geesinimada leh, sheeko-xariireedka dhabta ah iyo in uu horyaal u noqdo in codadka Afrika ay ahaadaan kuwo nool."
Asediba wuxuu u safri doonaa waddan ku yaal Afrika si uu uga warbixiyo sheeko loo sii dayn doono dhegaystayaasha BBC-da ee caalamka.
Abaalmarinadii hore waxaa ka mid ah dadka ku guulaystay Rukia Bulle, Paa Kwesi Asare, Dingindaba Jonah Buyoya, Victoria Rubadiri, Solomon Serwanjja, Waihiga Mwaura, Amina Yuguda, Didi Akinyelure iyo Nancy Kacungira, oo ah ku guuleystaha tartankii ugu horreeyey.
Sannadkii hore, Rukia Buulle waxay u safartay Senegal si ay uga warbixiso kooxda Baye Fall oo ah firqo-hoosaad Muslimiin ah oo muuqaalkooda cajiibka ah uu ka dhigay kuwo dadka ka soocan oo laga dhex aqoonsan karo.













