Maxay yihiin sabaha dhabta ee keena madax-xanuunka migrain-ka?

Serenity Strull/ BBC

Xigashada Sawirka, Serenity Strull/ BBC

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Migrain-ka waa nooc kamid ah madax xanuunka, (waxa ay dadka qaar u yaqanaan goon-gab ama dhan-jaf). Fahamka ku saabsan madax xanuunkan ayaa noqday mid isbed-beddalaya waayadii dambe, sida calaamadihii ay dadku is arki jireen iyo waxyaabaha kiciya. Waxaa sidoo kale isbeddel ku yimid dawooyinka loo qaato.

Dadka xanuunkaan qaba ayaa qiyaastii labo jeer todobaadkii dhinaca bidix ee madaxa ka dareema xanuun aad u badan oo u dhexeysa maskaxdayda iyo lafta madaxa. marka uu qof madaxa leexiyo, waxaa ku imaanayaa xanuun siyaado ah.

Xanuunka wuxuu si tartiib ah ugu fidaa qeybta dambe ee indhaha, halkaas oo uu durayo, illaa uu qofku moodayo in lagu durayo Mindi, ka dibna wuxuu ku sii socdaa ilaa daanka.

Haddii uu qofka ka daaho inuu dawada qaato oo uu xanuunka isku daawado, waxaa sii kordhaya xanuunka, kadibna waxa adkaan doonta dawada si dhaqse jirka u gasho si xanuunka loo bi'iyo hadhow. Waxaa kale oo suuragal ah in ay ku filnaan waydo xaddiga dawada uu qaatay, sidaasna uu markale kusoo kaco xanuunka.

In ka badan 1.2 bilyan oo qof ayaa macquul ah in ay xaaladaan ku jiraan oo ay isku arkaan calaamadahaan adduunka oo dhan.

Xanuunkan neerfaha saameeya waa sababta labaad ee ugu badan ee cuuryaamisa dadka adduunka. inkastoo uu si weyn ugu dhaco dad badan, hadana weli waxa uu ku jiraa xanuunnada aan la fahmin.

Mar wax laga weydiiyey xanuunkaan Gregory Dussor oo ah guddoomiyaha qeybta culuumta maskaxda jaamacadda Texas ee ku taalla Dallas dalka Maraykanka, ayuu yiri "Waxaan dhihi lahaa in ay u badan tahay inay ka mid tahay cudurrada neerfaha ee ugu fahamka liita, ama cudurrada guud ahaan".

Hadda cilmi-baarayaasha waxa ay isku dayayaan in ay fahmaan waxa sababa Migraine-ka. Dhawaan waxa ay la kulmeen oo ay baaritaan ku sameeyeen qof xanuunsanayey, iyada oo calaamadaha lagu arkay maskaxda bukaanka ay noqdayn kuwa sheegaya in uu xanuunku uu xiriir la leeyahay hiddo-sidaha qofka, xididdada dhiigga ee ku wareega maskaxda bukaanka. Dhanka kale, saynisyahannadu waxay si tartiib-tartiib ah usoo fahmayaan dawada xanuunkaan, inkasta oo ay ku adagtahay welina aan la helin dawada dhabta ah.

Calaadamaha iyo waxa kiciya

In kasta oo saynisyahannada baaraya madax xanuunka (migraine) ay muddo dheer la kulmayaan sababo badan oo kala duwan oo dadka ku kicinaya Migraine-ka, hadana waxa soo badanaya cilmi-baarisyada soo jeedinaya 'sababaha kiciya xanuunkan in ay badan u yihiin xanuunka oo hore looga hortagin iyo qofka oo aan ku dedaalin dejinta calaamadaha uu dareemayo.

Bukaanku waxa uu dareemayaa inuu u baahan yahay cuntooyin gaar ah marxaladaha hore ee xanuunka, tusaale ahaan shukulaatada ama farmaajada. Tani waxay ka dhigan tahay in cuntadaan si fudud loo la xiriirin karo qodob muhiim oo kiciya xanuunka, balse xanuunka ka hor ayuu bilowday sida ay sheegtay Debbie Hay, oo ah Professor ka tirsan farmashiiste ka tirsan Jaamacadda Otago ee Dunedin, New Zealand.

Serenity Strull/ BBC

Xigashada Sawirka, Serenity Strull/ BBC

Dhaxal mala iskugu gudbin karaa Madax Xanuunka (Migraine)

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Daraasad lagu sameeyey Mataano ayaa muujisay inuu jiro hidde-side dhanka waalidka oo ay ka dhaxleyn xanuunkan, taasina waxa ay muujineysaa haddii qof kamid waalidka xitaa awooweyaasha ay qabeen xanuunkan uu qofka ku dhici karo.

Hidda-sidaha la iska dhaxlo ayaa inta badan sheega inay door ka ciyaaraan qiyaastii 30–60% dadka qaba migraine, halka arrimaha kale ee keeni kara xanuunkan sida xanuuno kale oo qofka ku dhacay, deegaanka, iyo qaab-nololeedka qofka ay yaryihiin, sida uu sheegay Dale Nyholt, oo ah khabiir hidde-sideyaasha oo ka tirsan Jaamacadda Teknolojiyadda Queensland ee Australia.

Dale, wuxuu baaray kumanaan qof si uu u helo hiddo-sidaha saxda ah ee mas'uulka ka ah, laakiin dadaalkiisu wuxuu ahaa mid ka adag sidii ay filayeen, ayuu yiri. Sannadka 2022, wuxuu baadhay hiddo-side 100,000 oo bukaan oo migraine qaba, isaga oo barbardhigaya kuwa 770,000 oo aan lahayn migraine.

Waxa uu ogaaday 123 halis ah, isaga oo sheegay inuu jiro kala duwanaansho yara oo dhanka DNA-ga, kuwaas oo lala xiriiriyay migraine. Hadda waxa uu ka shaqeeyanayaa tijaabo kale oo uu ku sameynayo 300,000 oo bukaan oo migraine qaba, isagoo rajeynaya inuu helo wax ka duwan natiijadii hore.

Si kastaba ha ahaatee, falanqaynta Nyholt waxay horey u muujisay qaar ka mid ah calaamadaha hiddo-sideyaasha ku lugta leh migraine. Sababaha qaar waxa ay si dhow ula xiriiraan niyad-jabka,xanuunka sokorta iyo qaabka ay u sameesan tahay maskaxda qofka.

Masxkaxda iyo Dhiigga

Garaaca iyo xanuunka tirada badan ee uu dareemayo qofka marka uu ku kacsan yahay migraine-ka ayaa dad badan waxa ay u maleyn jireen in ay tahay maskaxda oo dhiig ku furmo . Laakiin saynisyahannadu marnaba si cad uma aysan helin xiriir toos ah oo u dhexeeya qulqulka dhiigga iyo bilowga migraine-ka. "Arrintu ma noqon karto mid sidaas u fudud," ayuu yiri Dussor. "Waxaad siin kartaa qof kasta oo dunida ku nool daawo dhiigga khafiifisa oo keenta in uu fududaado qulqulka dhiigga, balse qof kasta ma yeelanayo migraine". Intaska taas aysan noqoneyn xididdada dhiigga in aysan shaqo ku lahayn madax xanuunka,

Nyholt ayaa sheegay inuu baaritaanno ku ogaaday xiriirka ay leeyihiin hidde-sidayaasha iyo qulqulka dhiigga, "Xididdada dhiigga runtii si aan caadi ahayn ayey u kala fidaan inta xanuunka uu qofka hayo, waxaana lagu yareyn karaa daawooyin si loo dejiyo xanuunka migraine-ka".

Dhanka kale, aragtida ugu weyn ee saynisyahannadu ka qabaan doorka maskaxdu ku leedahay migraine-ka ayaa ah in weerarku yahay hirarka maskaxda oo gaabis ah, kuwaas oo ku faafa qolofta maskaxda.