Howlgalladee loo adeegsadaa diyaaradda F-16, maxayse muhiim u tahay?

Xigashada Sawirka, Reuters
Iyada oo loo naqshadeeyay qaab yar, oo hadana fudayda ka dhigaya kuna haboon dagaalka hawada, F-16 waxay qaadatay doorar aad u badan oo kala duwan, laga bilaabo weerarada dhulka ilaa iyo kuwa looga hortagga maraakiibta iyo xita doorarka qaadista sawirada sahaminta ganista gantaalaha hawada isaga kala goosha. Tan iyo 2015, waxay ahayd tiradii ugu badnayd ee diyaaradaha milatariga adduunka; in ka badan 2,000 ayaa loo malaynayaa inay weli si firfircoon uga faa'iidaystaan caalamku maanta.
Dhirirka diyaaradaan ayaa ah 15 mitir, waxayna leedahay baal dhirirkiisu gaarayo 9.45 mitir. Waxay ku shaqeysaa matoor koronto dhaliya, kaas oo soo saara 130 kilonewtons oo awooda wax riixda ah, taa oo ku dardargelinaysa diyaaradda in ay ku dhaqaaqdo in ka badan laba jeer xawaaraha codka. Hubka ay xambaarto waxaa ka mid ah madfac wareeg ah oo 20-milimitir ah iyo sidoo kale gantaalo ku rakiban baalasha hoostooda. F-16 waxa uu miisaankeedu yahay 10,000 kg.
Sababaha ay ciidamada cirku ee wadamo badan ay wali u rabaan F-16s waxaa ka mid ah qaabka loo naqshadeeyay iyo casharo adag oo laga bartay dagaalkii hawada ee Vietnam.
F-16 waxay leedahay, Qarniga 21-aad, muhiimad la mid ah tan ay leyihiin diyaaradaha loo adeegsado weerarada dhulka ah - ma ahan wax naqshadeeyayaasheedu ay maanka ku gayeen ama ku dareen sawirada bogaga naqshadeynteeda horraantii 1970-meeyadii. La qabsigaas ayaa u saamaxday in ay qabato doorar aad iyo aad u badan, taas oo ka dhigtay mid soo jiidasho leh oo soo jiidata ciidamada cirka. "Halka uu khilaaf ka jiro, waxaa laga yaabaa inay jirto F-16 ama ay ku lug leedahay," ayuu yiri Robinson oo ah Khabiir ku takhasusay duulista hawada oo ka tirsan Royal Aeronautical Society ee UK.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Naaneysta asalka ah ee F-16 wuxuu ahaa "Fighting Falcon", laakiin magacu waligiis ma xayirin, ayuu intaa ku daray Robinson. "Qofna waligiis ma isticmaalo. Waxay ugu yeeraan Viper, sababta oo ah waxay soo baxday dabayaaqadii 70-meeyadii isla waqti la mid ah [taxanha TV ga] Battlestar Galactica. Waxay u egtahay Viper Colonial, "Robinson ayaa sidaas leh, isaga oo ku micneynaya gantaalaha hawada sabeeya ee lagu soo bandhigay filmkaas. "Weli waxay u muuqataa inay mustaqbalka iska leedahay oo sii jiri doonto."
Maraykanka oo ansixiyay in laga iibiyo Turkiga
Diyaaradaan ayaa waxaa isticmaala wadamo ay ka mid yihiin Turkiga oo ka iibsaday wadanka Maraykanka.
Sanadkii 2024 tii, dowladda Mareykanka ayaa ansixisay $23bn oo doolarka Maryaknaka oo 40 diyaaradood oo cusub oo F-16 ah looga iibinayo Turkiga - tallaabadaas oo muddo dheer dib u dhacday - kadib markii Ankara ay ansixisay ku biiritaanka Sweden ee Nato.
Heshiiska waxaa ku jira qalab casri ah oo loogu talagalay 79 diyaaradood oo F-16 ah oo Turkish ah.
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa u sheegtay Congress-ka inay sidoo kale ogolaatay in Giriiga laga iibiyo 40 diyaaradah dagaalka oo F-35 ah, taasoo ku kacaysa $8.6bn.
Turkiga ayaa ansixiyay ku biiritaanka NATO ee Iswiidhan ka dib in ka badan hal sano oo dib u dhac ku yimid taasoo xiisad ka dhex abuurtay isbaheysiga.
Markii ugu horreysay waxay codsi u dirtay diyaaradahan sannadkii 2021-kii, balse dib-u-dhac ku yimid ansixinta dalabka Nato ee Iswiidhen ayaa caqabad weyn ku noqday. Turkiga ayaa ka walaacsanaa waxa uu ugu yeeray taageerada Sweden ay siiso gooni u goosadka Kurdiyiinta.
Balse heshiiskaan ayuu Turkigu hoos u dhigay markii dambe, isaga oo ka dhigay 7 billion oo doolar, taas oo uu sheegay in uu ku iibsanayo 40 diyaaradaha f-16 ah iyo hubkooda.












