Soomaaliya oo BBC-da u xaqiijisay waxa ka jira in diyaarad Israa'iil leedahay loo diiday hawadeeda

Diyaaradda Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diyaaradda Arkia

Iyadoo warbaahinno kala duwan ay faafiyeen warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay hawadeeda u diidday mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda, Arkia ee laga leeyahay Israa'iil, ayaa waxey dowladda federaalka Soomaaliya markii ugu horreysay ay sheegtay in warkaasi aadka u baahay uu yahay mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa BBC-da u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya aysan qaadin tallaabo diyaarad Israa'iil leedahay loogu diidayo hawada Soomaaliya: "Wararka sheegaya in shirkadda Arkia (oo laga leeyahay Israa'iil) laga hor istaagay ama laga gaabiyey codsi cusboonaysiin waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. DFS ma jirto shirkad ay si gaar ah u beegsatay ama ka mamnuucday isticmaalka hawada iyada oo aan loo marin nidaamka sharciga ah ee duulista," ayuu ku yiri qoraal uu nala wadaagay, Agaasimaha Waaxda Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha,Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Cabdi Cismaan (Faradheere).

 Agaasimaha Waaxda Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha,Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Cabdi Cismaan (Faradheere).

Xigashada Sawirka, Maxamed Cabdi Cismaan (Faradheere).

Maxamed ayaa intaasi ku daray in "Dhaqdhaqaaq kasta oo duulimaad oo ku wajahan gobollada Wuqooyi ee dalka (Somalia) waana waajib qaran oo la xidhiidha ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dhul iyo hawo ee Soomaaliya".

Wuxuu sheegay in warbaahinta qaarkood ay faafiyeen warar khal-khal galinaya nidaamka duulimaadka iyo sumcadda qaranka Soomaaliya,"Waxaan ka xunnahay in qaar ka mid ah warbaahintu ay noqdaan aalad loo isticmaalo faafinta warar khalkhal gelinaya nidaamka duulista iyo sumcadda qaranka. Waxaan ugu baaqaynaa warbaahinta inay xaqiiqda ka raadiyaan ilaha rasmiga ah ee dowladda".

Qoraalkan ay BBC-du ka heshay wasaaradda Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Soomaaliya ayaa sdioo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aaney u dul qaadan doonin xad-gudub kasta oo ka dhan ah madax bannaanida hawada Soomaaliya.

"Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa in adeegga duulista hawada Soomaaliya uu u socdo si hufan, kuna salaysan xeerarka caalamiga ah ee Ururka Duulista Rayidka ee ICAO, annaga oo marnaba u dulqaadan doonin xad-gudub kasta oo ka dhan ah madax-bannaanida hawadeena".

Diyaarad muujinaysa in ay martay hawada Soomaaliya iyada oo ku wajahan Thailand

Xigashada Sawirka, FLIGHT RADAR

Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo qaar ka mid ah warbaahinta Israa'iil iyo kuwa Soomaalida ay baahiyeen in diyaarad laga leeyahay Israa'iil loo diidau hawada Soomaaliya isla markaana aan loo cusbooneysiin ruqsadda u oggolaanaysa in ay diyaaraddu ay adeegsato hawada Soomaaliya.

Oggolaanshaha ayaa la sheegay in bishaan uu ka dhacayo shirkadda, taasoo sida nidaamka caalamiga ah uu qabo ay ku qasbantahay in ay codsato cusboonaysiin si ay sii wadato duulimaadyadeeda.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in diyaaraddu ay u socotay dalka Thailand, hase-yeeshee BBC-du si cad uma xaqiijin karto warkaan saxnimadiisa.

Arrintaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dowladda Soomaalliya ay muddooyinkii la soo dhaafay qaadaysay tallaabooyin ay kaga hor imaanayso aqoonsigii Israa'iil siisay bsihii December Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaaliland.

Tan iyo markaa xiisadda ayaa sii siyaadaysay, iyadoo qolo walba ay sameynayso waxa ay u aragto in danteedu ku jirto.