Maxaa Trump ka hortaagan inuu Iiraan weeraro?

Xigashada Sawirka, Handout via Reuters
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump muddo todobaad ah waxa uu ku celcelinayaa inuu weerarayo Iiraan, isaga oo ciidamo dhanka badda maray u diray xeebaha dalkaas.
Dadka ka faallooda arrimahan ayaa sheegaya in uu ka baaqsanayo dagaal ka qarxa bariga dhexe, taas oo keeneysa in culees ku yimaado saliidda iyo gaaska la mariyo marinkaas. Dr. Aweys Axmed oo ah cilmi baare ka tirsan Somali public Agenda ayaa mar uu BBC-da laanta Af-soomaliga la hadlayey sheegay in "MarayankU uusan dooneyn dagaal toos oo waqtigaan uu galo, haddii uu isku dayo inuu madaxda Iiraan bartilmaameedsado waa ku adkaan doontaa oo Iiran dal awood yar oo dab yar shidaya maaha".
Trump waxa uu sheegay in "ay aad u fiicnaan lahayd" in Mareykanku "uusan ku qasbanaan inuu adeegsado" awood militari oo ka dhan ah Iiraan. Sidoo kale waxa uu yiri waa in ay sameysaa Iiraan "laba arrimood" iyo waxa kasta oo looga fogaanayo tallaabo militari, xilli Mareykanku uu xoojinayo ciidamadiisa uu geenayo Gacanka Faaris.
Shuruudaha uu Trump ku xirayo Iiraan ayaa ah 'in ay iskaga tagto wax la xiriira nukliyeerka iyo horumarintiisa, iyo arrinta labaad oo ah in ay joojiso dilka mudaharaadayaasha. "waxa halkaas ku dhimanaya kumanaan kun oo banaanbaxyaal ah", ayuu yiri Trump.
"Waxaan hadda haysannaa maraakiib aad u waaweyn oo aad u awood badan oo u socda dhanka Iiraan, waxaana aad u fiicnaan lahayd in aanan loo baahanin inaan adeegsanno."
Hadalladiisii ugu dambeeyay waxay daba socdaan toddobaadyo cadaadis ah oo lagu saarayay Iiraan in ay ogolaato wad-xaajood in ay ka gasho barnaamijkeeda nukliyeerka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ay diyaar yihiin, " ayna hayaan Riishadaha qoryahood," si ay "si degdeg ah oo awood leh uga jawaabaan" weerar kasta oo ku yimaada.
Wasiirka ayaa maanta jimcihii gaaray Istanbul, halkaas la filayo inuu kaga qeyb-galo kulamo diiradda saaraya ka hortagga khatarta tallaabo militari oo Mareykanku qaado.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Intaas kadib madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian, waxa uu kulan dhanka qadka telefoonka ah la qaatay dhiggiisa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxa uuna Recep u sheegay in Turkigu diyaar u yahay inuu kaalin ka qaato"dejinta xiisadda" u dhexeysa Tehran iyo Washington, sida uu sheegay xafiiskiisu.
Trump wuxuu hadalladiisii ugu dambeeyay ka sheegay xaflad ahayd bandhigga filim documentary ah oo ay qabsatay xaaskiisa Melania.
Horaantii toddobaadkan, Trump wuxuu ku qoray bartiisa Truth Social: "waxa Rajeynayaa in Iiraan si dhaqso ah 'miiska wada-hadalka u timaaddo' oo ay aqbasho heshiis caddaalad ah oo sinnaan ku dhisan – HUB NUKLIYEER AH MA JIRO."
Waxa uu sidoo kale ka digay in "ciidan dhanka badda ah oo kusii jeeda Iiraan, isla markaana uu yahay "mid diyaar u ah oo doonaya, awoodna u leh inuu si degdeg ah u fuliyo hawl-galka haddii loo baahdo."
Marka laga yimaado weerrarada afka ee Trump illaa iyo hadda ma jiro wax dhoolatus ah oo uu sameeyey.
Isku dayga Trump maaha mid si cad loo tilmaamay weli, balse waxaa la sheegayaa inuu dookhiiisa uu noqon karo in wax ka beddel lagu sameeyo nidaamka-siyaasadeed ee Iiraan. Tani waxay noqon kartaa wax u eg "qaabkii Venezuela uu ku sameeyey dhammaadkii sanadkii hore.
Arrintaasi waxay ka dhigan tahay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay sii jiri doonto. Inkastoo xaaladdan aanay ku qanacsanayn muwaadiniin badan oo Iiraaniyiin ah, haddana waxay ku qasbi kartaa dowladda Iiraan inay yareyso taageerada ay siiso maleeshiyaadka awoodda leh ee Bariga Dhexe, in ay joojiso ama hoos u dhigto barnaamijyadeeda nukliyeerka iyo gantaalaha balaastikada ee gudaha, isla markaana ay yareeyso tallaabooyinka cabburinta mucaaradka.
Mar aan weydiinay Dr. Aweis Ahmed suurtaglnimada inuu Maraykanka sidaas sameeyo waxa uu sharaxay sida ay u adag tahay tallaabada noocaas ah "waxaa suuragal ah inuu kaabayaasha dhaqaale iyo xarumaha ciidanka weeraro, laakiin waa dookha u dambeeya, Maraykanka ciidan inta uu u diro Iiraan gudahaheeda oo ay ka dagaallamaan arrintaas in aysan u badneen ayaa suuragal ah, laakiin iyada xataa lagama saari karo dookhiisa haddi arrintu ku adkaato".













