Waa kuwee hoggaamiyayaasha xukuma Iran?

Ayatollah Ali Khamenei (dhexda), madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian (bidix), afhayeenka baarlamaanka Mohammad Baqer Qalibaf (bidixi)

Xigashada Sawirka, Rouzbeh Fouladi / Middle East Images / AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Ayatollah Cali Khamenei (dhexda), madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian (bidix), afhayeenka baarlamaanka Mohammad Baqer Qalibaf (bidixi) iyo madax kale
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Hoggaamiyaha Diinta

Hoggaamiyihii Iran ee la dilay, Ayatollah Ali Khamenei

Xigashada Sawirka, Iranian Leader Press Office/Anadolu via Getty Images

Qofka ugu awoodda badan Iran waxa uu ahaa hoggaamiyaha sare ee dalka tan iyo kacaankii 1979-kii ee afgambiyay boqortooyadii Mohammad Reza Pahlavi.

Laga soo bilaabo waqtigaas ilaa iyo hadda, dalka waxaa soo maray laba hoggaamiye diimeed oo kala ahaa aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga, Ayatollah Ruhollah Khomeini, iyo ku-xigeenkiisii Ayatollah Cali Khamenei.

Wuxuu ahaa madaxa dalka iyo taliyaha ciidamada ammaanka. Wuxuu xukumayay booliska dalka iyo saraakiisha Xisbada. Wuxuu sidoo kale gacanta ku hayaa ciidamada Ilaalada Kacaanka kuwaas oo mas'uul ka ah arrimaha amniga gudaha, iyo ciidanka mutadawiciinta ah ee loo yaqaan Basij.

Ciidamada mutadawiciinta waxay marar badan cabburiyeen dibadbaxayaasha ka horjeeda dowladda.

Sidoo kale Ayatollah waa hoggaamiyaha magacaabo garsoorayaasha, kala bar xubnaha Golaha Shuurada, imaamyada masaajidda, iyo madaxda idaacadaha iyo telefishannada dalka.

Ayatollah Cali Khamenei wuxuu hoggaanka hayay laga soo bilaabo 1989-kii kaddib geerdii Ayatollah Ruhollah Khomeini.

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian

Xigashada Sawirka, John Lamparski/Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian

Madaxweynaha

Madaxweynaha waa mas'uulka labaad ee ugu sarreeya dalka, waxa uu ka hooseeya Hoggaamiyaha Sare, doorasho dadweyne ayuuna ku yimaadaa.

Waa qofka qabta shaqada maalin kasta ee dowladda, wuxuuna saameyn ku leeyahay siyaasada gudaha iyo dibadda ee dalka. Waxaa la dhihi kara awoodiisa waa mid xadidan marka ay timaado arrimaha dalka.

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, waxaa la doortay kaddib geeridii Ibrahim Raisi oo shil ku geeriyooday bishii May ee sanadkii 2024-kii.

Baarlamaanka

Baarlamaanka Iran

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Baarlamaanka Iran

Baarlamaanka Iran wuxuu ka kooban yahay 290 xubnood, kuwaas oo loo doorto afartii sanaba mar.

Baarlamaanka wuxuu sameeyaa sharciyada, wuxuu daraaseeyaa oo ansixiyaa miisaaniyadda, wuxuu magacaabaa ama xilka ka qaadaa wasiirrada, wuxuuna xitaa xilka ka qaadi karaa madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan qodobada uu baarlamaanka sameeyo waxaa ansixiya Golaha Shuurada ka hor inta aysan sharci noqon.

Ahmad Jannati

Xigashada Sawirka, ATTA KENARE/AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Ahmad Jannati

Golaha Shuurada

Golaha Shuurada ee dalka wuxuu leeyahay awood weyn, gaar ahaan marka uu dib u eegayo oo uu ansixinayo go'aannada baarlamaanka ka hor inta aysan sharci noqon.

Wuxuu sidoo kale awood u leeyahay in uu diido go'aannadaas, gaar ahaan haddii ay ka hor'imanayaan shareecada Islaamka.

Goluhu wuxuu sidoo kale awood u leeyahay in uu qof ka joojiyo in uu u tartamo baarlamaanka, madaxtinimada, iyo xilal kale. Ahmad Jannati ayaa hadda ah xoghayaha golaha.

Golaha Shuurada waxa uu ka kooban yahay 12 xubnood. Lix waxaa magacaaba hoggaamiyaha dalka, lixda kalena waxaa soo magacaaba maxkamadda kaddib marka la soo hubiyo.

Golaha khubarada

Sawir hore oo ah golaha khuburada

Xigashada Sawirka, MOHAMMADALI NAJIB/Middle East Images/AFP via Getty Images

Golaha Khubarada wuxuu ka kooban yahay 88 xubnood, kuwaas oo ah culimo diimeed. Shaqadoodu waa in ay doortaan hoggaamiyaha lana socdaan shaqadiisa.

Haddii la caddeeyo in hoggaamiyaha diinta uusan si sax ah u gudan karin waajibaadkiisa, goluhu wuxuu awood u leeyahay in uu xilka ka qaado. Movahedi Kermani ayaa hadda madax u ah golaha khuburada.

Haddii hoggaamiyaha diinta uu dhinto ama uusan gudan karin waajibaadkiisa, goluhu wuxuu qabtaa doorasho qarsoodi ah si loo doorto mid cusub. Doorashada golaha waxaa la qabtaa sideedii sano mar.

Ali Movahedi Kermani

Xigashada Sawirka, MOHAMMADALI NAJIB/Middle East Images/AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Ali Movahedi Kermani

Golaha La-tashiga

Shaqada golahan waa in uu la taliyo hoggaamiyaha diinta ee dalka, wuxuuna sidoo kale xallin karaa khilaafaadka ka dhasha sharciyada ay sameeyaan hay'adaha kale.

Golahan oo ka kooban 45 xubnood, waxay isugu jiraan culimo iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed, waxaa soo magacaaba Hoggaamiyaha Sare.

Afhayeenka hadda ee golaha waa Ayatollah Sadeq Larijani, oo hore u ahaa madaxa garsoorka dalka.

Maxkamadda

Maxkamadaha

Xigashada Sawirka, Morteza Nikoubazl/NurPhoto via Getty Images

Hoggaamiyaha diinta ee dalka ayaa awood u leh in uu magacaabo madaxa garsoorka dalka ee isaga hoos yimaada.

Maxkamadaha iyo garsoorayaasha dalka waxay mas'uul ka yihiin hubinta in shareecada Islaamka lagu dabaqo dalka. Hadda madaxa garsoorka dalka waa Gholamhossein Mohseni Ejei.

Ciidamada ammaanka

Ciidamada Ammaanka

Xigashada Sawirka, tta KENARE / AFP) (Photo by ATTA KENARE / AFP via Getty Images

Ciidamada ammaanka dalka waxay ka kooban yihiin Ilaalada Kacaanka IRGC iyo ciidanka caadiga ah ee dalka.

IRGC waxaa la aasaasay markuu kacaanka curtay kaddib si loo ilaaliyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Waxaa sidoo kale jira ciidanka dhulka, ciidanka cirka, iyo ciidanka badda.

Dhammaan taliyayaasha sare ee ciidamadaas waxay hoos yimaadaan hoggaamiyaha sare ee dalka.

Wasiirada

Wasiirrada iyo mas'uuliyiinta kale ee dowladda waxay hoos yimaadaan awoodda madaxweynaha, laakiin dhammaan kuwa uu magacaabo waa in baarlamaanku ansixiyaa ka hor inta aysan xilka qaban.

Wasiirradu waxay hoos yimaadaan madaxweynaha ama Madaxweyne ku-xigeenka koowaad, kaas oo kormeera shaqada wasiirrada.

Saraakiisha Xisbada

Ciidamada xisbada

Xigashada Sawirka, ALI RAFIEI/Middle East Images/AFP via Getty Images

Saraakiisha Xisbada waa qayb ka mid ah booliska qaranka ee Iran. Waxaa la aasaasay sanadkii 2005-tii si loo hubiyo in dadka ay u labistaan si waafaqsan shareecada Islaamka.

Waxaa la qiyaasaa in ay jiraan ku dhawaad 7,000 oo sarkaal kuwaas oo ka tirsan xisbada. Rag iyo dumar ayey saraakiishaas isugu jiraan. Xisbada waxay awood u leeyihiin in ay dadka digniin siiyaan, ganaaxaan, ama xiraan haddii ay jabiyaan sharciga.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran waxay mas'uul ka yihiin sugidda amniga gudaha. Waxaa la aasaasay kaddib markii uu dhashay kacaanka Islaamiga Iran si dalka looga hirgeliyo nidaam ku saleysan shareecada Islaamka.

Ciidankan aadka u saameynta badan hadda wuxuu ku lug leeyahay arrimaha militariga, siyaasadda, iyo dhaqaalaha ee Iran, wuxuuna leeyahay in ka badan 150,000 askari, waxaana gacantooda ku jira hubka ugu muhiimsan ee dalka.

Waxay sidoo kale leeyihiin laan dibadda ka howlgasha oo la yiraahdo Quds, taas oo si qarsoodi loo siiyo lacag, hub, iyo tababar. Intaa waxaa dheer, waxay maamulaan ciidanka mutadawiciinta ee loo yaqaan Basij.