Ruushka oo heegan geliyay maraakiibtiisa xambaarta hubka nukliyeerka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maraakiibta Ruushka ayaa bilaabay inay gudaha u galaan badda iyagoo xambaarsan hubka nukliyeerka. Tallaabadaan ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo soddonkii sano ee la soo dhaafay sida laga so xigtay sirdoonka dalka Norway.
Warbixinta sanadlaha ah oo la siidaayay bartamaha bishaan Febraayo ayaa lagu sheegay in ciidamada ku shaqada leh nukliyeerka iyo Maraakiibtu ku ay suganyihiin waqooyiga Ruushka.
Marka la eego tabaryarida awoodaha difaaca caadiga ah, muhiimada hubka nukliyeerka ee Ruushka ayaa si weyn u korortay, sida warbixinta lagu sheegay.
"Farsamooyinka hubka nukliyeerka waa khatar halis ah, gaar ahaan dhowr xaaladood oo laga yaabo in dalalka NATO ay ka qaybgalaan," ayaa lagu yiri bayaanka hay'adda sirdoonka Norway.
Barta interneedka Norway ee Barents Observer, oo faah-faahinaysa warbixinta, ayaa fikradda ku tilmaantay “war lagu farxo”.
"Waqtigii Soofiyeedka, maraakiibta Severomorsk waxay badda la galeen hub nukliyeer ah, laakiin ma jirto wax caddayn ah in hubka nukliyeerka ah ee tamarta yar uu badda ku jiray tan iyo dagaalkii qaboobaa," ayaa lagu yiri qoraalka.
Maalin ka hor, ku xigeenka madaxa sirdoonka Norway, Lars Norram, ayaa sheegay in Ruushku uu noqon doono mid madax-banaan militeri ahaan sanadaha soo socda.
Sababtoo waxaa sii socda xaqiiqda ah in dacaayad iyo wax-is-daba-marinta ra'yiga dadweynaha ee sanadaha soo socda ay kordhi doonaan, Moscow waxay raadin doontaa xiriir dhow oo lala yeesho nidaamyada kali-taliska ah ee adduunka oo dhan.
Waxaa lagu tilmaamay dagaalka Ruushka iyo Ukraine "musiibo ku socota Ruushka", kumanaan askartiisa ah ayaa la dilay ama la dhaawacay. Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaan weli ka hadlin warbixinta ka soo baxday hay’adda sirdoonka Norway.
Lix Markab

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hubka Nukliyeerka ah (TYAZ) waa hub yar oo nukliyeer ah oo loogu talagalay in lagu beegsado meel gaar ah ama in lagu beegsado askarta cadowga ee ku sugan goobta dagaalka ama agagaarka halka bartilmaameedku yahay.
Hubkaan Maraakiibtu, waxay ku qaadi karaan dhammaan noocyada hubka iyo gantaalaha si ay u qaadaan maraakiibta, diyaaradaha, iyo xitaa hubka biyaha hoostooda loo adeegsado. Intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa, maraakiib badan ayaa xambaarsanaa hubka nukliyeerka.
Awoodda bambaanooyinkan nukliyeerka ah waxaa lagu muujiyay tijaabadii torpedo nukliyeerka Soofiyeedka bishii Oktoobar 10-keedii, 1957. Tijaabooyin la mid ah kuwaas ayaa lagu sameeyay Maraykanka.
May 29, 1990, Madaxweynayaashii Soofiyeetka iyo Mareykanka ee Mikhail Gorbachev iyo George W. Bush waxay ku heshiiyeen in la dhimo hubka Nukliyeerka ee noocaan ah lana yareeyo diyaargarowga dagaalka. Rabitaanka in la dhimo TYAZ waxay ahayd mid labada dhinac ah, balse qorshahaas waxaa inta badan ka danbeyay oo gadaal ka riixayay Soofiyeedkii.
Heshiis is afgarasho
Baahida loo qabo in lagu soo celiyo hubka nukliyeerka ee TYAZ maraakiibta Ruushka ayaa lagu dhawaaqay bishiii Agoosto 2022, agaasimaha sayniska ee Xarunta Nukliyeerka ee Sarov, ayaa sheegay in arrintan ay kala hadleen taliyaha guud ee ciidamada badda Ruushka, Admiral Vladimir Vysotsky.
"Waxaan awood weyn ku leenahay badda, waana inaan haysanaa maraakiib sax ah si aan u ilaalino. Laakiin dhismaha markabkan, wuxuu qaadanayaa 100 sano, waa mid aad qaali u ah. Isla mar ahaantaana, waxaan u baahanahay inaan nafteena ku ilaalino hababka jira - si loo soo celiyo markabka. TYAZ nukliyeer, sidoo kale waxay ku jiraan bakhaarrada,- ayuu yiri agaasimaha sayniska ee Xarunta Nukliyeerka.
Immisa hubka Nukliyeerka ah ee noocaan ah ayaa ka jira adduunka?
Sida laga soo xigtay khubaro madax-bannaan, Ruushku wuxuu lahaa 2,000 oo unug oo hub nuclear ah.In ka badan 500 oo iyaga ka mid ah waa kuwa ka hortagga Maraakiibta.
Waxa kale oo jira dhawr boqol oo gantaalaha nukliyeerka ah ee TYAZ iyo kwao kale oo loo isticmaali karo hawada badda.
Maraykanka, marka loo eego isla qiyaastaas, waxa uu haystaa ilaa 500 oo hubkaas ah - ilaa 400 oo B-61 bambaanooyin ah iyo 100 gantaalo oo Nukliyeer ah.
Shanta quwadood ee rasmiga ah ee nukliyeerka, kaliya UK ayaan haysan hubka Nukliyeerka ee caadiga ah - kaliya waxay leedahay hub istiraatiiji ah.
Faransiiska waxa uu leeyahay 60 qubuludaha madaxda nukliyeerka qaada. Ma jirto xog la xaqiijiyay oo ku saabsan Shiinaha, laakiin wuxuu haystaa hubka nukliyeerka ee TYAZ.
Inta badan bambaanooyinka nukliyeerka waxaa la sameeyay 1950-60-aadkii ,sida lagu xogta rasmiga ah ee Ruushka, horaantii 2000- dhowr hub nukliyeer ah ayaa lagu wareejiyay xarumaha kaydinta qaranka halka 30% hubkaas la burburiyay.










