Waddamada Afrika ee ay ku nool yihiin milyaneerrada ugu badan

Kenya iyo Tansaaniya ayaa ku jira liiska tobanka waddan ee ugu maalqabeensan Afrika. Kenya ayaa ku jirta kaalinta shanaad halka Tanzania ay gashay kaalinta toddobaad ee liiska oo ay hoggaamineyso Koonfur Afrika.
Liikan waxaa lagu sheegay warbixin dhaqaale oo cusub oo ay soo saartay shirkadda cilmi-baarista ee New World Wealth iyo Henley & Partners.
Warbixintii ugu dambeysay ee Henley Global Citizen, oo la socota dhaq-dhaqaaqyada hantida shakhsi ahaaneed ee adduunka, ayaa muujineysa in Nairobi ay ku nool yihiin 5,000 oo qof oo kan ugu yar uu haysto 1 milyan oo doolar oo marka loo beddelo lacata Kenya ka badaneysa 120 milyan oo shilin.
Magaalada Dar es Salaam ee dalka Tansaaniya waxaa waxaa ku nool 1,300 oo qof oo ugu taajirsan dalka Tanzania, kuwaasi oo kaalinta 12-aad kaga jira qaarada Afrika marka la eegayo magaalooyinka ugu qanisan.

Xigashada Sawirka, Henley & Partners/NWWealth
Warbixintu waxay muujinaysaa in xarunta ganacsiga Koonfur Afrika ee Johannesburg ay ku nool yihiin 15,200 oo milyaneer, kuwaas oo u badan dad Afrikaan ah. Waxaa ku xiga oo kaalinta labaad ku jira caasimadda Masar ee Qaahira, oo ay ku nool yihiin 7,800 oo maalqabeenno ah.
Magaalada kale oo Koonfur Afrika ku taalla ee Cape Town, waxay ku jirtaa kaalinta saddexaad, iyadoo ay ku nool yihiin 6,800 oo qof oo milyaneerro ah. Waxaa ku xigta magaalada ugu dadka badan Nigeria, ee Lagos, oo ay ku nool yihiin 6,300 oo qof oo mid kasta oo ka mid ah uu haysto lacag hal milyan oo doolar kor u dhaafeysa.
Si kastaba ha ahaatee, ma jirto magaalo Afrika ku taalla oo ku soo baxday liiska malyaneerrada ee 20-ka magaalo ee ugu sarreeya adduunka. Liiskaas waxaa u badnaa magaalooyin ku yaalla Mareykanka.

Xigashada Sawirka, Henley & Partners/NWWealth
Magaalada ugu dadka badan Maraykanka, ee New York, ayaa waxaa ku nool tirada ugu badan ee milyaneerrada adduunka, kuwaas oo gaaraya 345,600 oo qof, waxaa ku xiga Tokyo iyo aagga San Francisco oo ay ku kala nool yihiin 304,900 iyo 276,400.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maamulaha guud ee Henley & Partners Juerg Steffen ayaa xusay in 14 ka mid ah 20-ka magaalo ee ugu qanisan adduunka ay ku yaallaan wadamada leh barnaamijyada socdaalka ee maalgashiga rasmiga ah, iyagoo si firfircoon u dhiirrigeliya maalgashiga tooska ah ee shisheeyaha sida bixinta deggenaanshaha ama dhalashada.
Warbixintu waxay muujinaysaa in Nairobi ay sidoo kale ku nool yihiin 240 milyaneer.
Si kastaba ha ahaatee, tirada milyaneerrada doollarka haysta ee Nairobi, ayaa hoos-u-dhacday 7 boqolkiiba lixdii bil ee la soo dhaafay, laga soo billaabo bishii Juun, taas oo hoosta ka xariiqday dhibaatooyinka dhaqaale ee soo food saaray maalgashadeyaasha, iyada oo uu jiro jawi dhaqaale oo adag oo ka dhashay sicir-bararka.
Sicir-bararka ayaa kor u kacay shantii sano ee ugu dambeysay, taasoo keentay in kobaca ganacsiga gaarka loo leeyahay uu hoos u dhaco.
Wax ka qabadka liita ee ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa si xun u saameeyay maal-gashadeyaasha maalqabeennada ah, kuwaas oo qaar badan oo ka tirsan ay hoos u dhigeen maal-gashiyadii doorashadii Agoosto awgeed.










