Nin baabuur iyo guri ka iibsaday xanaaneynta neylaha iyo waxaraha

Ravi Rajput

Xigashada Sawirka, SHRIKANT BANGALE/BBC

Qoraalka sawirka, Ravi Rajput

"Ari raacidda waxaan ka helay nolol wanaagsan, ari raacidda waan ka macaashay oo waxaan ka dhistay guri qiimahiisu lagu qiyaasay in ka badan 7000 kun oo doolar ilaa in ka badan 9000 kun oo doolar, sidoo kale waxaan ka iibsaday baabuur, waa dhaqaalaha aan ka helay ari raacidda", ayuu yiri Ravi Hirasingh Rajput oo dadka xoolaha ugu raaco deegaan ku yaalla dalka Hindiya.

Ravi Hirasingh Rajput wuxuu ariga u raacayay dadka 13 sano ee lasoo dhaafay, wuxuu ku noolyahay tuulada Pal ee dhacda degmada Aurangabad ee dalka Hindiya.

Marka laga soo tego xoolo dhaqidda Ravi wuxuu beer yar ku leeyahay deegaankaas.

Ravi wuxuu yiri, "In aan ariga raacay waxaan bilaabay sanadkii 2011-kii, xilliggaas abaar ba'an ayaa ka jirtay deegaanka Marathwada, maadama uu dhul beereedkiinii uu ahaa mid aad u yar oo aan waxsoo saarkiisa wax ka baddali karin nolosha qoyskeena oo ka koobnaa 8, waxaan doordibaday in aan bilaabo in dadka aan u raaco ariga".

Wuxuu ku bilaabay markii hore inuu xanaaneeyo waxraha iyo neylaha, markaas wixii ka dambeeyay dadaal xooggan ayuu geliyay ari raacidda, waxaa sare u kacay tirada arigii uu raaci jiray.

Laga bilaabo sanadkii 2011-kii ilaa 2015-kii, tirada arigii uu raaci jiray wuxuu gaarayay 25 neef.

Sanadkii 2015-kii, Ravi wuxuu tababar ku saabsan xanaaneynta ariga iyo idaha kasoo qaatay xarun lagu magacaabo Padegaon.

"Tababarka aqoon fiican ayaan kasoo kororsaday oo ku saabsan xanaaneynta noocyada kala duwan ee xoolaha".

Noocyada arigii kala duwanaa ee uu raaci jiray

.

Xigashada Sawirka, SHRIKANT BANGALE/BBC

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxa uu yiri, "Waxaan jeclaan lahaa in aan raaco noocyada ariga kala duwan sida Sirohi, Sojat, Kota, Betel oo ah riyaha laga dhaqado halkan , Ka dib sanadkii 2018, Waxaan dibadda ka soo iibsannay riyaha African Boar. riyahan difaaca jirkoodu aad bu u xooggan yahay, heerka tarankooda wuu wanaagsan yahay. mar alaala marka ay xanuunsadaan riyaha si deg deg ah ayay miisaankooda usoo celiyaan, waa xoolo waxtar leh".

Hadda, Ravi waxa uu beertiisa ku xanaaneystaa 15 neef oo ah ariga la yiraahdo African Boar iyo 15 neef oo ariga caadiga ah.

Dhakhliga kasoo gala ariga, Ravi wuxuu leeyahay, "Haddii aan dhaqanno15 neef oo ari ah oo irmaan ah, tusaale ahaan halkii neef oo ari ah waxaan ka heli karnaa kumanaan lacag ah, wadar ahaan dakhliga aan sanadkii ka helo ariga wuxuu gaarayaa ilaa 783 doolar".

Ravi ayaa si weyn u isticmaala baraha bulshada si uu ugu iibiyo ariga. Taas awgeed, waxay Facebook iyo WhatsApp ka furteen guruubyo, Marka neef ari ah oo iib ah u soo baxo, waxay xogta ku saabsan ariga ay iibinayaan geliyaan guruubyadan.

Dhammaan xoolo-dhaqatada ariga sidoo kale waxay ka barbar wadaan falashada beeraha, wuxuu sheegay in haddii muuqaalka neefka ay doonayaan inay iibsadaan laga la soo xiriirayo halkaas.

Wuxuu sidoo kale beeraa cawska

.

Xigashada Sawirka, SHRIKANT BANGALE/BBC

Ravi wuxuu calafka ku beeray beertiisa oo ka kooban hal hektar iyo bar.

Ravi wuxuu sheegay "Waxaan beertewyda ku abuuray noocyada cawska xoolaha sida shivari, subabhul, fenugreek, napier, gopi krishna iyo dasharat-waa toddob nooc oo kamid ah cawska xoolaha ay daaqaan ee naqafada leh".

Wuxuu u sheegay in qofka uu dhakhli badan kasoo xareyn karo dhaqashada ariga waa haddii laga fakaro caafimaadka iyo cuntooyinka la siinayo ariga.

Waxa uu yiri, "Waxa ugu muhiimsan ee dhaqashada ariga waa qorshaynta calafka, habaynta xeryaha ariga, waa in laga fakaraa caafimaadka ariga, waa in la nadiifiyaa maalin kasta xerada"

"Waa in sanadkiiba riyaha la siiyaa tallaalka, waa in saddex bilood gudahood ariga la siiyaa dawada disha gooryaanka, sidoo kale waa in la siiyaa macdanka muhiimka ah sida Calcium,Liver Tonic iyo macdanta kale"