Waa kuma ergeyga uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh ee ay ka hadleen Puntland iyo Somaliland?

Cabdikariim Xuseen

Xigashada Sawirka, Cabdikariim Xuseen/Facebook

Qoraalka sawirka, Cabdikariim Xuseen

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdikariim Xuseen Guuleed usoo magacaabay ergeyga gaarka ah ee qaabilsan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay wadahadal iyo talo wadaag ku saabsan xal u helidda tabashooyinka ay qabaan Somaliland si loo xaqiijiyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

“Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland”. Ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay Soomaaliya.

Magacaabista ergeyga cusub waxaa ka fal celiyay mas'uuliyiinta Somaliland iyo Puntland labadaba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ku tilmaamay soo magacaabidda ergeygan tallaabo wanaagsan.

“Waxaan u aragnaa tallaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday, ninkaa loo magacaabay waa nin aqoon badan u leh siyaasadda gobolka, anagu waan soo dhaweyneynaa in loo wadahadlo Soomaaliya iyo Somaliland”.

Madaxweynaha Somaliland oo xaley ka hadlayay kulan af-fur ahaa ayaa ugu baaqay dhinaca Laascaanood in haddii ay doonayaan midnimada Soomaaliya waa inay usoo maraan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

“ Haddii midnimada Soomaaliyeed iyagu ogol yihiin dadkaa dagaal wada oo Somaliland gooni isu taageeda diidan yihiin. waxaa jiraa wahadallo u dhexeeyo Soomaliya iyo Somaliland oo caalami ah oo soo taxnaa soo ma aheyn arrinka siyaasiga nagala hadlaan oo magaalada naga guban, dadkana inaga laaynin dhibaatana noo geysan” ayuu yiri Muuse Biixi.

Puntland maxay ka tiri magacaabista Cabdikariim Guuleed?

Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka fal celiyay magacaabista ergeyga cusub ee Soomaaliya u qaabilsan wadaxaajoodyada Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxa uu jeediyay hadal u muuqday inuu dhaliilsan yahay tallaabada uu madaxweynaha qaaday.

"Arrin waqooyi la yiraahdo ma jirto mudane Xasan Sheekh Maxamuud, fahamku yuusan kaa xumaanin, dhulku deegaanno ayuu kala leeyahay, qabaa’il buu kala leeyahay, xuduudo ayuu kala leeyahay,"

Maxamuud Caydiid Dirir

Xigashada Sawirka, MAXAMUUD CAYDIID DIRIR

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in deegaannada "dowlad mideysa ay ugu dambeysay dowladdii lixdankii dhalatay, taasoo burburtay 1991-kii"

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland ayaa madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay in uu ergay arrimaha bani’aadannimada ah usoo magacaabo deegaannada.

Hadda waa kuma Cabdikariim guuleed?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cabdikariim Xuseen Guuleed wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyne sanadkii 1966.

Wuxuu kasoo qalinjebiyay jaamacadda seyniska iyo teknooloojiyadda ee Yeme, wuxuu ku takhasusay cilmiga maamulka.

Wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Soomaaliya, sanadkii 2012 ilaa 2014-kii wuxuu ahaa wasiirka arrimaha gudaha xilliggii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud.

Bishii May 2014-kii ayuu xilka wasiirka amniga iska casilay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaaday dhismaha Baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho iyadoo xildhibaanada ay ku jireen fadhigii caadiga ahaa.

Codeyn 4-tii bishii July 2015-kii ka dhacday degmada Cadaado ayaa Cabdikariim Xuseen Guuleed loogu doortay inuu madaxweyne ka noqdo maamulkii cusbaa ee Galmdug, wuxuu ka guuleystayAxmed Macalin Fiqi oo ahaa musharaxii kula tartamayay wareegii ugu dambeeyay ee doorashada.

Cabdikariim Guuleed wuxuu sanadkii 2017-kii iska casilay xilka madaxweynaha maamulka Galmudug sababa la xiriira caafimaadkiisa, kadib waxaa madaxweyne loo doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Waa nin aqoon u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka gaar ahaan heerarkii kala duwanaa ay soo mareen wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed wuxuu kamid ahaa siyaasiyiinta xisbiga Sahan, wuxuuna ka tirsanaa siyaasiyiintii u tartameysay doorahsadii ugu dambeysay ee madaxweynaha.

Halkey ka soo billowdeen wadahadallada?

Shirkii London ee 2012 ayaa lagu go'aamiyay in la billaabo wadahallada Dowladda Somaaliya iyo Somaliland

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Shirkii London ee 2012 ayaa lagu go'aamiyay in la billaabo wadahallada Dowladda Somaaliya iyo Somaliland

Fikrika ah in ay wada hadlaan Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu markii ugu horeysey ka soo billowday shirkii caalamiga ah ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada London, sannadkii 2012-kii. Mid ka mid ah qodobadii shirkaasi ka soo baxay waxa uu dhigayay in "beesha caalamka ay taageerto ahmiyadda ay leedahay in wadahadalo ay dhexmaraan" Somaliland iyo Dowladd Federaalka ee Soomaaliya.

Dhawr bilood ka dib shirkaasi waxaa isla magaalada London ka qabsoomey shirkii ugu horeeyey ee fool ka fool ay isu soo horfadhiistaan labada dhinac, wuxuuna shirkaasi dhacay 20-kii bishii June, 2012-kii.

Si loo dardargeliyo dadaallada wadahadallada Somaliland waxay meelmarisay qaraar u oggolaanayay inay wadahadal toos ah la gasho dowladda Soomaaliya. Waxaana tan iyo xilligaas dhacay ilaa lix shir oo looga arrisanayay arrimahan.

Dhowr bilood uun ka dib shirkii Soomaalida ee London, waxaa bilowday wadahadallo la xiriira - midnimo ama madaxbannaani. Waxaana ka mid ahaa midkii dhacay Bishii Juun, 2012-kii.

Ujeedada shirkaas, oo ay martigelisay dowladda UK, wuxuu ahaa in waddada loogu xaaro waxa xaajoodka la xiriiray qodabadii ay labada dhinac ka wada hadli lahaayeen.

Wakiiladii ka socday Somaliland ayaa markaasi ka carooday in shirka lagu soo daray masuuliyiin ka socday dowladda Puntland.