Muxuu yahay hubka horay loogu adeegsaday Ciraaq ee uu Ruushka ka digay in loo gacan geliyo Ukraine?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ruushka ayaa ka digay in Britain aysan Ukraine siinin gantaalaha lagu hubeeyey Uranium la tayeeyey, kuwaasoo uu sheegay in ay leeyihiin "dabeecadda Nukliyeerka".
Maaddada Uranium oo la tayeeyey gantaalka waxay u yeeleysaa awood dheeraad ah, balse waxaa jira walaac laga qabo in hubkan uu khatar ku yahay dadka ku nool deegaannada loo isticmaalo.
Muxuu yahay Uranium-ka la tayeeyey?
Uraanium-ta la tayeeyey waa Uranium-ta dabiiciga ah oo wax badan laga reebay oo ay la socdaan qaybo shucaaca ka mid ah.
Waa qashinka ama walxaha ka dhasha tayeynta Uranimum ee loo isticmaalo tamarta nukliyeerka iyo hubka nukliyeerka.
Hubka qaarkii maxaa loogu adeegsadaa Uranium la tayeeyey?
Uranium oo ah maaddo dareera ah, haddii la tayeeyo waxaa loo isticmaalaa xoojinta awoodda gantaalaha taangiyada laga rido.
Sidoo kale waxaa la raaciyaa gumaca qoriga oo ay gantaalaha taangiyada iyo madaafiicda isticmaalaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hubka Uranium la tayeeyey la raaciyey halkee loo isticmaalay?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasaaradda Gaashaandhigga Britain waxay sheegtay in gantaalaha lagu hubeeyey Uranium la tayeeyey ay sameeyeen 1970-yadii sameeyeen Mareykanka iyo Britain.
Markii ugu horreysay waxaa loo isticmaalay dagaalki Khaliijka ee 1991-kii, kaddibna dagaalki Kosovo ee 1999-kii iyo dagaalki Ciraaq ee 2003-dii.
Shacabka Kosovo oo dagaalkaasi qaybta ka ahaa ayaa looga digay khatarta uu leeyahay Uranium-ta la tayeeyey ee loo adeegsaday dagaalki 1999-kii.
Hubka Uranium-ka la tayeeyey uu la socdo ee la siiyey Ukraine muxuu yahay?
Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay in ay milatariga Ukraine siinayso gantaallada Uranium-ka ee la tayeeyey, kuwaasoo lagu rakibayo gantaalaha 14-ka Taangi ee uu noocoodu yahay Challenger 2 ee ay u direyso Kyiv.
Gantaalladan ayaa u oggolaan doona taangiyada Ukraine in ay meel fog ka soo shiishaan bartilmaameedyada cadawga, taasoo yaraynaysa fursadaha ay kaga aargudan karaan madaafiicda cadawga.
Mas’uuliyiin ka tirsan aqalka-cad ee Mareykanka oo u warramay wakaaladda wararka ee AP waxay sheegeen inuu Ruushka haysto keyd ku filan oo Uranium-ta la tayeeyey ah inkasta oo aanay caddeyn inuu u adeegsaday Ukraine.
“Gantaal lagu hubeeyey Uranium la tayeeyey la mid ma aha hubka Niyukileerka,” ayu yir Dr Marina Miron oo ka tirsan kulliyadda King ee London.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hubka Uranium-ka la tayeeyey uu la socda khatartiisa intey le’eg tahay?
Uranium-ka la tayeeyey shucaaca ka baxa aad ayuu u yar yahay, marka la barbardhigo kan ka baxa qunbuladda Nukliyeerka.
"Waxaan ka baqeynaa in qolofta uranium-ka la tayeeyey oo dhulka ku soo dhaca ay hawada wasakheeyaan iyagoo ka tagaya walxa waxyeello keeni kara," ayuu yiri Dr. Miron. "Taasi waa sababta Mareykanka iyo xulafadiisa NATO ay muranka uga keeneen kaddib marki ay hubkaasi u isticmaaleen Kosovo."
Sanadkii 2007, Guddiga Arrimaha Sayniska ee Qaramada Midoobay ayuu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku amray iney soo baaraan saameynta caafimaad ee uu hubkaasi geysan karo.
Hay’adda Caalamiga ee Atoomikada Adduunka (IAEA) waxay sheegtay in dadka xiriirka tooska ah la sameeya gantaalaha Urainumka la tayeeyey uu la socdo ay caafimaadkooda waxyeello kasoo gaari karto shucaaca iyo wasaqda ka baxda hubkaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ma sharci baa adeegsiga gantaal lagu hubeeyey Uranium la tayeeyey?
Wasaaradda Difaaca ee UK waxay ku doodeysaa in uusan jirin heshiis caalami ah oo diidaya in ay Ukraine siiyaan gantaalaha lagu hubeeyay Uranium-ka ee la tayeeyey.
Waxay wasaaraddu dooddeeda u cuskaneysaa in gantaalaha UK ay sameyso ee lagu hubeeyey Uranium la tayeeyey loo isticmaali karo goobaha dagaalka, sida ku cad qodobka 36 ee hab-maamuuska koowaad ee 1977 oo lagu kabay heshiisyadii Geneva 1949.
Madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin wuxuu ka digay haddii ay UK gantaalahaasi siiso Ukraine, "in Moscow ayjawaab u qalanta ka bixineyso, iyada oo reer galbeedku ay durba billaabeen inay adeegsadaan hubka ay ku jiraan qaybaha Nukliyeerka”.
Mirin wuxuu sheegay inuu aamnisan yahay in haddii ay UK dirto gantaalaha lagu hubeeyey Uranium-ka ay waxyeelo u geysaneyso Ukariane iyo xulfadeeda.
"Isticmaalka gantaalladan ayaa Ruushka u sahlaya in uu isticmaalo hubkiisa nukliyeerka oo uu had iyo jeer ku hanjabo in uu isticmaalo gantaalaha lagu hubeeyey qaybo ka mid ah Nukliyeerka," ayuu yiri Mirin oo sharraxaaddiisa sii wata.












