Muxuu yahay xanuunka laga naxay ee faraha ba'an ku haya dunida

Waxaa wax laga naxo lagu tilmaamay kiisaska jadeecada ee aadka ulaba jibaarmay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Maraykanka (CDC) ayaa ka digay in tan iyo dhammaadkii 2023-ka ay sare u sii kacaeyso khatarta jadeecada ee carruurta. Warbixintooda wadajirka ah ayaa daba socotay sannado badan oo hoos u dhac ku yimid tallaalka cudurka.

Hadda, CDC waxay ku sheegtay boggeeda in jadeecada dillaacday ay ka dhacayso gobol kasta oo adduunka ah. Yemen, Hindia, iyo Kazakhstan ayaa ah dalalka dadka ugu badan uu ku dallaacaycudurka jadeecada.

Dhanka kale, WHO iyo CDC warbixintii ugu dambeysay ee wadajirka ahayd ayaa muujineysa in 2022 kiisaska jadeecada ay kordheen 18%, dhimashaduna ay kor u kacday 43% adduunka, marka la barbar dhigo 2021. Tani ayaa waxay qiyaastii tirada kiisaska jadeecada ka dhigtay 9 milyan halka dhimashadana ay tahay 136,000 - oo u badan carruur.

WHO ayaa sidoo kale sheegtay in 30-laab ay sare u kaceceen kiisaska jadeecada ee Yurub sanadkii la soo dhaafay. In ka badan 30,000 oo qof ayaa laga soo sheegay qaaradda oo dhan 2023, marka la barbar dhigo 941 sannadkii 2022 oo dhan.

Waxaa wax laga naxo lagu tilmaamay kiisaska jadeecada ee aadka ulaba jibaarmay dalalka Yurub sanadkii tagay sida uu sheegay Ururka Caafimaadka Adduunka WHO.

Calaamadaha lagu garto jadeecada
Qoraalka sawirka, Calaamadaha lagu garto jadeecada

Waa maxay calaamadaha jadeecadu?

Fururac ama Finan yaryar.

Qandho.

Qufac ama sanka oo duuf ka dareero ama indhaha oo ilmeeya.

Dareemidda gud ahaan caafimaad darro.

Calaamaduhu waxay soo baxaan siddeed illaa 12 maalmood kadib marka uu qofku qaado jadeecada. Calaamada ugu horraysaa waa badanaaba waa qandho. Finan yaryar ayaa badiyaa soo baxa laba illaa saddex maalmood kadib marka ay qandhadu bilaabato oo ku dhammaada shan illaa lix maalmood.

Finanku waxay ka bilaabmaan qoordiidka, waxay u guuraan wejiga iyo qoorta sare dabeedna hoos ayey ugu dhaadhacaan jidhka.

Furiircu wuxuu caadi ahaan ka bilaabmaa wejiga iyo dhegaha gadaashooda ka hor intaysan ku faafin jirka intiisa kale.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Furiircu wuxuu caadi ahaan ka bilaabmaa wejiga iyo dhegaha gadaashooda ka hor intaysan ku faafin jirka intiisa kale.

Furiircu wuxuu caadi ahaan ka bilaabmaa wejiga iyo dhegaha gadaashooda ka hor intaysan ku faafin jirka intiisa kale.

Sidee ayaa la isugu gudbiyaa?

Feyrasku wuxuu kujiraa diifka sanka ka imanaya ama dhuunta qofka qabba jadeecada.

Jadeecadu waxay si fudud ugu faaftaa hawada marka qofka qabo uu hindhiso ama qufaco. Faniinka ka soo baxa ayaa waxay kudhici karaan dadka kale sankooda ama dhuuntooda marka ay neefsanayaan ama geliyaan faraha afkooda ama sankooda kadib marka ay kutaabtaan meel jeermis leh.

Qofka qabba jadeecada wuxuu feyraska kufaafin karaa waxyaabaha uu ku hindhiso ama kuqufaco kadibna feyraska wuxuu kunoolaanayaa hawada illaa 2 saacadood.

Tallaalka MMR

Jadeecada waxaa lagaga hortagi karaa laba qiyaasood oo ah tallaalka Jadeecada, Qaamo-qashiirta iyo Rubella (MMR).

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Jadeecada waxaa lagaga hortagi karaa laba qiyaasood oo ah tallaalka Jadeecada, Qaamo-qashiirta iyo Rubella (MMR).

Sida laga soo xigtay WHO, US CDC, Adeegga Caafimaadka Qaranka UK (NHS) iyo maamulada kale ee caafimaadka adduunka, jadeecada waa mid aad u faafta. CDC waxay sheegtay in 9 ka mid ah 10-kii qof ee aan la ilaalin ay qaadi doonaan cudurka ka dib soo-gaarista fayraska jadeecada.

Jadeecada waxaa lagaga hortagi karaa laba qiyaasood oo ah tallaalka Jadeecada, Qaamo-qashiirta iyo Rubella (MMR). Cirbaddu waxay ka ilaalinaysaa saddexdaas cudur.

WHO waxa ay ku talinaysaa in carruurta ay helaan qiyaasta ugu horreysa ee tallaalka MMR marka ay 9 bilood jiraan dalalka uu cudurku ku badan yahay. Waxay leedahay qiyaas labaad waa in la siyaa goor dambe oo carruurnimada ah, badanaa 15-18 bilood.

Wararka been abuurka ah ee tallaalka MMR

Sheegashooyinka beenta ah waxaa sameeyay aqoonyahano isku xiraya tallaalka MMR iyo cudurka autism.

Cilmi-baare British ah oo la yirahdo Andrew Wakefield ayaa 1998-dii si khaldan u sheegay in tallaalka MMR iyo xanuunka autism uu xiriir ka dhaxeeyo.

Warka cilmi-baaraha ayaa markii dambe meesha laga saaray, waxaana Mr Wakefield laga saaray Golaha Caafimaadka Guud ee UK 2010-kii.

Ma jiraan wax caddaynaya in tallaalka MMR uu keenayo autism.