Muxuu yahay nidaamka cusub ee xajka ee la dhaqan galiyey?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Sacuudiga ayaa lagu warramayaa in sanadkan ay soo rogtay amar cusub oo ku saabsan xajka sanadka soo socda ee 2026-ka iyo habka loo gudan doono, iyadoo dadka iyo shirkadaha dadka xajisiiya loo sheegay in laga bilaabo bishan 8-aad ay sii qorsheystaan oo ay bixiyaana lacagaha xajka.
Arrintaan waxaa shaaciyay Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya, waxaana dadka doonaya in ay xajka gutaan loogu baaqay in ay raacaan nidaamka cusub ee loo marayo lacag bixinta qofkii doonaya in uu soo xajiyo sanadka soo socda.
Cabdullahi Salad oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya. Waxuu soo jeedinayaa in ay muhiim tahay in qofka loo baahan yahay inuu xilli horeba lacagaha sii bixiyo.
"Taariikhda ugu dambaysa ee lacagta la bixinayo waxaa waaye 22-ka bisha sideedaad ee sanadkaan" ayuu yidhi isaga oo qeexaya xilliga kama danbaysta ah ee qofka xajinaya looga baahan yahay in uu lacagta iska sii bixiyo.
"Taariikhda ay sheegeen haddaad dhaafto, gadashadii aad gadan lahayd teendhada way xirayaan, haddii mar la xirana lacagaha kale ee aad bixinayso wax macno ah kuma fadhiyaan" ayuu ku daray isaga oo ka digaya daahitaan ku yimaada bixinta kharashaadka caqabadaha ay keeni karto.
Cabdullahi Salaad waxuu qabaa sababta keentay in arrintaan hadda la sii sameeyo in ay tahay in la sii qorsheeyo qofka xajinaya iyo meeshii uu degi lahaaba.
"Marka dadka waxaa looga baahan yahay taariikhda intaan la gaadhin lacagahii in la bixiyo loona diro wasaaradda xajka meeshii iyo teendhadiina in la gato" ayuu sii raaciyey.
Wasaaradda xajka iyo cumradda ayaa soo saartay jadwalka Xajka 2026, kaasi oo ay ku jirto waqti kama dambeys ah oo lagu dhameystirayo dhammaan arrimaha maaliyadeed ee la xidhiidha xajka.
Dhammaan bixinta lacagaha waa in la dhameystiraa ugu dambeyn 31-da Agoosto 2025: Waqtigan horey loo qabtay waa qayb ka mid ah dadaallada Wasaaradda ay ku wanaajinayso qorsheynta, isku-duwidda, iyo tayada adeegyada loogu tala galay xujeyda sannadaha soo socda.
"Shaqsiga markuu rabo xajka in uu aado waa in uu qorshaysto, wax intaan kacdo aad gaadhi ku boodi ma'aha" ayuu leeyahay Cabdullaahi oo BBC uga warramaya in xajka howshiisu tahay mid diyaar garoow u baahan. "Shirkadaha xajkana waxaa looga baahan yahay waa inuu noqdo nin lacag leh oo lacagta iska sii bixin kara, markaas ka dibna xujayda lacagta ka qaadan kara" ayuu ku daray isaga oo sharraxaya mudnaanta ay leedahay in shirkadaha xajku iska sii dabari karaan kharashaadka.

Xigashada Sawirka, Facebook
Warbixin ay daabacday laanta istaatistikada Sucuudiga sanadkaan 2025 waxaa xajka tagtay 1,673,230 (Hal milyan lix boqol todobaatan iyo saddex kun, labo boqol iyo sodon qof) kuwaas oo kasoo kala jeeday 171 wadan oo daafaha dunida ah.
Waxaa xusid mudan in tiradaas xujayda ah ee sanadkaan 795,389 (Todoba boqol sagaashan iyo shan kun, sadex boqol sideetan iyo sagaal qof ay dumar ahaayeen".
Dhanka kale isla warbixin ay dabaacday wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sucuudiga oo ku saabsan cumrada sanadkaan waxaa lagu xusay in ay sare uga kacday in ka badan 30% sanadkii la soo dhaafay. Waxaana sanadkaan oo keli ah cumraystay dad gaadhaya 1.2 Milyan oo qof oo ka kala yimid 100 wadan oo daafaha caalamka ah kuwaas oo ku cumraystay labada Masjid ee Barakaysan.
Dalalka xujayda ugu badan ka timaado sanad walba dunida muslimka ah waxaa ugu horeeya: Indooneesiya, Pakistaan, Hindiya, Bangaladeesh iyo Nayjeeriya.













