Dhegeyso: Ehelada rag Hargeysa lagu dilay oo sheegay in aan meydadka weli la aasin, ayna cadaalad doonayaan
Ehelada laba Marxuum oo dhawaan lagu dilay Magaalada Hargeysa ayaa ka dalbaday Xukuumadda iyo laamaha ammaanka inay dedejiyaan baarista kiiska dilka toogashada ahaa.
Labadan Marxuum oo aan weli la aasin 12 maalmood ka dib dilkooda ayey eheladu sheegeen in ay Ciidanka Booliska uga fadhiyaan in ay u cadeeyaan ciddii dilka geysatay, isla markaana aan la aasi doonin ilaa la keeno ninka dilka geystay.
Booliska Somaliland ayaa sheegay inay wadaan baaritaan. Cabdikariim Ibraahim Maxamed oo ka mid ah ehelada ragga la dilay ayaa u warramay wariye Saleebaan Saxansaxo.










