Maxaan ka ognahay ilaa iyo haatan maydadka labadii qof ee laga dhex gaariga gudaha Hargeysa?

Xigashada Sawirka, baraha bulshada
Magaalada Hargeysa ayaa saaka waxaa gaari laga dhex helay meydka wiil iyo gabar dhallinyaro ah, sida ay sheegeen booliska Somaliland.
Labadan qof ayaa laga soo dhex saaray gaari yar oo nooca raaxadda ah, oo yaalay degmada Gacmo-dheere ee caasimadda Hargeysa.
Wiilkan iyo gabadhan oo lagu kala magacaabi jiray Xamse Axmed Yuusuf iyo Huda Axmed Sheekh - sida ay baahiyeen laamaha ammaanka, ayaa maydkooda la geeyey Isubitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo baaris ku saabsan sababta keentay geeridooda lagu samayn doono.
Ciidanka Booliska Somaliland, oo war qoraal ah ka soo saaray dhacdadan labada qof ayaa sheegay in iyaguna ay dhankooda baaris ku samaynayaan waxyaabaha keenay geerida labada qof.
"Boolisku waxa uu bulshada u xaqiijiyay in baadhista kiiskaasi ay socoto , waxaana marka ay baadhitaanku dhammaado bulshada la wadaagi doonaa natiijada kiiskan," ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen booliiska.

Xigashada Sawirka, baraha bulshada
Maxay ka yiraahdeen dhakhaatiirtu?
Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargeysa, ayaa sheegay in labada marxuum maydadkooda la keenay isbitaalka saaka, isla markaana iyaga oo kaashanaya Ciidanka Dambi-baarista iyo Booliska ay ka gun gaari doonaan sababaha keenay dhimashada labadan qof.
Qaar ka mid ah hawl wadeennada Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa warbaahinta u sheegay "in aanay labada marxuum wax nabarro ah ka muuqan, hase yeeshee loogu dhex tegay gaariga maydkooda ku jiray Sharaab ama cabitaan".
Hadal hayn badan ayay dhacdadaani ka dhex dhalisay gudaha Hargeysa iyo barah bulshada intaba. Dadka ka hadlaya ayaa intooda badan walwal ka muujinaya xaalka.
Ninka dhallinyarada ah ee geeriyooday ayaa waxaa baraha bulshada lagu daabacay masawriadiisa isaga oo ku labisan dariiska ciidamada milatariga, balse BBC du ma xaqiijin karto in uu askari ahaa iyo in kale.
Maxay ka yiraahdeen qosaska marxuumiinta
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qoyska gabadha dhimatay oo BBC la hadlay ayaa sheegay in dhacdadan ay ku nooqtay mid araggax leh oo ay aad uga naxeen.
Cabdulahi Cabdiraxmaan oo ay ehelo yihiin ayaa sheegay "in xalay fiidkii ay guriga ka baxday islamarkana teleefoonkeedii waynaa ay guriga uga tagtay oo ay mid yar qaadatay, makii ay soo laaban waysay-na ay xalay oo dhan ay baadi-goobayeen".
Waxaa uu intaa ku daray in xalay oo dhan ay garacayeen lambarkeeda balse laga qaban waayay.
Huda hooyadeed ayaa qudheeda la dhigay isbataalka ka dib naxdintii ay ka qaaday geerida gabadheeda sida ay qoyskeedu sheegeen.
"Wallaahi hooyadeed aad iyo aad ayay u xanuunsatay laftirkeeda naxdintii darteed iyada iyo wiil ay walaalo yihin dhammaan isbatalka ayaa la geeyay aad iyo aad ayay runtii u argagaxday oo shook ayaa ku dhacay ," ayuu yiri Cabdulahi Cabdiraxmaan.
Cabdulahi ayaa intaa ku daray in marxuumadda ay ahayd gabadh jaamacad ka baxday islamarkana shaqaysaneysay lehna shaqsiyad wanaagsan.
"Inantu waxay ka shaqeyn jirtay meherad ah kuwa is-qurxinta sidoo akle waxay ahayd inan jaamacad ka baxday oo dhawriyo labaatan jir ah runtii waxay ahayd qof aad iyo aad u shaqsiyad wanaagsan," ayuu intaa ku daray.













