Diyaarad isticmaashay waddada baabuurta oo lagu qabtay Washington

Diyaaradda oo ahayd nooca yar yar ayaa cago dhigatay waddo ku taalla gobolka Washington ee dalka Mareykanka, kadibna waxaa duuliyihii looga baahday inuu booliska ilaalada waddooyinka sharraxaad siiyo.
Mid ka mid askarta loo yaqaanno taraafikada, oo ka howl gala Washington ayaa la kulmay shaqo maalmeed lama illoobaan, ka dib markii uu arkay diyaarad isticmaaleysa jidka gaagiidka.
Askarigan ayaa eryaday diyaaraddaasi oo si lama filaan ah ugu dagtay jid aad u mashquul badan oo ay gawaari badan isticmaalayeen.
Muuqaal lagu shaaciyay bogga BBC-da ayaa laga arkayaa askariga oo markii uu u yimid diyaaradda garaacaya daaqaddii duuliyaha.
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.Dhammaadka Facebook boggan
"Fadlan i tus shatigaaga iyo sharciga diiwaan galinta?"
Su'aashan ayaa sida caadiga ah waddooyinka lagu weydiiyaa darawaliinta gaadiidka, marka ay khaladaadka kala duwan sameeyaan.

Duuliyihii diyaaraddaas ayaa si deg deg ah u dajiyay sababo la xiriira shidaalka oo ka go'ay awgiis.
Ma jirin cid ay waxyeello kasoo gaartay dhacdadaas qeyrul caadiga ah.
Diyaaraddii ku dhacday Wabiga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Horaantii bishii Maajo ee sanadkan 2019-ka, diyaarad rakaab ayaa ku soo dhacday gobolka Florida ee dalka Mareykanka xilli ay ku soo dageysay garoon diyaaradeed.
21 qof oo rakaabkii diyaaradda saarnaa ka mid ah ayaa Isbitaalka loola cararay kaddib marki ay dhaawacyo shilkasi ka soo gaareen.
Diyaaradda 737 oo laga maamulo gigada diyaaradaha caalamiga ee Miyami waxay ka soo kicitintay saldhig ciidan oo ku yaalla Guantana bay ee dalka Cuba.
Rakaabka diyaaradda saarnaa waxay sheegeen in xilliga ay diyaaradda gigada soo caga dhiganeysay uu baraf aad u xooggan uu da'ayey kaddibna ay diyaraddu ka baxday waddadi ay ku dagi lahayd kuna dhacday wabiga St John.
136 qof oo rakaab ah iyo 7 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaa diyaaradda wabiga ku dul dhacday laga soo badbaadiyey.
Duqa magaalada Jacksonville Lenny Curry ayaa shilkaasi marka uu dhacay kaddib boggiisa Tweetarka ku soo qoray "ineysan wax dhimasho ah jirin."
Wuxuuna sida oo kale sheegay inuu madaxweyne Donald Trump uu la soo xiriiray uuna u sheegay xaaladda iney la socdaan wixi gargaar ah ee loo baahdana ay xukumaddiisu diyaar la tahay.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan

'Xaalad argagax leh'
Haweeney ka mid ahayd rakaabka diyaaradda oo lagu magacaabo Cheryl Bormann, waxay shilka ku tilmaamtay mid aragagax leh waxayna sheegtay "Diyaaraddu marka ay lugaheeda dhulka taabteen kaddib iney kor u boodday oo ay ka baxday waddadi ay ku dagi lahayd sidaasina ay ugu dhacday wabiga."
"Duuliyeyaasha diyaaraddana wey u suurageli weyday iney xakameeyaan diyaaradda oo ay ku celiyaan waddadi saxda ahayd ee ay ku dagi lahayd dhowr jeer ayey waddada ku soo celiyeen balse nasiib darro wey ka awood badisay ilaa ay marki dambe wabiga ku dul dhacdo" ayeyna sii raaciyey Bormann oo u warrantay CNN.

Xigashada Sawirka, AFP
Maamulaha gigada diyaaradaha ee Jacksonville oo shir jaraa'id qabtay wuxuu sheegay "inuu shilka yahay mucjiso maadaamaa ay rakaabku ka soo gaarin dhimasho ama dhaawac halis ah intaba."
Rakaabka diyaaraddaasi soo dhacday saarnaa waxay isugu jireen dad rayid ah qaar ka tirsan ciidamada Mareykanka.
Mareykanka oo horay u diiday duullimaadyada inuu ka joojiyo diyaaradaha noocoodu yahay Boing 737 Max 8 waxaa la filayaa iney wax weyn ka beddesho mowqifki hore uu ka taagnaa inaan diyaaradaha 737 duullimaadyada laga joojin.










