Sidee shirkadda Boeing looga kalsoonaan karaa?

Xigashada Sawirka, AFP
Maareeyaha shirkadda Boeing ayaa maalma ka hor qirtay inuu shilki diyaaradeed ee ku yimid diyaaraddii 737 Max 8 ee ay lahayd Shirkadda diyaaradaha Itoobiya uu ka dhashay habka duulista diyaaradda ee MCAS oo ay cillad ku timid.
Shilalkii diyaaradeed ee ku yimid diyaaradaha Itoobiya iyo Indoneesiya waxaa guud ahaan ku nafwaayey 346 qof.
Shirkadda Boeing ayaa waxay billaawday tillaabbooyin ay u qaadeyso sidi ay wax uga beddeli lahayd habka duulista diyaaradda ee MCAS si ay sumcaddeedi hore u soo ceshato.
Si kastaba ha ahaatee, dalabka diyaaradaha ee ay shirkadaha qaar hakiyeen ama ay ka noqdeen ayaa shirkadda Boeing welwel ku abuuray iyada oo ay 5,000 oo diyaradood oo nooca 737 oo horay looga dalbaday dalabkooda la joojiyey.

Xigashada Sawirka, Jonathan Druion
Haddaba khubarada ku xeel dheer dhaqaalaha laga sameeyo dhinaca duulimaadyada ayaa sheegay iney adagtahay sida looga kalsoonaado shirkadda Boeing sumcaddeedi horana ay si degdeg ah u soo ceshato.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkadda Boeing oo Khaldkeeda qiratay
Dennis Muilenburg oo ah Madaxa shirkadda diyaaradaha samaysa ee Boeing ayaa qiray in qaab ka mid ah hannaanka ay diyaaraddu u shaqayso ay gacan ka gaysatay labadii diyaaradood ee burburay shantii bilood ee la soo dhaafay, diyaaradahaas ayuu noocoodu ahaa 737 Max.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Balse wuxuu sheegay in diyaaradda 737 Max ay ka mid noqon doonto diyaaradaha ugu ammaan badan marka ay dib u hawlgasho ee la cilad bixiyo habka ay ku shaqayso, dib u eegisna lagu sameeyo hagaha duuliyeyaasha.
Wasiirka gaadiidka ee Itoobiya ayaa sheegtay in hanaanka diyaaradda ee 737 Max uu horseeday in ay af af u hoobato, shaqaalaha oo raacaya nidaamka xaaladda degdegga ah ee diyaaraddana ay xakamayn waayeen, waxay sidaas ka sheegtay shir jaraa'id oo ay qabatay ka dib markii ay soo baxday warbixintii hordhaca ahayd ee baaritaankii lagu hayay burburka diyaaradda.
Duulaamaadka ET302 ayaa burburtay waxyar ka dib markii ay ka duushay magaalada Addis Ababa, waxaana ku dhintay 157 ruux ee saarnaa.
Bishii Oktoobar ee sannadkii horana diyaarad ay lahayd shirkadda Lion Air oo duulimaad lambarkeedu ahaa JT 610 ayaa ku burburtay bad u dhaw Indonesia, waxaana ku dhintay dhammaan 189 ruux ee saarnaa.











