Feeryahanno da'yar ah oo u soo kacaya Soomaaliya

Feerahanadan ayaa aba rejo wanaagsan

Xigashada Sawirka, ABDISHUKRI HAYBE

Feerka ayaa mar laga mamnuucay Soomaaliya, balse ciyaarahan ayaa imika dib u soo nooleynaya dalka oo ay weli hareeyeen rabshado ka dib sannado badan oo dagaallo sokeeye ah. Naadiga feerka ee kaliya ee rasmiga ah ayaa ah mid ay xaruntiisu tahay caasimadda Muqdisho.

"Waxaan ku soo barbaaray anigoo jecel inaan barto sida loo dagaalamo, si aan u ilaaliyo qoyskayga. Tani waa tii markii dambe igu soo dhaweysay isboortiga," Najiib Maxamed ayaa sidaasi u sheegay BBC-da .

Najiib o BBC ugu waramay goobta feerka lagu barto ayaa ah wiil dhuuban islamarkana mar walba oo uu feerka tuuro waxaa jirkiisa ka soo burqanaya dhidid.

Meel u dhow, boorka ayaa hawada qaraniaya iyadoo feeryahan kale oo da'yar uu feer ku dhufanayo buufinta lagu tababarto. Mar walba oo uu feerka ku dhufto waxaa baxaysa shanqar aad moodo furayaal la isku xirxiray.

Albaabada ayaa u furan wadadan qadiimiga ah ee Muqdisho, taasoo bixisa neecaw yar iyadoo ay jiro kulayl aad u daran. Nalalka liiqliiqaya waxay caawiyaan iftiiminta sawir-gacmeedka feeryahannada lagu rinjiyeeyay derbiyada.

Maxamed waxa uu ku soo barbaaray xilliyadii qalalaasaha badan ay ak jireen magaalada Muqdisho, taasoo keentay inuu xiiseeyo feerka, isalmarkana wali waqtiga wuu adagyahay.

"Magaaladan, waxyaabaha xun iyo hubaal la'aanta waa qayb ka mid ah nolol maalmeedka. Marka aan ku boodo giraanta, waxay xanuunka ayay ba'bisaa waxayna iga saartaa dhibaatooyinka igu gadaaman."

Maxamed wuxuu jiray afar sano markii aabihiis iyo awoowgiis la dilay sanadkii 2007. Waxaa la toogtay xilli ay dagaalo ka dhaceen caasimadda, markaasoo ciidamada Itoobiya ee dalka deris la ah ay isku dayayeen inay meesha ka saaraan Midowga Maxkamadaha Islaamka oo markaas gacanta ku hayay magaalada.

maxamed Amin

Xigashada Sawirka, ABDISHUKRI HAYBE

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hal sheeko oo naxdin leh oo ka mid ah sheekooyiin badan ayaa kooxdan da'yarta feeryahanada ah ayaa maskaxdooda ka guuxeysa.

Xiriirka Soomaaliyeed ee feerka (SBF) waxa uu soo bilowday sanadkii 1935-kii, balse waxaa ciyaarahan ka mamnuucay dalka 1978-dii dowladdii milateriga ahayd ee xilligaasi jirtay, kaddib markii uu qof dhintay isagoo ka qayb qaadanaya tartan feer. 40 sano ka dib - 2018 - ayaa dib loo bilaabay naadiga lagu barto feerka.

Hadda da'da yartan waxay ku haminayaan oo ay riyadoodu tahay in ay guulo ka soo hoyiyaan tartanada calamiga ah.

Koox iyaga ka mid ah ayaa ku fadhiya kursi adag iyaga oo gamaha ku xiranaya oo galoofisyada daawanayana tababarka.

Abdirahman Mire, the boxing federation's secretary general, also looks on.

Cabdiraxmaan Mire oo ah xoghayaha guud ee xiriirka feerka ayaa isna daawanaya.

"Dhallinyaro badan oo dalkan ku nool ayaa aad u xiiseeya ciyaaraha feerka, balse waxay la'yihiin cid taageerta, waa sax inaan kaalinteyda ka ciyaaro," ayuu yiri.

Maxamed Amiin waxaa uu rajeynayaa in uu Soomaaliya Matalo

Xigashada Sawirka, ABDISHUKRI HAYBE

Mire ayaa mas’uul ka ahaa dib u soo kabashada naadiga feerka markii uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya isagoo ka yimid dalka Finland, halkaasoo uu ku noolaa tan iyo markii uu ka soo cararay dagaaladii sokeeye ee horaantii sagaashamaadkii.

"Waxaan ahaa ciyaaryahan da'yar oo iyaga oo kale ah mar noloshayda, ma fududayn inaan ka soo tago Finland laakiin waa u qalantaa inaan ka soo tago, inkastoo ay jiraan duruufo adag.

“Jiilkan, wakhtiga aad qaangaarka noqonayso, waad wada aragteen, waxyeelada shaqaaqooyiinka nagu xeeran , dhalinyaraduna waxa ay ka faa’iidaystaan ​​wakhtigooda si ay uga badbaadaan waalida ku xeeran oo ay xooga saaraan sidii ay u noqon lahaayeen feeryahan wanaagsan. "

Waxaa hubaal ah in Maxamed uu horumar sameeyay tan iyo markii uu ku soo biiray naadiga feerka ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu awood u yeeshay inuu tababarto, isla markaana uu barto ciyaaraha uu markii hore jeclaa.

Hadda waxa uu ku guuleystey dahab qaybta miisaanka fudud ee tartanka feerka ee maxaliga ah.

"Waxaan ii muuqata inaan ka sii gudbayo goobtan yar ee feerka lagu ciyaaro ee magaalada qadiimiga ah, kaliya ma ahan inaan si xirfad leh u gaaro yoolalkayga laakiin sidoo kale waxaan tusaale u noqonayaa jiilalka mustaqbalka ee dagaalyahannada."

Waxa uu rajaynaya in uu nolol dhaanta midda hadda uu qoyska ku helo Soomaaliya.

Fariintani waxay ku socotaa feeryahanka da'da yar ee Maxamed Amiin.

21-jirkan miisaanka dhexe ayaa ayay sheekadiisu la mid tahay, wuxuuna sheegay in naadiga feerka ay saameyn wanaagsan ku yeelatay noloshiisa, inkastoo uu ku soo koray deegaan aan wanaagsanayn.

"Laga soo bilaabo yaraantii, feerka ayaa ayaa maskaxdeyda qaatay, waxaana aana isha ku hayn jiray TV-ga," ayuu yiri.

"Intii aan koray ma jirin meel lagu ciyaaro, iskaba daayee ciyaaraha dagaalka dartiis, laakiin hooyaday mar walba way igu taageeri jirtay hamigayga.

"Waa sababta aan magaceeda ugu qoray gacan-gashiyadayda, waxayna xusuus u tahay cidda aan u dagaalamayo, mar kasta oo aan tababarka galo," ayuu u sheegay BBC-da.

Dadaalka Amin iyo dedaalka feerka waxa uu bilaabay in uu miro dhalo sannadihii xigay oo uu ugu dambayntii u furay albaabbo cusub.

"Waxaan fursad u helay inaan Soomaaliya ku matalo masraxa adduunka, anigoo ka qeybgalay tartankii feerka Afrika ee lagu qabtay Maputo, Mozambique sannadkii hore."

Hadda wuxuu rajeynayaa inuu Soomaaliya ku matalo ciyaaraha Olombikada soo socda ee ka dhici doona magaalada Paris.

Amin (bidix) Maxamed (Midig)

Xigashada Sawirka, ABDISHUKRI HAYBE

Feerka Soomaaliya ayaa horumar ka sameeyay ciyaarihii Olombikada ee ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Tokyo markaas oo Ramla Cali oo fadhigeedu yahay London ay Soomaaliya u tartantay.

"Waxay muujisay dadaal badan oo dhanka ciyaaraha ah, guusha ay ka gaartay waxay dhiirigelin u tahay dhallinyaro badan oo maanta ku sugan naadiga feerka Muqdisho oo u hamuun qabay inay noqdaan feeryahanno caan ka ah adduunka," ayuu yiri madaxa SBF Mire oo BBC-da la hadlay.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah, feeryahano iyo kuwa kaleba, ayaa jeclaan lahaa inay ku noolaadaan, qurbaha sida sida Ramla Cali oo kale.

"Waxaan u dagaallanaa fursadda nolol cusub, gudaha iyo dibadda ," ayuu yiri Amin.

Gacma-gashiyadan aan xiranahay maaha kuwo istustus ah balse waxay inoo yihiin nolol wanaagsan, waxaa laga yaabaa inaan dalkan ku haysan kheyraad nagu filan balse taasi nagama celinayso.