Daraasad lagu sameeyay caanaha naaska oo lagu ogaaday arrin walaac keentay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxyaabo yar yar oo caagado ah oo aysan indhahu qabaneyn ayaa markii ugu horreysay lagu arkay caanaha naaska hooyada, cilmi baarayaasha ayaa ka walaacsan suurtagalnimada ah in waxyaabahan ay saameyn ku yeellan karaan caafimaadka ilmaha carruurta yar yar.
Baaritaan ayaa lagu sameeyay caanaha naaska hooyoyooyin gaaraya 34, kuwaas caafimad qabay isla markaana ku nool magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga.
Caanihii naaska ee la baaray waxaa boqolkiiba 75 laga helay waxyaabo yar yar oo caag ah oo aysan idhaha qaban karin.
In kasta oo dhallaanku ay si aad ugu nugul yihiin waxyaabaha kiimikada ah, haddana naasnuujinta waa habka ugu fiican ee quudinta carruurta yar yar.
Arrintaa ayaana horseeday in cilmi baarayaashu ay sheegeen in baahi deg deg ah loo qabo in daraasad dheeri ah lagu sameeyo arrintaan muhiimka ah.
Cilmi-baaris hore ayaa muujisay sida waxyaabahan yar yar ee caagga ah oo aysan idhahu u jeedi karin ay saameyn xun ugu leeyihiin unugyada banii'aadanka iyo xayawaanada badda iyo kuwa duurjoogta ah.
Saynisyahanada cilmi baaristan ka sameeyay dalka Talyaaniga ayaa xusay in hooyooyinka ay nadaafad ahaan u adeegsadaan bacaha caagga ah, isla markaana hooyooyinka ay cunaan cuntooyinka badda oo ay ku jiraan cunto iyo cabitaanno ku jira baakadaha, si kastaba ha ahaate seynisyahanada ma aysan helin caddeyn muujineysa in wax xiriir ah uu ka dhexeeyo cuntooyinkan iyo waxyaabaha yar yar ee caagga ah oo il-maqabatada ah.
Sidaa darteed, waxaa loo maleynayaa in banii'aadanka uu dhibaatooyin kala kulmi karo arrintaan.Waxaa laga yaabaa in daraasdo qoto-dheer ay faah-faahin ka bixiyaan halis gaar ah oo ku saabsan waxyaabahan.
Waxaa daraasaddan lagu daabacay joornaalka cilmi baarista ku sameeya waxyaabaha yar yar ee caagga ah ee Polymers.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xilli ay la hadlaysay wargeyska The Guardian, Dr Valentina Notarstefano oo ka tirsan jaamacadda Marche Polytechnic, ayaa sheegtay in "waxyaabaha yar yar ee caagga ah aysan indhaha qaban ee laga helay caanaha naaska ay sare u qaadday walaaca laga qabo caafimaadka dhallaanka ee aadka u nugul".
Waxay intaa ku dartay in faa'idooyinka ay aad uga awood badan yihiin dhibaatooyinka laga dhexlo waxyaabaha yar yar ah ee caagga ah ee aan ishu qaban karin ee loo yaqaanno microplastics.
Valentina Notarstefano ayaa ku nuxnuxsatay in daraasadda aysan qeexeyn in caanaha naaska aan laga yareyn dhallaanka. Waxaa sare u kacay caagadaha la' isticmaalo ee lagu tuuro goobaha qashin qubka ah taasoo saameyn ku yeelata deegaanka.
Dr. Notarstefano waxay ku baaqday in bulshada loo sameeyo wacyigelinta ku aadan sidii loo yareyn lahaa tuurista caagadaha iyo qashinka kale.
Waxay sidoo kale uga digtay haweenka uurka leh inay ka fogaadaan cuntooyinka iyo cabbitaanada ku jira caagadaha, isticmaalka waxyaabaha la isku qurxiyo iyo waxyaabaha kale ee kimikada ah.
Daraasad kale oo dhawaan lasoo saaray ayaa shaaca ka qaaday in dhallaanka lagu quudiyo masaasadda ay u badan tahay in maalin kasta ay liqaan waxyaabaha yar yar ee caagga ah ee aaney ishu qaban.
Daraasad lagu sameeyay dalka Netherlands bishii March ayaa lagu sheegay in waxyaabahan laga helay dhiigga banii'aadanka.













