Maxaan u xiiseynaa macmacaanka inta lagu guda jiro Ramadaanka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dad badan oo soomman ayaa aad u cuna waxyaabaha macmacaan inta lagu guda jiro Ramadaanka, taasoo Reem Al-Abdallata oo baratay nafaqada uu ku sheegay:
"Dhibaatadu waa habka aan wax u cunno. Marka qofka uu cuno timir badan, oo ah sokor - marka la afurayo...
"Waxay firfircooni siisaa kordhisaana heerka insulinta dhiigga, taasoo qofka u horseedda inuu hammi u yeesho cunnada, gaar ahaanna kuwa macmacaan."
Wuxuu intaa raaciyay: "Khaladka dad badan ay sameeyaan waa inay afurka ku bilaabaan inta u dhaxeysa 3-5 timir kadibna ay cabaan cabitaan, gaar ahaanna kuwa bisha Ramadaanka oo leh sokor badan."
Khabiirka ayaa sababeeyay waxa dadku ay u jecel yihiin inay cunnooyinka macaan cunaan inta Ramadaanka lagu jiro, waana kororka dareenka baahida sokorta, kadib marka heerka sokorta ay hoos u dhacdo sababo la xiriira qofka oo muddo dheer soommanaa.
Reem Al-Abdallat ayaa yiri: "Waxaa qofka aad ugu fiican inuu ku afuro hal timir kadibna uu ku xijiyo wax borotiin leh, sida digaag, kalluun, hilib, ama xitaa koob caano ah."
Khubarrada ayaa ku talinaya in biyo lagu afuro, taasoo yareyneysa inaad u baahato waxyaabaha macmacaan.
Dadka ku takhasusay cunnooyinka nafaqada leh ayaa sheegaya in cabidda biyaha ay jirka ka caawiso inuu qoyo ayna ka difaacdo fuuqbax.
Reem Al-Abdallat ayaa xoojineysa muhiimadda isticmaalka cabitaannada aan lahayn sokorta, iyadoo ujeedku yahay dhowridda caafimaadka bani'aadamka iyo ka fogaanta inuu miisaanku kordho.
Cunooyinka iyo dareemaheenna

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Rasha Bouana oo ku takhasustay cilmu-nafsiga ayaa mar ay BBC-du wareysi la yeelatay waxay tiri: "Iyadoo heerka sokorta dhiigga uu hoos u dhacayo, qofka soommani wuxuu is arkayaa isagoo doonaya inuu cuno waxyaabho macmacaan, sababtoo ah waxay kordhiyaan tamarta jirka."
Waxay intaa ku dartay: "Balse taasi maaha sababta keliya. Damacan ayaa sidoo kale lala xiriirin karaa sababo cilmu-nafsi, iyadoo cunidda waxyaabaha macaan lala xiriiriyo dareenkeenna farxadeed. Cunidda waxyaabaha macaan waxay sii daayaan hoormoonka serotonin, oo mas'uul ka ah dareemaha qanaacada iyo farxadda."
"Waxa inoo muhiimka ah waa inaan fahanno xiriirka ka dhaxeeya cunnooyinka aan cunno iyo dareemaheenna, maaddaama tan ay gacan naga siin karto cunidda cunnooyin caafimaad leh."
Khabiiraddan cilmu-nafsiga ayaa ku talineysa in talo caafimaad la doonto haddii dadaalladaada iska celinta waxyaabaha macaan aad ku guul-darreysato, maaddaama baahida badan ee waxyaabaha macaan ay calaamad u tahay dhibaato caafimaad.
Iska xakamee cunnada macaan

Xigashada Sawirka, EPA
Khubarrada nafaqada ayaa sheegay in xakameynta abiteytka ee cunnooyinka macaan inta lagu guda jiro Ramadaanka ayaa ka bilaabata afurka ilaa suxuurta.
Go'aanso xilli gaar ah oo aad cunto wax macmacaan inta Soonka lagu jiro, maaddaama dadku aysan ahayn inay macmacaan cunaan billowga cunnada ugu muhiimsan ee aad ku afureyso.
Inaad sidaa sameyso waxay kugu keeneysaa in heerkulkaagu kordho sabab la xiriira gaajo waxaana laga yaabaa in dhibaato dhanka caloosha ah aad la kulanto.
Sidaa darteed, xilliga ugu fiican ee macmacana la cuno waa labo ama saddex saacadood kadib afurka, waana inaad wax yar uun cuntaa mana aha maalin walba.
Kleiya ha cunin wax macaan uun, waxaa fiican inaad cunto wax qaraar, sida koob qaxwo ah, si aad u yareyso baahida ah rabitaanka wax badan oo macmacaan ah.
Kaddib marka aad wax macaan cunto, cab biyo, caano, ciir, amaba loos yar si aad u xakameyso insulin-ta jirkaaga.
Xaafadda ku karso cunno aad ka taxadartay tayadeeda, isla markaana iska yaree kuwa uu ku badan yahya kaloriga.
Hubi in waxyaabaha macmacaan aan laga helin gurigaaga, maaddaama laga yaabo inay kugu qasbaan inaad maalin walba cunto.













