Faadumo Cabdi: "Hooyaday ayaa Salaatul-leylka iigu ducayn jirtay gabdho, muddo dheer kaddib waxaa Alle i siiyay afar mataano ah”

Goldogob

Xigashada Sawirka, GALDOGOB HOSPITAL

Maaha wax ku badan bulshada Soomaalida in la maqlo hooyo Soomaaliyeed oo dhashay afar carruur oo mataana ah, sida Faadmo Cabdi Faarax oo Arbacadii afar carruur ah lagu qalay isbitaalka degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Maamulka Isbitaalka Galdogob ayaa BBCda u sheegay in qalliinka Faadumo uu qaatay muddo hal saac ah ayna ku guulaysteen in hooyada si nabad ah ay ku kala keenaan.

Faadumo Cabdi Faarax waxay BBC-da u sheegtay in intii uurkeedu yaraa ay aaminsanayd in ilmaha ay siddaa aysan ahayn hal, sidaas owgeedna ay u tagtay dhaqtarka si loo saaro kumbiyuutar.

Faadumo Cabdi Faarax, waxay BBC-da u sheegtay inay goor hore dareentay inay siddo wax ka badan hal cunug sidaas owgeedna ay la xiriirtay dhaqtar xilligaasna uu ku wargaliyey inay siddo saddex mataano ah.

Waxay intaa ku dartay inay rumaysnayd inay saddex ilmood siddo illaa markii saalada qaliinka la saaray oo waxkasta ay isbaddeleen.

Dhaqaatiirtii fulinaysay qalliinka iyo kalkaaliyashii ayaa halmar ku wada qayliyey ”Ilmahaagu waa afar Faadumo, anigu laftayda waa ku farxay waayo ma ogayn inay afar yihiin, waxay ahayd farxad kale oo dheeri ah” ayey BBC u sheegtay Faadumo Cabdi.

Ilmaha afarta ee mataaha ayaa kala ah saddex gabdhood iyo wiil, kuwaas oo wali ku jira qaybta daryeelka ee cisbitaalka Galdogob.

Ducadii hooyo ee loo aqbalay Faadumo

Goldogob

Xigashada Sawirka, GALDOGOB HOSPITAL

Faadumo, waa hooyo hore u haysatay siddeed caruur ah oo dhamaantood wiilal ah, oo kan ugu weyni uu 14 sano jir yahay.

Waxay sheegtay inay marwalba ku riyoon jirtay inuu gabdho Alle ku irsaaqo, dadbadan oo hooyadeed ku jirtana ay ugu duceeyeen inay gabdho dhasho.

Iyadoo dareenkeeda ka hadlaysa Faadumo ayey BBC-da u sheegtay inay ku faraxday in Alle halmar siiyey afar carruur ah oo mataano ah balse ay si gaara ugu faraxda inay dhashay gabdhaheedii ugu horreeyay.

“Hooyaday ayaa salaatu layl iigu ducaysay in gabdho Alle i siiyo, Alle ayaa mahad leh hadda ayaan dhalay saddex gabdhood oo Rabbi mar i wada siiyey” ayey tiri Faadumo.

Waa qofkii ugu horreeyey qoyskeeda Faadumo ee dasha hal mar afar ilmo oo mataana, iyadoo arrintaa ka hadlaysay ayey sheegtay in iyada markasta ay niyada ku haystay gabdho.

Dhaqtarkii saaray kumbiyuutarka uurka ayey Faadumo sheegtay inuu u sheegay inay sido saddex mataana oo mid kaliya ay gabar tahay laakiin waxay sheegatay inay aad ugu faraxday xilligaas inay maqasho in uurka ay sidaa gabar ka mid tahay.

Dareenka aabbaha

Goldogob

Xigashada Sawirka, GALDOGOB HOSPITAL

Qoraalka sawirka, Maxamed Aadan Khaliif 'Fiqi' aabbaha afarta carruur ee mataanaha ah

Maxamed Aadan Khaliif ‘ Fiqi’ waa aabbaha craruurta mataanaha ugu dhasheen Galdogob wuxuu BBC-da u sheegay in tani u tahay haddiyad gaara oo Alle siiyey.

Wuxuu sheegay in hadda qoyska oo dhan ay u taal howl u baahan in wadajir loo qabto.

“Dabcan, haa haa, taas waa dareensanahay ilaa iyo xad, in loo soo jeedo cauruurta oo aniga iyo gabadhu isku badalno ama cid kale oo sida shaqaale loo qabto waa dareen sanahay” ayuu yiri Maxamed.

Maxamed waa aabbe dhalay labo iyo toban caruura oo ay afar mataano yihiin wuxuu BBCda u sheegay in isagu hadda ku shaqaysto gaari nooca iskarogaha ah.

Xaalka carruurta

Goldogob

Xigashada Sawirka, GALDOGOB HOSPITAL

Qoraalka sawirka, DR. Maxamuud Cabdillaahi Kurtun, dhaqtar ka howlgaIa Isbitaalka Galdogob

Dhakhtar Maxamuud Cabdillahi Kurtun, oo ah madax ka ah qaybta dhalaanka iyo xanaanada caruurta ayaa BBC-da u sheegay in xaaladda caruurta mataanaha ay hadda wanaagsan tahay.

“Markii ay dhasheen waxay u baahdeen ogsajiin waana lagu xiray, hadda labo ka mida waa laga furay waxayna nuugeen caanaha naaska hooyadood, laba kale ayey wali ku xiran tahay ogsajiinta,laakiin aad ayey u fiican yihii” ayuu yiri Dr. Kurtun.

Walaalaha mataanaha dhalay

Goldogob

Xigashada Sawirka, GALDOGOB HOSPITAL

Xaawo Cabdi Faarax, waa Faadumo walaasheed ka weyn, bil ka hor ayey iyaduna isbitaalka guud ee Galdogob ku dhashay saddex caruura oo mataano ah.

Markii ay BBC-da la hadlaysay Xaawo waxay ag fadhiyey walasheed Faadumo oo iyana afar mataano ah ku dashay isla isbitaalkii ay hore ugu dhashay.

Iyadoo qoslaysa ayey si dareen leh u tiri “Faadumo waa i bareejaysay, waa ku faraxsanahay ilmaha aan habaryarta u ahay” ayey Xaawo u sheegtay BBCda.

Qoyska Faadumo iyo Maxamed, hadda waxay ku jiraan maalmo farxadeed iyo u diyaargaowga howl balaaran madaa aysan hore hal mar u wada xannaanayn carruur ay dhaleen oo mataano ah.