Itoobiya oo war kasoo saartay tahriibayaashii ku geeriyooday xeebaha Jabuuti

Jabuuti

Xigashada Sawirka, AP

Safaaradda Itoobiya ee Jabuuti ayaa xaqiijisay in dhammaanba muhaajiriintii 48 ahaa ee noloshooda ku waayay xeebaha Jabuuti ay ahaayeen mudwaadiniin Itoobiyaan ah.

Dhacdadan, oo dhacday 01 October 2024, ayaa waxaa sababay kadib markii ay quuseen labo doomood oo aad u buux-dhaafay kuwaasoo ay saarnaayeen 320 muhaajiriin ka yimid Yemen oo Jabuuti kusoo jeeday.

War-saxaafadeed ay soo saartay safaaradda ayay ku sheegtay in hannaanka xaqiijinta goobta uu shilku ka dhacay uu muujinayo in “dhammaanba muhaajiriinta ku dhintay shilkan ay ahaayeen Itoobiyaan.” waxay sidoo kale sheegtay in dadka gaaraya 197 ee ka badbaaday shilkaas lasoo badbaadiyay lana geeyay xerada qaxootiga caalamiga ah ee ku taalla Obock.

Safaaradda ayaa sheegtay sida ay uga murugeysan tahay dadka noloshooda ku waayay shilkaas waxayna intaa raacisay in weli dadaallada baadigoobka ay socdaan oo weli la baadi-goobayo 75 tahriibayaal kale oo la la'yahay.

Ka bood Facebook boggan
Oggolow Facebook macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Facebook. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Facebook xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka Facebook boggan

Waxay safaaradda ku baaqday in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo lagula dagaallamayo tahriibinta dadka, iyadoo xoojisay in “iskaashiga oo ay kordhiyaan waaxaha arrimahan ku shaqada leh uu muhiim u yahay la dagaallanka tahriibinta dadka ee sharci-darrada ah,” iyo in dowladda Itoobiya ay qaadi doonto “tallaabo adag” oo ka dhan ah mukhalasiintii ku lugta lahaa howlahaas oo kale.

Wararkii hore ee soo baxay ayaa sheegayay in Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta (IOM), oo soo xiganeysa sheekooyinka dadka badbaaday, ay muujiyeen in mukhalasiinta ay tahriibayaasha ku qasbeen inay raacaan doomaha buuxa —mid ka mid ah ayaa waxaa saarnaa 100 qof halka tan kalena ay saarnaayeen 210.

Dhacdadan waa tii ugu dambeysay ee dhowr shil oo dhacay kuwaasoo ay ku lug lahaayeen muhaajiriin Itoobiyaan ah.

Bishii August, doon ayaa ku qarqoontay gobolka Ticis ee Yemen, waxaana ku dhintay 13 qof halka 14 kalena la waayay. Sidoo kale bilihii July iyo June, waxaa isla dhacdooyinkan oo kale ku dhintay muhaajiriin Itoobiyaan ah oo doonayay inay badda ku safraan.

Jabuuti

Xigashada Sawirka, Djibouti Coast Guard

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bishii Abriil, ugu yaraan 38 qof, oo ay ku jiraan carruur, ayaa dhintay ka dib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay meel ka baxsan xeebaha Jabuuti, xilli ay maraysay isla waddadan badda cas.

Bishii Juun, ugu yaraan 56 tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan ah ayaa dhintay, 140 kalena waa la waayay kaddib markii doon ka timid Soomaaliya ay ku dagtay gacanka Cadmeed, ee xeebaha koonfureed ee Yemen. Dadka dhintay waxaa ka mid ah 31 haween ah iyo lix carruur ah.

Tobanaan kun oo qof oo doonaya mustaqbal wanaagsan ayaa ka dhoofa Afrika oo sannad kasta ka gudba badda cas si ay u gaaraan Sucuudiga iyo waddamada kale ee Khaliijka, sida ay hay’adaha bani’aadamnimadu ku tilmaameen mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan uguna khatarta badan dunida.

Tirada muhaajiriinta gaaray Yemen ee ka imanayay Geeska Afrika ayaa kor u kacday ilaa 73,000 sannadkii 2022, waxaanay gaaray in ka badan 97,200 sannadkii hore, sida ay sheegtay IOM.

Waddadan tahriibka oo loo yaqaan “Jidka Bari”, ayaa waxaa doomaha buux-dhaafiya dadka qaxootiga iyo muhaajiriinta marka ay ka soo ambabaxayaan Geeska Afrika una sii jeedaan Yemen. Halkaa waxa ay u safraan wadamada khaliijka iyaga oo shaqo raadis ah. Kuwa ka soo laabanaya Khaliijkana waxay isticmaalaan isla waddadan.