Faah-faahin ka soo baxaysa xaaladda Qoraaga buuggii Muslimiinta ka caraysiiyay.

Salman Rushdi

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Salman Rushdi

Salman Rushdie waxa uu sheegay in uu dareemayo in noloshiisu ay tahay "mid caadi ah" waraysi uu bixiyay laba toddobaad uun ka hor inta aan mindi lagu weerarin masraxa ku yaalla magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Qoraaga ku guuleystay abaalmarinta ayaa ku sugan xaalad halis ah ka dib markii lagu weeraray munaasabad Jimcihii shalay.

Waxa uu sannado badan la kulmayay hanjabaado dil ah oo loogu hanjabayo buuggiisa dunida Muslimka looga arkay in loogu gefay Nabi Muxmed N.N.K.H, ee u bixiyay Aayadaha Shaydaanka, oo dadka Muslimiinta caalamku u arkeen meel ka dhac uu u gaystay diinta Islaamka.

Waxaa dhacay dibad baxyo lagu tagaeerayay isla markaana lagu cambaareeyay weerarka ninkaan lagu qaaday oo lagu tilmaamay mid lidi ku ah xoriyatul qawlka.

Mr Rushdie, oo 75 jir ah, ayaa lagu xiray qalabka dadka neefta ka caawiya mana awoodo inuu hadlo, iyadoo laga yaabo in mid ka mid ah indhihiisa ay soo gaartay waxyeello aad u weyn sida uu sheegay wakiilkiis.

Booliska ayaa xiray tuhmane lagu magacaabo Hadi Matar, oo 24 jir ah, kana yimid Fairview, New Jersey, wax yar ka dib markii uu ku orday Masrax lagu wareysanayay Mr Rushdie oo uu waraysanayay wariye ka tirsan Machadka Chautauqua ee galbeedka New York.

Mr Rushdie ayaa ugu yaraan hal toorey looga dhuftay qoorta iyo caloosha, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Booliiska ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in shaqaalaha iyo xubnihii goobta joogay ay ku xireen qofka weerarka geystay halkii arrintu ka dhacday oo waliba ay figeen inta ay dhulka dhigeen.

Muslimiin badan ayaa ka carooday buugga Salmaan Rushdi, waxayna u arkeen in buuggu meel uga dhacay Rasuulka (N.N.K.H.H) iyo diinta Islaamka.

 Salmaan waxaa loogu hanjabay dil, waxay hanjabaddaas ku khasabtay in uu galo dhuumaleysi, dowladda Britain ayaa si weyn u ilaalineysay ammaanka Salmaan.

Iran waxay xilliggaas xiriirka u jartay dowladda UK iyadoo ka careysneyd buugga Salmaan.

Hoggaamiyaha Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini, ayaa soo saaray Fatwo uu ku baaqayay in la dilo Salmaan sanadkii 1989- sanad kadib markii buugga la daabacay.

Hase yeeshee, reer galbeedka, qoraayaasha iyo waxgaradka waxay dhalleeceeyeen halista ka imanaysa xorriyadda hadalka ee ka dhalatay falcelinta qallafsan ee buugga