Sidee ayay ayeeyadan uga caawisaa booliiska soo qabashada tuugo dadka dhacda?

Ms Bednarik oo war baahinta la hadleysa

Xigashada Sawirka, WINDSOR POLICE

Ka dib markay ku daashay ee ay dhibsatay wicitaannada beenta ah ee tuugada, haweeney ku nool gobolka Ontario ee dalka Canada, ayaa khaati ka istaagtay markii ay soo waceen dad wax khiyaano oo iska dhigaya wiil ay ayeeyo u tahay oo lacag u baahan.

Halkii ay si fudud taleefanka iska goyn lahayd sidii caadiga ahayd, Bonnie Bednarik waxay la jaan qaadday dhagarta tuugada, iyada oo u sheegtay in ay siin doonto lacag gaaraysa $6,800.

Markii ay u yimaadeen nimankii tuugada ahaa si ay lacagta usoo qaataan, waxaa naxdin ku riday markii ay boolis ugu tageen halkii lagu ballamiyey.

Booliiska ayaa sheegay in qolyahani ay dheceen ugu yaraan labo qof oo kale.

Ms Bednarik, oo 74 jir ah, ayaa shaki galisay markii ay tuugadu soo waceen subaxnimadii 1-dii Maarso iyagoo sheegay inay u baahan yihiin lacag caddaan ah ee damaanadda booliska.

Markii ay waydiisay qofka hadlaya, tuhmanihii wuu xanaaqay, wuxuuna ku yidhi “ha igu ciyaarin waa wiilkaaad ayeyda u tahaye”.

Waxay ahayd markii saddexaad oo qof been abuur ah uu la soo xiriiro, taas ayaana ka cadheysiisay, ayay Ms Bednarik ku sheegtay shir jaraa'id oo ay ku qabatay magaalada ay ku dhalatay ee Windsor, Ontario.

Iyadoo si deggan u fekeraysa, ayey Ms Bednarik waxay ugu wacday tuugga magac aan ahayn midka wiilka ay ayeyda u tahay si ay ugu qabato khayaanoolaha beentiisa.

Isaga oo iska dhigaya wiilka ay ayeyda u tahay, ayuu tuugu u sheegay Ms Bednarik sheeko dheer oo ku saabsan sidii uu shil baabuur ula galay saaxiib male-awaal ah iyo kiniini daroogo ah oo laga helay qaybta khaanadaha gaarigooda.

Si uu tuuggu iiga gado beentiisa xataa "waxaa ka timid illin", ayay tidhi Ms Bednarik. Wuxuu u sheegay inuu jecel yahay.

Si ay waqti u hesho, waxay u sheegtay ninkii inay wacayso bangigeeda.

Taa beddelkeeda waxay wacday booliiska, kuwaas oo awooday in ay isku diyaariyaan qabashada raggan iayaga oo ilaalo ka sameystay meel u dhow gurigeeda.

Lambar laga shakiyey

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ciidamada qeybta khiyaanada ayaa xidhay tuhmanayaasha – oo kala ah Evan Gayowsky 19 jir iyo Noah Kljajic oo 22 sano jir ah, markii ay u tageen gurigeeda si ay lacagta uga soo qaataan.

Booliisku waxay soo ururiyeen "caddad aad u badan" oo lacag caddaan oo ay boolisku ku tilmaameen inay ka khayaameen laba qof oo kale.

Waxay heleen hal dhibbane, oo ka yimid magaalada Amherstburg, waxayna raadinayaan dhibbanaha labaad.

Ms Bednarik ayaa ku boorrisay waayeelka inay la xiriiraan booliiska haddii ay la kulmaan wicitaan shaki galiya.

"Ugu horeyn, waligaa ha siinin magaca ilmaha aad awowga ama ayeyda u tahay, waxaad waydiisaa magaca kan kusoo wacaya, waxaad wacdaa booliiska iyo qoyskaaga," ayay tidhi.

Xarunta la dagaalnka khiyaamada ee Canada (CAFC) ayaa sheegtay in sanadkii 2022, ay heshay warbixino been abuur ah iyo dambiyo dhanka internetka ah oo dhan oo lagfu geystay khasaaro dhan $530m oo doolarka Canada ah, taas oo kor u kacday 40% sanadkii ka horeeyay. Taas waxaa ku jiray ku dhawaad C$9.2 milyan oo lagu dhacay khiyaanooyinka degdega ah sida Ms Bednarik's oo kale, kaas oo uu tuuggu lacag ku dalbado isla markiiba. Sida ay sheegtay CAFC Khiyaanada degdegga ah ee 2022 waxay afar jibbarantay marka loo eego 2011 kii.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Baarista Federaalka, waxaa jiray in ka badan 92,000 oo muwaadiniin waayeel ah oo dhibbanayaal Khiyaameen loogu geystay Mareykanka 2021, taasoo keentay khasaare dhan $1.7 bilyan.