Xakameynta Gabowga: Maxaad u baahan tahay si aad u gaarto 100 sano?

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxaa jirtay xilli ay dadka waaweyn ku duceysan jireen inay noolaadaan boqol sano. Waxay ahayd riyo loo arkayay in aysan macquul ahayn inay rumowdo, laakiin xaaladdu sidaas way ka duwan tahay.
Haddaba toddobaadkan adduunku wuxuu baari doonaa hab-dhaqannada iyo noocyada cunnooyinka ee qofka gaarsiin kara in uu noolaado boqol sano.
Arrintaas si aan jawaab ugu helno waxay BBC-du la hadashay dad khubarro ah.
Nolol labaad
Dr. Hiroko Akiyama, oo ahaa ku-xigeenka madaxa Golaha Sayniska ee Jabaan, waxay tiri "Waqti-xaadirkaan wax aan caadi ahayn ma aha in la noolaan karo ilaa boqol sano."
Dr Hiroko Akiyama waxay aqoon iyo waaya-aragnimo u leedahay 'Daraasadda Gabowga'.
Waxay sheegtay in dadka Jabaan ay si aad ah u gaaraan da'da gabowga. Celcelis ahaan da'da dumarka Jabaan ayaa hadda ah 88 halka celceliska da'da ragga ay tahay 82. Dadweumaha Jabaan 29 boqolkiiba waa 65 jir ama ka weyn.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka la eego celceliska da'da, kaliya Hong Kong, Singapore, Switzerland, Italy iyo Spain ayaa u dhow Jabaan. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Jabaan, sanadkii hore 86 kun 510 muwaadiniinta waddankaas ah ayay da'doodu ahayd boqol sano ama ka badan.
Dr Hiroko waxay tiri, "Waxyaabo badan ayaa u sabab ah cimri-dheerida dadka ee Jabaan, mid ka mid ah waa Nidaamka Caymiska Caafimaadka Caalamiga ah. Waxaan billownay 1960-meeyadii. Dadku halkan si sahlan ayay u heli karaan xarumo caafimaad. Sabab kale ayaa ah dadka Jabaan ay caafimaad qabaan, qaab nololeedkooduna waa mid caafimaad leh."
Jabaanku waa dad shaqo badan. Waxay sameeyaan taxaddar si ay uga fogaadaan kansarka iyo cudurrada wadnaha. Dr Hiroko waxay sheegtay in dadka Jabaan ay aad uga fiirsadaan cuntooyinka ay cunaan. Waxay cunaan waxyaabo uu dufanku ku yar yahay. Kalluunka iyo khudaarta ayay aad u cunaan, waxayna cabaan shaaha cagaaran.
Waxay sii kordheysaa da'da dadka Jabaan celcelis ahaan laakiin way sii yaraaneysaa wadarta guud ee dadka. Heerka taranka ama dhalmada ayaa hoos u dhacayay in muddo ah iyadoo tirada dadka da'da ah ee awood u leh inay qabtaan shaqooyinka ay sidoo kale hoos ugu dhacaysay si joogto ah.
Dr Hiroko ayaa sheegtay in waxa ugu weyn ee ay dowladdu diiradda saarayso ay tahay nidaamka daryeelka caafimaadka iyo nidaamka howlgabka. Guryaha iyo gaadiidka ayaa sidoo kale wax laga qabtay balse kaabeyaasha aasaasiga ah ee bulshada ayaa u baahan in dib u habeyn lagu sameeyo.

Xigashada Sawirka, Thinkstock
Kooxdeedu waxay sameeyeen tijaabooyin bulsho oo badan si ay u helaan habab ay dadka da'da ah u noolaan karaan iyagoo aan cidna ku tiirsanayn.
Waxay tiri, "Waxaan isku dayeynaa inaan dib u habeyn ku sameyno bulshooyinka si aan u daboolno baahiyaha bulshada da'da ah. Waxaan rabnaa inaan abuurno bulsho ay dadku caafimaad qabaan, firfircoon yihiin, oo ay awoodaan inay wax iswaydaarsadaan ilaa ay ka gaaraan 100 sano."
Howlgabka shaqeeya ee Jabaan
Dadka Jabaan marka ay howlgab noqdaan kaddib waxay billaabayaan shaqooyin cusub. Noloshaas cusub waxay ilaalinaysaa habka caadiga ah ee uu u nool yahay, waxayna ka caawinaysaa inuu caafimaad qabo.
Dr Hiroko Akiyama waa 78 jir waxayna ku raaxaysanaysaa shaqadeedii labaad.
Waxay tiri, "Waxaan muddo dheer bare ka ahaa Jaamacadda. Markii aan gaaray da'da 70 jirka, waxaan billaabay beer-falashada, afar qof oo aan anigu ku jiro oo xirfado kala duwan leh ayaan wada samaysannay shirkad. Riyadeyda ayay ahayd markii aan yaraa inaan beeraley noqdo."
Da'dee gabow ah?
"Gabowgu waa geeddi-socod uu qofba si u wajaho. Ma jiraan labo qof oo leh hab.-socod gabow oo isku mid ah," ayay tiri Cathy Slack, oo bare sare ka ah Xarunta Aston ee Birmingham ee Cilmi-baarista Gabowga caafimaadka qaba.
Su'aalaha la xiriira maxay tahay sababta duqnimada iyo haddii habka bayoolojiga ah ee gabowga la xakameyn karo ayuu jawaab u raadinayaa shaybaarka Cathy.
Qof kasta wuu yaqaannaa calaamadaha muuqda ee gabowga. Sida maqaarka laalaabka yeesha iyo timaha oo cirrooba, laakiin waxyaabo kale oo badan oo gudaha jirkeenna ah ayaa jira. Cathy waxay sharraxday in saameynta gabowga ay ka muuqato dhammaan unugyada jirka. Saamayntaas waxay u dhaxaysaa maskaxda ilaa taranka. Isbeddelladaas waxaa lagu magacaabaa calaamadaha gabownimada.
Cathy waxay sharraxday in isbeddeladaas ay qeyb ka tahay xakamaynta tayada borotiinka ee gudaha unugyada oo luma, iyo dhaqdhaqaaqa qayb ka mid ah unugyada tamarta soo saara oo gabowga laga yaabo inuu shaqadooda joojiyo.
Cathy waxay sheegtay in marka uu duqnimadu billaabato, in ay kordhaan halista cudurrada joogtada ah sida sokorowga. Nidaaminta sahayda nafaqooyinka ayaa lama-huraan u ah in unugyadu ay shaqeeyaan. Waxaa jira unugyo ay ahaayeen in ay sameysmaan oo burbura, maskaxdana waxaa ku yimaada isbeddel.
"Maanta waxaa jira dad badan oo aad u da' weyn. Laakiin caafimaadkoodu ma fiicna, tani waa dhinaca loo baahan yahay in laga shaqeeyo. Isku day in aad firfircoonaato. Isku day in aad la socoto howlahaaga markaad sii weynaato. Ha badsan, hana yareysan, laakiin si fiican wax u cun. Sigaar ha cabin," ayay tiri xilli ay isku deyeysay in ay ka jawaabto sida loo kordhin karo da'da qofka, loona gaarsiin karo illaa 100 sano..
Tijaabo xiiso leh
"Shaybaadhkeenna, waxaan ku arki karnaa inuu jiro dadaal yareyn kara geeddi-socodka gabowga. Xaaladaha qaar waa la joojin karaa gabowga, xaaladaha qaarkoodna, waa la dhimi karaa ama wax baa laga beddeli karaa," ayuu yiri Neer Barzilai, oo ah maamulaha Machadka Cilmi-baarista Gabowga ee Albert Einstein College ee magaalada New York.
Way adag tahay in la qiyaaso inta qof ee jira 100 sano ama ka badan adduunka.
Dr Neer Barzilai ayaa cilmi-baaristiisa ku sheegay in dad aad u badan jiraan boqol sano ama ka badan, sababtaas awgeedna uu u sameynayo tijaabooyinka. Waxa kale oo uu caawimaad ka helayaa toddoba boqol oo qof iyo qoysaskooda oo dhammaystay da'da boqolka sano.
Waxay raadinayaan hiddo-sidaha noocan oo kale ah, kaas oo xawaaraha gabowgu hoos u dhigi kara. Macluumaadkan waxaa kale oo loo isticmaali karaa in daawo lagu sameeyo.
Kooxdiisu waxay ka shaqaynaysaa saddex arrin oo macquul ah oo la xiriirta gabowga. Ujeeddada ugu horreysa waa in xakameeyo geeddi-socodka.
"Marxaladda labaad waa waxa aan ugu yeerno 'Isha Dhallinyarada'. Waxay gebi ahaanba ku saabsan tahay in dadka loo ekeysiiyo dhallinyaro. Way dhib badan tahay in la suurtageliyo. Arrinta ugu xiisaha bada waa tan saddexaad fikradda waa in la helo dadka da'doodu ay tahay labaatan iyo soddon jirka. Waa in la daaweeyaa dhowr bilood ama hal mar sanadkiiba, waxaana laga daweynayaa gabowga. Saamaynta la raadinayo waa in la joojiyaa ama la dhimaa xawaaraha gabowga," ayuu yiri Neer Barzilai.











