Maxay muujinayaan sawirrada dayax-gacmeedka lagu qaaday ee duqeymaha Israa'iil ay ka geysatay Iiraan?

Israa'iil iyo Lubnaan
Qoraalka sawirka, Masawirro laga qaaday dayax gacmeedka ayaa muujinaya bartilmaameedyada Israa'iil ee weerarka ay ku qaaday Iran

Sawirrada dayax-gacmeedka ee ay falanqeysay BBC Verify ayaa muujinaya burbur soo gaaray dhowr goobood oo militari oo Iiraan ah kadib duqeymo ay Israa’iil ka geysatay Sabtidii.

Waxaa ka mid ah goobaha ay khubarradu sheegeen in loo adeegsan jiray soo saarista gantaallada iyo difaaca hawada, oo uu ku jiro mid horay loogu xiray barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

Iran
Qoraalka sawirka, Sawirada qaar kamid ah bartilmaameedyada

Sawirrada dayax-gacmeedka ee daba socday weerarradii Israa'iil ayaa muujinaya burbur soo gaaray dhismayaal ay khubaradu ku sheegeen inay ahaayeen xarun weyn oo lagu horumariyo hubka oo ku taal Parchin, oo qiyaastii 30km (18.5 mayl) bari ka xigta Tehran.

Goobta ayaa sidoo kale lala xiriiriyay soo saarista gantaalada sida ay sheegeen khubarrada ka socota Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istaraatiijiyada (IISS).

Isbarbardhigga sawirka dayax gacmeedka ee heerka sare ah ee la qaaday 9-kii Sebtembar iyo sawirka la qaaday 27-kii Oktoobar, waxay u muuqataa in ugu yaraan afar dhisme ay waxyeelo soo gaartay.

Mid ka mid ah dhismayaasha, oo loo yaqaan 'Taleghan 2', ayaa horay loo xiray kadib markii lagu helay walxo muujinaya barnaamijka Nukliyeerka ee Iran sida ay sheegtay Hay'adda Tamarta Atoomikada (IAEA).

Sannadkii 2016-kii IAEA waxay goobta ka heshay caddaynta walxaha yuraaniyaamka , taas oo keentay su'aalo ku saabsan dhaqdhaqaaqa nukliyeerka ee laga mamnuucay halkaas.

Iran iyo Israa'iil
Qoraalka sawirka, Sawiradaan waxaa laga qaaday saldhigga Khojir military

Goob kale oo sida muuqata lala beegsaday duqaymaha cirka ee Israa'iil ayaa ah Khojir, oo qiyaastii 20km waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Parchin.

Fabian Hinz oo ka tirsan ISS ayaa yiri "Khojir waxaa loo yaqaanaa meesha ugu badan ee kaabayaasha gantaalada ballistic-ga ah ee Iran yaalaan."

Waxay ahayd goobtii uu ka dhacay qarax weyn oo dahsoon sanadkii 2020.

Sawirrada dayax gacmeedku waxay muujinayaan ugu yaraan laba dhisme oo ku dhexyaalla dhismahaas oo u muuqda kuwo si weyn u burburay.

Iran iyo Israa'iil
Qoraalka sawirka, Sawirkaana waa saldhig kale oo ciidan

Goob militari oo ku taal Shahroud, oo qiyaastii 350km dhanka bari ka xigta Tehran, ayaa sidoo kale burbur soo gaaray, sida laga soo xigtay sawir dayax gacmeed oo la qaaday kadib weerarrada Israa'iill.

Waxay ku taal gobolka waqooyi ee Semnan, aaggaan waa mid muhiim ah waxayna ku lug lahayd soo saarista qaybaha gantaallada riddada dheer, sida uu sheegay Fabian Hinz oo ka tirsan IISS.

Waxaa u dhow Xarunta Hawada Sare ee Shahroud, oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka Ilaalada Kacaanka, kaas oo Iran ay hawada sare uga dirtay dayax gacmeed militari sanadkii 2020.

Israa'iil iyo Iran
Qoraalka sawirka, waa goob kale oo la bartilmaameedsaday

Israa’iil ayaa sheegtay inay si guul leh u beegsatay nidaamka difaaca hawada ee Iran dhowr goobood balse way adagtahay in la xaqiijiyo taas iyadoo la hayo sawirka dayax gacmeedka.

Waxaan helnay sawir dayax gacmeed oo u muujinaya burbur soo gaaray goobta ay khubaradu ku tilmaameen radar rakiban.

Waxay ku taallaa buurta Shah Nakhjir oo u dhow magaalada galbeedka ku taal ee Ilam.

Jeremy Binnie, oo ah khabiir ku takhasusay Bariga Dhexe iyo Janes, oo ah shirkad difaac sirdoon, ayaa sheegay in tani laga yaabo inay tahay nidaamka difaaca raadaarka oo dhawaan la cusboonaysiiyay.

Goobta lafteeda ayaa la aasaasay tobannaan sano ka hor, laakiin sawirrada dayax gacmeedka ee ay falanqeeyeen khabiirada ayaa muujinaya in dib u habeyn weyn lagu sameeyay sanadihii ugu dambeeyay.

Iran iyo Israa'iil
Qoraalka sawirka, waa qaar kamid ah goobaha saliidda ee Iran
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaan sidoo kale ogaanay wax u muuqda burbur soo gaaray qeyb ka mid ah keydka shidaalka ee Abadan ee xarunteedu tahay gobolka Koonfur galbeed ee Khuzestan.

Si kastaba ha ahaatee, ma garanayno waxa sababay waxayna u badan tahay in ay jiraan khasaare ka soo gaaray meelo ka mid ah Iran oo ay sababeen burburka ama hababka difaaca ee khaldan.

New York Times oo soo xiganaysa mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay in warshadda sifaysa saliidda ee Abadan ay ka mid tahay goobihii lala beegsaday duqaymo ay samaysay subaxnimadii Sabtida.

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa Sabtidii xaqiijiyay in gobolka Khuzestan ay Israa’iil beegsatay.

Warshadda sifaynta shidaalka ee Abadan waa tan ugu weyn dalkaas, taas oo awoodda in ay soo saarto 500,000 oo fuusto maalintii, sida uu sheegay madaxa fulinta.

Sawirka dayax gacmeedku had iyo jeer ma aha mid jaangoynaya aqoonsiga dhismayaasha burburay.

Tusaale ahaan, sawir aanu xaqiijinay oo muujinaya qiiq ka kacaya agagaarka saldhiga difaaca cirka ee Hazrat Amir Brigade ayaa u muuqda in la beegsaday.

Iiraan ayaa bilawgii bishii Oktoobar markii labaad ee sanadkan weerar gantaal ah ku qaaday Israa’iil, ka dib markii ay bishii April ridday 300 oo gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.