Iran oo shaacisay khasaarahii ka soo gaaray weerarkii Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images
Duqeymaha Israa’iil ee Iran, oo ay uga aargoosanayaan gantaaladii Iran ay horaantii bishan ku garaacday Israa’iil, ayaa lagu dilay afar askari oo Iraniyiin ah, sida ay sheegeen ciidamada Iran.
Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in ay bartilmaansadeen warshadaha gantaallada iyo goobo kale oo u dhow Tehran iyo galbeedka Iran subaxnimadii Sabtida.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay in ay is difaacdo, balse waxa ay intaa ku dartay in Iran “ay garowsantahay tahay mas’uuliyadda ka saaran nabadda iyo amniga gobolka,” bayaan loo arkay in uu yahay mid dhexdhexaad ah.
Aargoosiga Israa'iil ee ku dhawaad 200 oo gantaal oo ballistic ah oo ay Iiraan ku ridday Israa'iil 1-dii Oktoobar ayaa si weyn loo filayay muddo toddobaadyo ah.
Mareykanka iyo Britain ayaa labaduba ku booriyay Iran inaysan ka jawaabin weeraradii ugu dambeeyay, iyadoo maamulka madaxweyne Joe Biden uu ku baaqay in la joojiyo rabshadaha isdaba jooga ah.
Saraakiil sarsare oo ka tirsan maamulka Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanka lagu wargeliyay duqeymaha Israa’iil ka hor inta aysan qaadin, isla markaana aanay Washington wax lug ah ku lahayn.
Goobaha ay Israa’iil weerartay ayaanan ku jirin kaabayaasha saliidda Iran ama xarumaha nukliyeerka – bartilmaameedyadaas oo maamulka Biden Israa'iil uga digay inaysan weerarin - sarkaal ayaa sidaasi sheegay.
Sarkaalku wuxuu sheegay in Maraykanku uu ku dhiirigelinayay Israa'iil muddo toddobaadyo ah inay sameyso jawaab " u dhiganta weerarkii Iran taas oo ay xaddidan tahay khatarta ama waxyeellada dadka rayidka ah" wuxuuna sheegay in taasi ay ahayd "sida saxda ah ee ay waxa dhaceen" Sabtidii.
Si kastaba ha ahaatee, xafiiska ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Israa'iil ay bartilmaameedkeeda u dooratay "si waafaqsan danaha qaranka, oo aysan u dooran sida u xusan amarrada Mareykanka".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ra'iisul wasaaraha UK Sir Keir Starmer ayaa sheegay in Israa'iil ay xaq u leedahay inay iska difaacdo "gardarrada Iran" wuxuuna ku celceliyay baaqyada Iran ee ah inay ka fogaato aargoosi, isagoo sheegay in UK ay ka shaqeyn doonto "dajinta xaaladda gobolka oo dhan".
Balse Ruushka iyo dalalka kale ee gobolka oo ay ku jiraan xulafada Mareykanka ee Urdun iyo Sacuudiga ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay sii hurineyso colaadda.
Qatar waxay muujisay "walaac qoto dheer oo ku aaddan cawaaqib xumada ka dhalan karta kororka xiisadda Bariga Dhexe", halka Urdun ay ku tilmaantay weerarka mid "kordhinaya khatarta".
Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Maria Zakharova ayaa tiri: "waxa loo baahan yahay waa in la joojiyo daandaansiga Iran si ay uga aargoosato, iyo in laga baxo xamaasadda sii kordheysa ee aan la xakameyn karin".
Tehran ayaa sheegtay in weerarkii gantaalada ee ay ku qaadday Israa’iil uu ahaa mid looga aargudayay dilkii Hogaamiyihii siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh oo lagu dilay dhulka Iran bishii July
Maamulka Iran ayaa sheegay in la weeraray goobo ku yaala Tehran, Khuzestan iyo Ilam. Ciidamada ayaa ku andacoonaya in lagu guuleystay in laga hortago weeraradaasi, inkastoo meelaha qaar uu jiro “burbur kooban”.
Kadib weeraradii Israa’iil, warbaahinta dowladda Iiraan ayaa baahisay muuqaal muujinaya isu socodka dadka iyo gaadiidka oo si caadi ah u maraya dhowr magaalo, iyadoo la sheegay in dhaqdhaqaaqyada iskuullada iyo goobaha ciyaaraha aysan ahayn sidii hore.
Milatariga Israa’iil ayaa ku dhawaaqay howlgalkii Sabtida waxyar kadib markii qaraxyo laga soo sheegay dalka Iran. Afhayeenka IDF Rear Adm Daniel Hagari ayaa sheegay in milatarigu ay muujiyeen sida ay ugu diyaarsan yihiin "si ay u difaacaan dawladda Israa'iil".
Waxa uu sidoo kale ka digay haddii Iran ay bilowdo wareeg cusub oo xiisad ah, Israa'iil waxay ku qasban tahay inay ka jawaabto.













