Lammaanihii guurkooda sugayay in ka badan 45 sano iyo sababta keentay in waqtigaas uu qaato

Xigashada Sawirka, COURTESY OF IRENE AND ALAN
Markii ay 9 jir ahayd, Irene waxa la geeyey hoy cusub oo dhallinyaradu ku leeyihiin aagga Sunderland, ee England, kaas oo ahaa hoygii saddexaad ee ay ku noolaato tan iyo markii ay dhalatay.
"Waxay i geeyeen meeshaas sababtoo ah hooyaday waxay dhimatay anigoo aad u yar," ayay tiri Irene.
Alan, oo markaas 7 jir ahaa, ayaa arkay iyada oo ka soo dageysa gaariga xilli uu ka eegayay daaqadda, markii uu arkay halkaa waxaa ka billowday dareen isagoo yiri, “durbadiiba wadnaha ayaa I garaacmay”.
"Gudaha ayaa markiiba lasoo geliyay, haweenkii Meesha ka mas’uulka ayaa ayaan durbadiiba weydiiyay halka ay gabadhu degtay”.
Irene oo xasuusteeda dib u baartay ayaa tiri, waxaa jiray wiil albaabka igu sugi jiray mar waliba, waan xusuusanahay, markiiba si fudud ayaan isku baranaya oo aan ku saaxiibnay, intaa kadibna mar waliba waan wada joogi jirnay”.
Sababta midowgooda ayaa ahayd weynta hooyooyinkooda iyo in laga fogeeyay walaalahood.
Wiilasha iyo gabdhaha ku jira hoyga looma oggola in ay wada hadlaan ama wada ciyaaraan, laakiin Irene iyo Alan waligood ma aysan kala harin.
"Waxaan ka hadalnay sida aan u jeclaan lahayn in hooyooyinkeen ay noolaadaan, waxaana ka sheekeysan jirnay halka ay qoysaskeena kale joogaan," ayay tiri Irene.
Joogitaanka xarunta agoomaha waxay la mid tahay maxbuus, ayuu yiri Alan.
Waqtiyada aan la joogay Irene waxay sameeyeen farqi, "Wadajirnimada waxay ahayd wax xor ah oo furan." Wax kasta waan ka sheekeysan jirnay."
Maalin maalmaha ka mid ah, iyaga oo ku sugan Bunny Hill, Alan waxa uu xiriir ka codsaday Irene.
"Waxaan xasuustaa in aan siiyey ubax oo aan ku iri, 'Markaan waynaano waxaan rabaa in aan ku guursado, ma ogolaanaysaa inaad i guursato? Wey I eegtay oo waxa ay igu tiri haa, laakiin waa in aan xogaa sugnaa”.
"Waan ogaa inaan dhibaato weyn wajihi doonno"
Xarunta agoomaha ayaa carruurta u qaadi jirtay safar ay ku tagayaan Whitby, oo ah magaalo xeebeed ku taal Waqooyiga Yorkshire ee England.
Intii ay safarka kujireen, Alan iyo Irene waxay go'aansadeen inay ka fogaadaan wax waliba oo iyaga lagu ogaan karo.
Laakiin mid ka mid ah maamulayaasha hoyga ayaa si lama filaan ah ku ogaaday in ay wax ka dhexeeyaan xilli lawada ciyaarayay.

Xigashada Sawirka, COURTESY OF IRENE AND ALAN
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sirtiisa ayaa soo shaac baxday, madaxdiina aad ayey uga caroodeen.
"Waan ogaa in aan ku jirno dhibaato weyn,"Alan ayaa yiri, "laakin ma aanan ogeyn waxa natiijadu noqon doonto."
Waxay noqotay si ka daran sidii ay u maleynayeen.
Tobaneeyo sano kadib, Alan iyo Irene waxay ku noqdeen meeshii lagu qabtay.
Subaxdii xigtay, markii Irene ay aadday iskuulka, "Alan waa la waday."
Markuu weyddiiyey Meesha loo wadana waxay u sheegeen in meel la geynayo.
"Waxay i saareen baabuur waxayna igu kexeeyeen si xawli ah iyaga oo ii waday dhanka kale ee magaalada ilaa hoy kale oo caruureed," Alan ayaa yiri.
"Waxay ahayd waayo aragnimo aad u murugo badan, si lama filaan ah ayaan isugu arkay meel cusub mar kale, oo leh dad cusub oo aan cidna ka garaneyn."
Waxa uu bilaabay in uu ka cararo gurigii cusbaa oo uu isku dayay in uu raadiyo meel uu ugu noqdo saaxiibtiis.
Wax fikrad ah uma lahayn sidii uu halkaas ku tagi lahaa, laakiin si uun, ugu dambayntii, wuu sameeyay.
Habeenkii oo dhan xilli qaboobe ah ayuu banaanka guriga fadhiyay, si uu subixii u baxsado, Laakin subixii markuu u baxay inuu Irene u tago, boolis ayaa qabtay oo markiiba soo waday.
Waxa uu dareemay "baahi buuxda oo ah in uu arko Irene”.

Xigashada Sawirka, COURTESY OF IRENE AND ALAN
"Waxay ahayd waqtigii ugu fiicnaa uguna xumaa"
Sannado kadib, Alan saaxiibkiis ayaa wakhtigaas xusay qof jooga gym-kiisa ama Meesha jimicsiga iyo jirdhiska laguna magacaabo Irene, isagoo raaciyay in ay ku jiri jirtay xarumaha agoonta.
"Waan gariirayay,"waxa aan galay xasuus dheer, "oo waxaan is iri, tani suurtogal ma tahay?"
Waxa uu raacay saaxiibkiis, iyagoo taagan bannaanka ayuu durbadiiba arkay Irene.
"Waxay ahayd wakhtiyadii ugu fiicnaa iyo wakhtiyadii ugu xumaa," ayuu yiri Alan.
Way sheegi waayeen sida ay dhab ahaan dareemeen mark ay kulmeen.
"Waxaan doonayay inaan isaga la baxsado oo aan ka tago shaqadayda, wax walbana ka tago oo aan baxsado, laakiin ma awoodin," ayay tiri Irene.
"Waxay ahayd inaan wada joogno boqolkiiba boqol, mana aanan dooneynin wax naga hor istaaga."
Hase yeeshee waxa ay kala tageen mar labaad.
Alan waxa uu aaday Scotland si uu uga shaqeeyo, Irene waxa ay moodaysay in aysan dib u arki doonin.
Laakiin dhawr sano kadib ayey hadana kulmeen markale.
"Waxaan watay gaarigeyga oo magaalada ayaan dhex socday, waxaana arkay Alan," ayay tiri Irene.
"Waxaan dareemay dareen farxadeed, sababtoo ah waxaan ogaa inuu soo laabtay, waxaana doonayay inaan raadiyo isaga."
Muddo saddex bilood ah ayay is raadinayeen.
Alan waxa uu tagi jiray dukaamada maalin kasta,waxana uu wareegayay saacad ama laba saacadood, isaga oo isku dayayay in uu helo Irene.

Xigashada Sawirka, COURTESY OF IRENE AND ALAN
"Sannad walba way is weyn jireen sababo jiray awgood"
10-kii May, 2004-tii 1-dii saqda dhexe, ku dhawaad 45 sano tan iyo markii ay kala tageen, Irene waxay waddo si kadis ah ugu argatay Alan.
"Waan qayliyey aniga oo magaciisa ku dhawaaqaya, isla markii uu I arkay ayuu ii soo orday oo uu kor ii qaaday, isaga oo ku qaylinaya 'haweeneydan waan jeclaa noloshayda oo dhan!" "Waxay la mid ahayd inaanan mar dambe ka tegi doonin isaga."
"Waqtigaas waxay ahayd uun shucuur dareen," Alan ayaa yiri.
Isaga oo qiiro la qaylinaya ayuu yiri: “xor ayaan ahay!
“Waxay la mid ahayd in dunida oo dhan ay is beddeshay wakhtigaas.
Waxay wada cuneen casho "waxaan ku soo daahnay ka sheekeynta nolosheenna iyo wixii dhacay tan iyo markii aan kala tagnay," ayay tiri Irene.

Xigashada Sawirka, COURTESY OF IRENE AND ALAN
"Wixii markaas ka dambeeyay weligeen xiriirkeennu ma istaagin," ayuu raaciyay Alan.
Saaxiibtinimada carruurnimada ayaa markiiba isu beddeshay xiriir jacayl.
"Waxaan ku kala tagnay siyaabo saaxiibo ah iyo qoys ahaan, laakiin markii aan kulanay, waxay ahayd jacayl," Alan ayaa yiri.
"Markii aan arkayee hoe, markiiba waan jeclaaday."
2007-dii waxay ugu dambeyntii is guursadeen, ku dhawaad 50 sano kadib soo jeedintii asalka ahayd ee Alan.
Bishii malabka waxay aadeen Whitby, oo ah meel ay si dareen leh ugu lugeynayeen kadibna lagu qasbay inay kala tagaan.
Noloshu hadda waa ay "wanaagsan tahay", ayay tiri Irene.













