Weriyaha BBC-da oo tagtay jiidda hore ee dagaalka Ukraine iyo waxyaabaha ay la kulantay

Dad la aasayo

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu ku dhawaaqay inuu la wareegay dhul ballaaran oo Ukraine ah. Wuxuu sidoo kale soo saaray hanjabaado nukliyeer iyo inuu abaabulayo boqollaal kun oo ciidanka kaydka ah, balse weli waxaan isbeddelin jawaabta ay bixinayaan ciidamada Ukraine ee ku sugan jiidda hore ee bariga dalkaas – waxa ay u dagaallami doonaan taako kasta oo dhulkooda ah.

Halkan hoose ka akhriso sheekada weriyaha BBC-da oo booqatay aagagga dagaalka.

Waxaan u safarnay jiidaha hore ee dagaalka ee magaalada Bakhmut ee gobolka Donetsk – gobolkaas oo ka mid ah kuwa uu madaxweyne Putin sida sharci-darrada ah ugu sheeganayo inuu leeyahay. Safarkeennu waxa uu qaatay dhowr marxaladood.

Si tartiib ah ayaan uga gudubnay webiga Bakhmutovka, kaddibna waxaan si degdeg ah u dhexmarnay waddo halis ah oo ay daadsan yihiin xargaha korontada. Dhowrkii mitir ee ugu dambeeyayna waynu orodnay. Duqeyntu halkan waa joogto – oo qeyb ayay ka tahay dhawaqa hubka dagaalka la isu adeegsanayo.

Hase yeeshee, markii aan gaarnay jiidda hore ee ay joogaan ciidamada, waxaynu maqlaynaa dhawaqa ka baxaya qoryaha yaryar. Labada dhinac aad ayay isugu dhow yihiin oo waxa ay isku bar-tilmaameedsan karaan qoryahooda darandooriga u dhaca.

Ciidamada Ruushka ayaa 400 oo mitir inoo jira, waxaana ay isku dayayaan inay noo soo dhowaadaan. Waxaa na looga digay in ay jiraan ciidamo liishka ku dheereeya oo Ruushka u dhashay oo aan aaggaas ka fogayn.

 Oleksandr

“Xaalku aad ayuu u adag yahay halkan,” ayuu yiri Oleksandr, oo ah 31 jir. “Waa mid walaac leh. Qof kastana cadaadis ayaa saaran. Cadowgu wuu inoo dhow yahay, hase yeeshee, ma gabbanayno oo waan isdifaacaynaa.”

Waxa uu gaashaanka u daruuray aftida uu dhawaan madaxweyne Putin halkaas ka qaaday, waxaana uu ku tilmaamay mid “khiyaali ah” waxa uuna intaas raaciyay in dadka Ukraine aanan wax loogu yeerin karin caaradda qoriga Ruushka.

“Aragtidayda, aftidaas wax ay beddeleyso ma lahan. Waxaan la dagaallami doonnaa milateriga Putin, waxaana ku qasbi doonnaa inay isaga baxaan dhulkeenna,” ayuu yiri.

Olesksandr waxa uu garanayaa qiimaha dagaal uu ku kaco – dagaal isaga ku gaar ahna kuma uu jiro.

“Walaalkey ayaa dhintay,” ayuu igu yiri, waxaana uu intaas ku daray: “Balse ma garanayo goobta iyo waqtiga ay arrintaas dhacday, sababtoo ah waxaa laga qoray xafiis gobol kale ku yaal. Waxa uu la dhintay asxaab kale oo aynu wada tababarannay. Kuwaas oo aan ogaaday inay iyaguna dhinteen. Marka waxaan sidaas ku waayay qof qoyskeyga ka mid ahaa iyo asxaab.”

Hase yeeshee, weli hammigii dagaalka ayaa ku jira. Sida 25-jirkan lagu magacaabo Roman, kaas oo ku howlgalaya hub muhiim ah – waa diyaaradaha aanu duuliyaha la socon.

Roman
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Roman waxa uu ku jiraa qol la duqeeyay, oo ay ka buuxaan walxo burburay iyo muraayado jajaban, halka labo mukulaal ay iyaguna halkaas ku sugan yihiin. Shaashadda taleefankiisa waxaa saaran wiilkiisa oo jira shan bil oo lagu magacaabo Kyrylo, waxa uu dhashay markii uu dagaalka billaabanayay. Cunuggiisa hal mar oo kaliya ayuu arkay.

“Waxaan ku arkaa sawirro iyo muuqaal, ee si caadi ah uma arko,” ayuu leeyahay. “Aad bay u adag tahay, balse sidoo kale waxaa adag in la maleeyo waxa ay Ruushku ku samayn karaan qoyskeyga haddii ay u tagaan.

“Ma doonayo inay ku sameeyaan wixii ay ku sameeyeen Bucha. Kyiv ayaan ku noolaa, waxaana si cad u fahansanahay sida ay haweenku dareemayaan.

Haddii aynu dafiicno, waxay u imaan doonaan qoysaskayaga.”

Waxaa jira walaac laga qabo ciidamada lagu abuubulayo gudaha Ruushka.

Bilaha soo socda Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa askar badan waxa uu u soo diri doonaa goobaha dagaalka.

Ma cadda heerka tababarkooda ama tayada hubka ay soo qaadan doonaan, hase yeeshee, dadka Ukraine ayaa waxa ay ka walwalsan yihiin tirada, oo dan kama laha tayada.

Lyudmila

Gudaha magaalada waxaan ku aragnay dhisme wayn oo saddex bil ka hor dhexda ay la baxeen duqeymo dhanka cirka ah oo lagu beegsaday.

Inta badan dariishadaha ayaa burburay, waxaana uu u muuqdaa dhismaha mid laga haajiray, balse, qof ka mid ah kooxda ayaa waxa uu maqlay haweeney ku dhex oynaysa gudaha dhismaha.

Waan u qaylinnay, kaddibna haweeney lagu magacaabo Lyudmila ayaa waxa ay ka soo muuqatay dariishadda qolkeeda ku yaalla dabaqa labaad oo ay ku dadday bac. Markii koowaad si wanaagsan uma aynaan maqal, maaddaama ay dhaceen madaafiic badan.

“Xaalku wuu adag yahay,” ayay ku qaylisay. “Way na duqeynayaan. Shalay nin ayay [duqeymaha] ku dileen qeybta dambe. Malaha cid ku hartay dhismahan ma jirto.”

“Wax walba waa ay jilceen. Meel walba biyo ayaa daadsan. Dhammaan darbiyadu waa ay dildillaaceen. Xaalku aad ayuu u adag yahay. Laakiin, ugu yaraan waxaan helnaa gargaar bani’aadannimo. Saddexdii maalinba mar ayay rooti noo keenaan.”