Hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Venezuela oo shaqada ka ceyrisay janaraalkii masuulka ka ahaa ilaalada Maduro

Xigashada Sawirka, REDI
Taliyaha ilaalada madaxweynaha Venezuela Javier Marcano Tábata ayaa shaqada laga eryay maalmo kadib markii hogaamiyihii Venezuela Nicolás Maduro ay ciidamada Mareykanka ku qabteen weerar ka dhacay magaalada Caracas, waxaana loo qaaday New York si loogu maxkamadeeyo eedeymo la xiriira argagaxiso.
Ilaaladda gaarka ah ee madaxtooyada waa ciidanka militariga ee u xilsaaran ilaaladda gaar ah ee loo xilsaaray ilaalinta madaxda dalka.
In kasta oo dowladda Venezuela aysan weli bixin faahfaahin dhammeystiran oo ku saabsan tirada dhaawacyada iyo dhimashada, waxaa la rumeysan yahay in xubno ka mid ah ilaaladda madaxtooyada ay ka mid yihiin tobaneeyo qof oo lagu dilay hawlgalkii ciidamada Mareykanka ee lagu qabtay Nicolás Maduro.
Amarka lagu beddelay Taliyaha Javier Marcano Tábata waxaa soo saartay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee cusub, Delcy Rodríguez.
Shaqada laga eryay Jenaraal Javier Marcano Tábata waxay ka mid tahay isbeddelladii ugu horreeyay ee lagu sameeyay saraakiisha sare ee ku dhowayd hoggaamiyaha cusub ee Venezuela.
Marka laga reebo xilka uu ka hayay ilaaladda madaxtooyada, Janaraal Marcano Tábata wuxuu sidoo kale ahaa taliyaha cutubka sirdoonka militariga ee Venezuela ee loo yaqaan DGCIM.
DGCIM waxay Qaramada Midoobay ku eedeeysay inay door weyn ka ciyaartay cadaadiska dadka dhaleeceeya dowladda Maduro.

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Rodríguez waxaa Isniintii u dhaariyay xilka madaxweynaha ku meel gaarka ah Aqalka Wakiillada ee Venezuela, oo ay xubno muhiim ah ay ka yihiin taageerayaasha dowladda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxay horey u ahayd madaxweyne ku xigeenkii Maduro waxaana loo arkaa inay saaxiib dhow la tahay hoggaamiyaha la xiray.
Madaxweyne Trump ayaa shir jaraa'id ku sheegay kaddib qabashada Maduro in Maraykanku uu "maamuli doono" Venezuela isla markaana uu la hadlay Rodríguez.
Sidoo kale wuxuu ku hanjabay in Rodríguez ay wajihi doonto "nasiib ka xun kan Maduro" haddii aysan u hoggaansamin dalabaadka Maraykanka, oo ay ku jiraan dalabaadka la xiriira Shidaalka, taasoo Venezuela leedahay keyd shidaal ee ugu weyn adduunka.
Talaadadii, madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in Venezuela ay "wareejin doonto" ilaa 50 milyan oo foosto oo shidaal ah Maraykanka, balse dowladda ku meel gaarka ah ee Venezuela weli kama si rasmi ah ugama aysan hadlin arrintaas.
Tan iyo markii Delcy Rodríguez loo magacaabay madaxweyne ku meel gaar ah ee Venezuela, hadalkeeda ayaa isku beddelay mid geesinimo leh mararka qaar halka mararka qaar ay mujiso dabacsanaan.
Waxay ku eedeysay qabashada Maduro inay ahayd "qabasho sharci darro ah", laakiin sidoo kale waxay sheegtay in dowladdeedu ay "Martiqaaday dowladda Maraykanka si ay uga wada shaqeeyaan ajende iskaashi".
Falalka Rodríguez si dhow ayaa looga eegayaa gudaha iyo dibadda Venezuela, si loo ogaado waddada ay u jeedsan doonto hadda oo ay talada qabanayso iyo muuqaal kasta oo muujinaya kala qaybsanaan suurtagal ah oo ka jirta dowladda.
Falanqeeyayaasha Venezuela ayaa sheegay in ceyrinta Janaraal Marcano Tábata ay u badantahay inay la xiriirto guul‑darradii ay la kulmeen ciidanka ilaalinta madaxtooyada ee ahaa inaysan ka hortagin in Maduro la qabto.
Cuba, oo ah saaxiib dhow oo Venezuela ah islamarkaana muddo dheer bixisay adeegyo amni iyo sirdoon oo u adeegi jiray Maduro, ayaa sheegtay in 32 muwaadiniinteeda ah lagu dilay hawlgalkii Maraykanka ee lagu qabtay Maduro. Waxaa la rumeysan yahay in badankood ay ka tirsanaayeen ilaaladda madaxtooyada.
Ciidanka milatariga Venezuela ayaa sheegay in 23 xubnood oo ka tirsan ay ku dhinteen duqeymaha ay fuliyeen ciidamada Maraykanka, waxaana ku jiray shan Janaraal.
Qaar kamid taageerayaasha dowladda ayaa sheegay inay dareemeen "sharaf dhac iyo ceeb" sababtoo ah sida ay ciidamada Maraykanku u jabiyeen nidaamyada difaaca Venezuela iyo ilaalada gaarka ah ee Maduro si ay u qabtaan hoggaamiyahaas, kaas oo markii dambe lagu soo bandhigay kaameradaha isagoo xiran dharka xabsiga gacmihana ka katiinadeysan.
Beddelidda Jenaraal Marcano Tábata waxay u muuqan kartaa isku day ay madaxweynaha ku meel gaarka ah Delcy Rodríguez ugu hareereynayso dad ay aamin karto xilli hanjabaadda weerar kale oo Maraykan fuliyo ay sii kordheyso.
Bishii Janaayo, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka waxay kordhisay abaalmarinta macluumaadka keena kara qabashada Maduro ilaa $25 milyan, wxaana laga dhigay 50 milyan oo dolar.













