Arday cabay dhiigga haweeney 90 jir aheyd iyo sabab la yaab leh oo uu sidaa u sameeyay

Nin cabay dhiigga haweeney 90 ji aheyd

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Digniin: Maqaalkan waxaa ku jiro waxyaabo aad dhibsan karto

Waxay ahayd habeen Sabti ah, taariikhduna ku beegneyd Nofeembar 2001-dii markii haweeney 90 jir ah oo lagu magacaabo Mabel oo gurigeeda ku daawaneysay TV ay maqashay cod dheer oo ka imaanaya bannaanka iyo roob. Haweeneyda oo dhaga cusleyd waxaa jiray cod kale oo aysan maqal. Codkaas wuxuu ahaa dhawaqa daaqad la jabinayo iyo wiil dhallinyaro ah oo guriga soo galaya.

Habeenkaas wixii ka dhacay guriga ayaa si weyn u gilgilay tuuladii yarayd ee Ingiriiska oo ay ku nooleyd Mabel. Ku dhowaad 25 sano kaddib dhacdadaas, sarkaalka baaritaanka waday ayaa ku tilmaamay dambigii ugu naxdinta badnaa ee uu arko intii uu shaqaynayay.

Mabel waxay aheyd 90 jir weli firfircoonaa. Waxay ku nooleyd gurigaas tan iyo markii ninkeedu geeriyoday sannadihii 1960-meeyadii.

Tuulada ay ku nooleyd waxay aheyd meel dadka oo dhan is yaqaanaan oo xitaa aan guryaha la xiran. Balse dhacdadaas kaddib wax walba way isbeddaleen.

Matthew Hardman oo ahaa arday 17 jir ah ayaa guriga ugu galay Mabel. 22 jeer ayuu toorey ku dhuftay kaddibna wuxuu bilaabay fal la yaab leh.

Moble waxaa lagu dilay gurigeeda

Matthew wuxuu bilaabay in dhiigga Mabel oo uu ku shubtgo koob kaddibna uu cabo. Maalintii xigtay ayaa meydka Mabel waxaa helay qof iskaa wax u qabso deegaanka ka sameyn jiray kaas oo marar badan cunto u keenay.

John Clayton oo ahaa sarkaal hore uga tirsanaa booliska North Wales ayaa ka sheekeeyay wixii uu xususutay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waxaan u maleynayaa in ay jireen calaamado bushimo qofka oo laga helay koobka, taasoo ka dhigan in ay u badan tahay in uu cabbay dhiigga dhibbanaha.'"

Maxaa ku kalifay in qof sidaa sameeyo? Booliska ayaa ka shakiyay dhammaan dadka tuulada sida uu sheegay John Clayton. "Booliska waxaa lagu amray in ay muhiimad siiyaan qof kasta oo guriga Mabel imaan jiray."

Tuhun iyo warar badan ayaa ka dhashay xaaladda. Dambiilaha ayaa ahaa qof ku dhow qoys ahaan Mabel.

Matthew, oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo wargeysyada qeybiya, ayaa imaan jiray guriga Mabel maalin kasta, wuxuuna ogaa in ay kaligeed ku nooshahay.

Markii la xiray Matthew wuxuu isku dayay in uu iska dhigo qof aan la socon. Balse intii ay baarista socotay oo aheyd labo toddobaad waxaa soo baxay xaqiiqooyin yaab leh.

Matthew waxyaabihii uu ku celcelinayay waxay aheyd erayga "vampires", magacaas waa jilayaal khayaali ah oo caba dhiigga dadka, wuxuuna doonayay in uu noqdo sidooda oo kale oo uusan dhimman.

Labo bilood ka hor inta uusan falka dilka geysan, Matthew wuxuu ardayad Jarmal ah ka baryay in ay cunaha iska jart, wuxuu aaminsanaa in gabadhaas ay tahay maqluulq aan dhimman sida sheekada khuraafaadka ee "vampire".

Matthew Hardman waxaa loo xiray dilka Mabel

Matthew Hardman waxaa lagu helay dilka Mable, waxaana lagu xukumay xabsi daa'im. Maxkamadda waxaa loo sheegay DNA-ga laga helay goobta dambiga in uu la mid ahaa dhiigga ku yaallay mindida laga helay guriga Matthew. Sidoo kale raadadkii cagihiisa ayaa laga helay guriga Mabel.

Inkasta oo ay ka soo wareegtay ku dhowaad 25, hadana waa fal naxdin leh oo weli la xusuusto.

Ben Roberts oo ahaa deris la aha Mabel wuxuu jiray markii uu dilka dhacayay qiyaastii 10 sano. Wuxuu yiri, "Markii aan 10 jirka ahaa, waxaan ka baqi jiray in aan galo meelaha mugdi ah, sababtoo ah da'daas waxaan rumaysnaa in ay jiraan waxyaabo cabsi ah".

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhacdadaas kaddib uu mararka qaar cabsan jiray, isagoo yiri,

"Marka aan kubbadda bannaanka ku ciyaarayo hadii ay gasho geedaha, waxaan ka baqi jiray in dilaaga uu halkaas ka soo baxo".

Sannadkii 2003-dii, Matthew Hardman wuxuu codsaday in uu racfaan ka qaato xukunka maxkamadda, laakiin codsigaas waa la diiday. Codsigiisii ahaa in si shuruud ah lagu sii daayo ayaa sidoo kale la diiday sanadkii 2014-kii.