Muxuu yahay "roobka madow" ee ka da'aya Iran, inteese la egtahay khatartiisa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ma maqashay waligaa waxa loo yaqaan "roob madow"? Dhawaan, qaar ka mid ah dadka ku nool Iran ayaa sheegay roob la mid ah kaas, arrintaasna waxay dhalisay dood ballaaran oo ku saabsan roobkan madow. Marka, waa maxay roobkan, inteese la egtahay khatartiisa?
Kaddib weerarradii ay Maraykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iran ee bilowday 28-kii Febraayo, waxaa la xaqiijiyay in la weeraray ugu yaraan afar xarumood oo saliid ah oo ku yaal agagaarka caasimadda Tehran.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in hawo wasakheysan iyo ceeryaamo awgeed aan qaybo ka mid ah magaalada qorraxda la arkeynin, isla markaana la dareemayo ur xooggan oo ah sida in wax gubanayaan ah.
Khubaradu waxay ka digeen in walxaha wasakhda ah ay si weyn u kordheen. Xitaa Hay'adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa ka digtay in weerarrada lagu qaaday xarumaha saliidda ay halis weyn oo caafimaad ku keeni karaan dadka deegaanka.
Hawada magaalada Tehran iyo hareeraheeda waa mid aad wasakh u ah. Tehran waxaa ku nool ku dhowaad 10 milyan oo qof, halka malaayiin kale ay ku nool yihiin meelaha ku xeeran.
BBC-da waxay dib u eegtay sawirro dayax-gacmeed oo cusub oo la qaaday 9-kii Maarso, kuwaas oo muujinaya in laba xarumood oo waaweyn oo saliid ah oo ku yaal Tehran ay weli gubanayaan.
Sawirradu waxay sidoo kale muujinayaan qiiq ka baxaya bakhaarka Shahran ee waqooyi-galbeed ee caasimadda Iran iyo warshadda sifeynta saliidda ee Tehran oo ku taalla koonfur-bari magaalada.
Intee la egtahay khatarta roobkan?

Xigashada Sawirka, EPA
Weerarrada lagu qaaday warshadaha sifeeya shidaalka waxay keeni karaan wasakh hawada ah oo weyn, sababtoo ah waxay ka kooban yihiin kiimikooyin kala duwan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marka saliiddu si buuxda u guban weydo, taas oo macnaheedu yahay in oksijiin ku filan uusan jirin, waxay hawada ku sii deyn kartaa kiimiko iyo walxo madow.
Dabka ka dhasha saliidda wuxuu sidoo kale sii deyn karaa kiimikooyin kala duwan kuwaas oo sameyn kara asiidhka haddii ay ku milmaan biyaha roobka.
Sidoo kale waxaa hawada galaya isku dhisyo kiimikeed iyo dhibco saliid ah oo wasakhda sii kordhin kara.
Haweeney 20 jir ah oo ku nool Tehran ayaa sheegtay in ay "urka wax gubanaya" ka dareemayso hawada taas oo ka timid weerarrada lagu qaaday xarumaha saliidda.
Haweeneydan ayaa laanta afka Bershiya ee BBC u sheegtay khamiistii in weli ur uu jiro. "
"Qorraxda ma arki karo. Qiiq aad u xun ayaa meel walba ka arkeysaa. Weli wuu jiraa".
Marka si sax ah loo qiimeeyo wasakhowga hawada way adag tahay sababtoo ah ma jiraan xog laga helay qalabka cabbira hawada ee dhulka yaal.
Sidoo kale dabaylaha, daruuraha iyo arrimo kale awgood, way adkaanaysaa in si cad loo fahmo xogta dayax-gacmeedka.
Laakiin marka la eego isku darka kiimikooyinka ka soo baxaya goobaha saliidda ee waxyeelladu gaartay, saynisyahannadu shaki ugama jiro in wasakhowgu yahay mid waxyeello leh oo aad u daran.
Hawada Iran aad bay uga duwan tahay ceeriyaamada wasakhaysan ee lagu arko magaalooyinka sida Beijing ama Delhi.
Dr. Akshay Deoras, oo ah saynisyahan cilmi-baaris ka sameeya Jaamacadda Reading ee UK, ayaa sharaxday hawada Iran ee wasakheysan.
"Waxa ka dhacay Iran aad bay uga duwan yihiin, sababtoo ah waxaa sababay gantaallo iyo duqeymo cirka ah oo lagu qaaday warshadaha sifeeya shidaalka. Laakiin isku darka kiimikooyinka kala duwan ee kiiskan waa arrin aan caadi ahayn."
Ilaha ay ka yimaadaan biyaha ayaa wasakhoobi kara

Xigashada Sawirka, Getty Images
Axaddii, nin ku nool Tehran ayaa wariyay in roob madow uu ka jiro magaalada. "Roob madow" waa eray aan rasmi ahayn oo loo isticmaalo roobka ay ku jiraan walxo wasakh ah oo dhibcaha roobka ka dhiga kuwo madow.
Waa caadi in walxaha wasakhda ah ee hawada ku jira ay roobka soo raacaan. Laakiin saynisyahannadu waxay BBC qeybta xaqiijinta u sheegeen in roobka madow uu aad dhif u yahay, badanaana uu ka dhasho heerar aad u sarreeya oo kaarboon gubanaya ah iyo wasakh kale oo hawada ku jirta.
"Dhibcaha roobku waxay u shaqeeyaan sida isbuunyo yar yar ama birlab. Markay hoos u dhacayaan, waxay nuugaan walxaha hawada ku jira. Taasi waa sababta dadka qaar ugu yeeraan 'roob madow", ayey tiri Dr. Akshay Deoras.
Waxaa sidoo kale suurtagal ah in qaar ka mid ah walxaha waaweyn ee wasakhaysan ay hawada ka soo dhaceen xitaa iyada oo aan roob jirin.
Sida ay sheegtay qeybta saadaasha hawada BBC Weather, Tehran waxaa laga yaabaa in ay mar kale ka da'aan roobab culus iyo oo wata dabaylo xooggan maalmaha soo socda. Taas waxay ka caawin kartaa in roobku dhaqo wasakhda hawada ku jirta.
Balse tani macnaheedu ma aha in khatarta wasakhda hawada Tehran ay dhammaan doonto. Wasakhda ayaa ku dambeyn doonta wabiyada iyo ilaha biyahu ka yimaadaan.













