'Marka qof madax ah la dilo mid kale ayaa baddelaya' waa nidaamka ay Iran ku shaqeyso

Khubaradu waxay sheegayaan in qaab dhismeedka dowladda Iran u ka kooban yahay lakabyo

Xigashada Sawirka, Morteza Nikoubazl/NurPhoto via Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Muddo ka badan afartan sano kaddib markii uu curtay kacaankii 1979 ee dowladda Islaamiga Iran, waxa uu hadda dalka wajahayaa xaalad aad u adag.

Duqeymaha ay sida wajirka ah u fulinayaan Mareykanka iyo Israel ayaa lagu dilay hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei iyo taliyayaasha sare ee militeriga. Duqeymaha waxaa sidoo kale lagu burburiyay kaabayaasha dalka.

Mareykanka iyo Israel labaduba waxay muujiyeen in ay doonayaan in isbeddel lagu sameeyo maamulka Iran, waxayna ku booriyeen shacabka Iran in ay afgembiyaan dowladdooda. Balse khubarada aqoonta u leh nidaamka Iran waxay sheegayaan in dalka uu leeyahay qaab awoodeed adag oo aan si sahlan loo ridi karin.

Haddaba muxuu ka dhiggan yahay nidaamkan, sideese uga duwan yahay kuwa dalalka kale ee Bariga Dhexe?

'Qaab dhismeed aan dhammaaneyn'

Waa dowladda u dhisan lakabyo isbeddelaya hadii mid meesha ka baxo

Xigashada Sawirka, Morteza Nikoubazl/NurPhoto via Getty Images

Tan iyo markii la riday boqortooyadii Iran, Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay si tartiib ah u dhistay nidaam siyaasadeed oo loogu talagalay in uu ka badbaado qalalaase kasta, sida ay khubaradu sheegayaan.

Nidaamkan wuxuu ka kooban yahay hay'ado si adag loo xakameeyo, fakar la aaminay, iskaashi ka dhexeeya madaxda sare iyo mucaarad kala qeybsan.

"Waa qaab dhismeed aan dhammaaneyn, marka aad mid disho waxaa imaanaya mid kale" sida uu sheegayo Sébastien Boussois oo cilmibaare ka ah machad ku yaal Belguim.

Axaddii, Mojtaba Khamenei, oo ah wiilka Cali Khamenei, ayaa loo doortay in uu baddelo oo uu noqdo hoggaamiyaha sare ee Iran. Waxaa la filayaa in sida aabihii uu u mayal adkaado.

'Kalitaliyayaal badan'

madaxda badan oo kalitaliyayaal ah

Xigashada Sawirka, Majid Asgaripour/WANA (West Asia News Agency) via REUTERS

Khubaradu waxay sheegaan in si ka duwan dalalka gobolka ee hoggaamiyayaashooda la riday, Iran waxay awooday in ay iska caabiso faragelinta dibadeed.

Halkii ay ka noqon laheyd dal hal kaliteliye uu maamul, Iran waxay leedahay waxa loo yaqaan "kalitaliyayaal" isbahaysi ah oo aaminsan siyaasadda Islaamka iyo waddaniyadda xooggan ee Iran, sida uu sheegay Bernard Hourcade oo ah agaasimihii hore Machad Cilmi-baaris oo Faransiiska ah oo fadhigiisu yahay Tehran.

Awoodda waxaa loo qeybiyay dhowr dabaqad oo kala ah guddiga culumada, ciidamada iyo qeyb weyn oo dhaqaalaha ah taas oo ka dhigeysa nidaamka mid ay adag tahay in la rido.

Tani waxay sii yaraynaysaa suurtagalnimada in koox kaliya ay caqabad weyn ku noqoto dowladda.

Inkastoo Iran loo arko in uu ka jiro nidaam kali-talis ah, haddana shacabka waxaa la siiyay fursad ay ku codeeyaan doorashooyin sida doorashada madaxweynaha.

Kaalinta Ilaalada Kacaanka

Ubucda kacaanka

Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images

Haddii hay'aduhu yihiin laf-dhabarka nidaamka, ciidamada ammaanka ayaa loo arkaa murqaha.

Ilaalada Kacaanka Islaamka Iran oo la shaqeeya ciidanka caadiga ah, waxaa badanaa iyagana loo arkaa "laf-dhabarka nidaamka", ayuu yiri Hourcade.

Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Iran Reza Talaeinik ayaa dhawaan sheegay in taliye kasta oo ka tirsan ciidamada Ilaalada Kacaanka loo diyaariyay saddex qof oo hadii mid baxo uu mid kale beddelayo.

Kasra Aarabi oo ah cilmibaare ayaa sheegay in qaab-dhismeedka Iran uu ka dhashay casharro laga bartay burburkii ciidamada Ciraaq markii uu Mareykanka weeraray.

Midnimada madaxda iyo shabakadaha taageersan

Qaybo balaaran oo ka mid ah dhaqaalaha Iran waxaa gacanta ku haya hay'ado xiriir la leh dowladd sida Bonyads oo ah hay'ado samafal oo gacanta ku haya kumannaan shirkadood. Bonyads waxay shaqooyin iyo qandaraasyo siiyaan dadka taageersan nidaamka Iran.

Inkasta oo cunaqabateynta reer galbeedku ay si adag u saameeysay dhaqaalaha Iran, hadana shabakadahani waxay ilaaliyaan danaha madaxda, sida ay khubaradu sheegaan.

Falsafadda iyo dhaxalka kacaanka

Diintu sidoo kale door weyn ayay ku leedahay ilaalinta awoodda. Kacaanku wuxuu abuuray shabakad joogto ah oo ka kooban hay'ado diimeed, kuwa siyaasadeed iyo waxbarasho oo qaabeeya aragtida dowladda ee adduunka.

"Qaab-dhismeedkan hore ee awoodda badan ayaa nidaamka ka dhigaya mid xooggan," ayuu yiri Boussois.

Mucaarad kala qeybsan

Xigashada Sawirka, KHOSHIRAN/Middle East Images/AFP via Getty Images

Mucaarad kala qeybsan

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Taariikh ahaan mucaaradka Iran way kala qaybsanaayeen. Waxay iskugu jiraan kuwa isbeddel doon ah, qaar taageersan boqortooyada, qurbojoog, kuwa bidix ah iyo urur qowmiyadeed.

Kala qeybsanaantaa waa mid muddo dheer soo jirtay sida ay sheegtay Ellie Geranmayeh oo ah cilmibaare ka tirsan machadka xiriirka dibadda ee Midowga Yurub.

Doodda ku saabsan samaynta xisbiyo siyaasadeed ayaa dib loo dhigay sababtuna waxay aheyd dagaalkii Iran iyo Ciraaq ee 1980-kii kaas oo socday sideed sano.

Iran sidoo kale waxay leedahay mid ka mid ah nidaamyada la socda internetka ee ugu horumarsan gobolka,

Muddo sanado ah, dad badan oo reer Iran ah ayaa ka cabsanayay in ay raadiyaan isbeddel kaddib markay arkeen waxa ka dhacay Afghanistan iyo Ciraaq oo Mareykanku farageliyay.

Iraniyiin badan waxay dareemayaan in dowlada aysan awoodin in ay bixiso baahiyaha aasaasiga ah sida shaqo iyo biyo nadiif ah, isla markaana ay kordhisay xoogga ay ku cabburiso mucaaradka.

Dhallinyarada Iran oo waxbarasho sare leh oo ay soo gaartay saameynta baraha bulshada, waxay u arkaan nidaamka Iran mid musuqmaasuq ah, cadaadis badan oo aan ka tarjumin riyooyinkooda.

"Nidaam kasta ugu dambayn wuu dhammaadaa"

Nidaam kasta meel ayuu ku dhammaadaa

Xigashada Sawirka, EPA

Falanqeeyayaashu waxay sheegaan in nidaamyada kali-taliska ahi badanaa dhacaan marka saddex arrimood is-biirsadaan. Tan koowaad waa kacdoon shacab oo ballaaran, madaxda sare oo kala qeybsanta iyo ciidamada ammaanka oo ka baxa nidaamka.

Sanadihii la soo dhaafay Iran waxaa ka dhacay tan koowaad balse lama arag labada kale sida ay khubaradu sheegayaan.

Hourcade wuxuu aaminsan yahay in ay lama huraan yahay in Jamhuuriyadda Islaamiga meesha ka baxdo balse aysan taasi hadda dhaweyn.

"Nidaam kasta ugu dambayn wuu dhammaadaa. Su'aasha dhabta ah waa waqtiga", ayuu yiri Hourcade oo intaas ku daray "Nidaam kasta ugu dambayn wuu dhammaadaa balse su'aasha ayaa ah goormee?"

Wuxuu kaloo Horcade sheegay in dhimashada Khamenei ay ahayd dharbaaxo weyn.

"Ma jiri doono qof kale oo la mid ah. Qofka beddeli doona weligiis ma yeelan doono awooddii uu Khamenei lahaa."