Khaladaadka la sameeyo tobanka dambe ee Ramadaan ee aad ka fiirsan karto

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tobanka maalmood ee ugu dambeeya bisha soonka ee Ramadaan waa waqti aad muhiim ugu ah Muslimiinta.
Culimada qaarkood waxay qabaan in ay xitaa ka fadli badan yihiin bilowga bisha, gaar ahaan dadka doonaya inay u dhowaadaan Ilaahay.
Waa tobanka dambe ee Ramadaan, waxaana sii kordha cibaadada, gaar ahaan salaadaha habeenkii.
Culimada ayaa sidoo kale soo weriyay in marka tobanka dambe ee Ramadaan la gaadho, Rasuulka Ilaahay (NNKH) uu adkayn jiray dadaalkiisa cibaadada oo uu si gaar ah ugu dadaali jiray.
Soo jeedka habeenkii waa dariiq qofku ugu dhowaado Ilaahay, waxaana la rejayn karaa in wax kasta oo uu qofku baryo la aqbalo sababta oo ah barakada bisha Ramadaan.
Waqtigaan sidoo kale Muslimiin badan ayaa sii xoojiya cibaadadooda, iyagoo tukada salaadda Tahajudka, sameeyana Ictikaaf. Qaar kale waxay aadaan Cumro, halka qaar kalena ay guryahooda joogaan oo kordhiyaan salaadda iyo ducada tobanka dambe.
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo dadaal badan la sameeyo iyadoo ajar badan la rejaynayo, haddana waxaa la arkay qaladaad ay Muslimiintu sameeyaan tobanka maalmood ee ugu dambeeya.
Sidaa darteed, BBC-du waxay la hadashay culimo si loo ogaado qaladaadkaas.
Ka tagista waajibaadka si loo qabto wax sunno ah
Sheekh Nuru Khalid oo ka mid ah culimada caanka ah ee magaalada Abuja ee dalka Nigeria ayaa sheegay in mararka qaar la arko qof habeenkii u kacaya salaad, laakiin haddana seexda oo aan u kicin Salaadda Subax.
Sheekhu wuxuu sheegay in arrintani aysan habboonayn, sababtoo ah ka tagista salaadaha faralka ah waa wax uusan Ilaahay (SWT) raali ka ahayn, gaar ahaan bisha barakeysan ee Ramadaan.
Sheekh Nuru wuxuu uga digay dadka dhaqankaas leh inay joojiyaan.
Waxa kale oo uu sheegay inay hubiyaan inay salaadaha faralka ah waqtigooda tukadaan si ay u helaan barakada Ilaahay.
Ciyaar iyo shaqo
Sheekh Nuru Khalid wuxuu sheegay in ay jiraan dad gaar ahaan shaqaale ah oo habeenkii oo dhan soo jeeda, ka dibna shaqada ka soo daaha.
Macallinka Abuja ayaa yidhi "Tani sax ma aha."
Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha marka ay shaqada tagaan ay seexdaan, taasoo keenta in loo qoro waraaq digniin ah sababo la xidhiidha shaqo xumo iyo feejignaan la'aan.
Sida uu sheegay, tani waa dhaqan aan wanaagsanayn, Muslim run ahna looma baahna inuu sameeyo wax u eg khiyaano ama dayac waajibkiisa.
Culimadu waxay sheegeen in dadku ka fogaadaan qaladaadkaas oo ay hubiyaan inay wax walba si habboon u qabtaan si aysan u dhaawicin cibaadadooda iyo hawlahooda.
Khaladaadka lagu sameeyo Cumrada
Inkasta oo culimada sida Sheekh Nuru Khalid ay sheegeen in Cumradu tahay arrin wanaagsan, gaar ahaan bisha Ramadaan, haddana qaar ka mid ah dadka sameeya waxyaabo aan habboonayn ka hor iyo ka dib safarka.
Sheekhu wuxuu yiri:
"Qofku wuxuu isku saaraa culays, mararka qaarna wuxuu isku daraa run iyo been si uu u helo lacag uu Cumro ku aado. Taasi sax ma aha."
Wuxuu sidoo kale sheegay in ay jiraan dad Cumro u taga laakiin waqtigooda badan ku bixiya wax iibsasho, nasasho iyo hurdo.
Waxaa kale oo la arkaa inay sawirro badan iska qaadaan iyagoo jooga dhulka barakeysan, sawirradaas oo aan lahayn ujeeddo diini ah, taasoo uu sheegay inay tahay wax aan habboonayn.
Sheekhu wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan dad lacag u ururiya Cumro, halka ay hareerahooda joogaan dad sabool ah oo gaajo la ildaran oo aan wax ay cunaan haysan.
Sheekh Nuru Khalid wuxuu sheegay in deriska lagu caawiyo cunto xilliga soonka ay tahay fal samafal oo aad u wanaagsan.
Yaraynta dadaalka cibaadada
Qalad kale oo ay qaar ka mid ah Muslimiintu sameeyaan tobanka dambe ee Ramadaan waa inay yareeyaan dadaalkooda cibaadada.
Inkasta oo Muslimiin badan ay kordhiyaan cibaadadooda waqtigan, haddana qaar ayaa caajisa marka bisha ay dhamaad u dhowdahay.
Dr. Hussaini Zakariyya oo isna ah caalim caan ah ayaa sheegay in Rasuulka Ilaahay (NNKH) waqtigan uu kordhin jiray dadaalka cibaadada, laakiin maanta waxaa la arkaa dad tamartooda ku lumiya oo ka gaabiya cibaadada.
Wuxuu sheegay in dadka laga doonayo inay taa ka fogaadaan oo ay ku adkaystaan cibaadada si ay u helaan raalli ahaanshaha Ilaahay (SWT).
Cunid badan waqtiga habeenkii
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dr. Hussaini Zakariyya wuxuu sidoo kale sheegay in dadka qaarkood ay qalad ka galaan cunista ama cabbitaanka badan marka la afurayo ama sahuurta, taas oo keenta inay caajis noqdaan oo aan awoodin inay habeenkii u kacaan salaad.
Caalimku wuxuu sheegay in qofka sooman looga baahan yahay inuu si dhexdhexaad ah wax u cuno si aysan cibaadadiisa u carqaladayn.
Wuxuu sheegay in dadka ay diiradda saaraan cibaadada tobanka dambe ee Ramadaan, sababtoo ah qof walba ma heli doono fursad uu mar kale ku arko bisha Ramadaan, marka laga reebo cidda Ilaahay u qoro inay gaarto.
Waqti badan oo lagu lumiyo diyaarinta cuntada
Dr. Zakariyya wuxuu sheegay in haweenka qaar ay waqti badan ku lumiyaan diyaarinta cuntada ragooda, taasoo ka hor istaagta qaar badan oo ka mid ah inay gutaan cibaadadooda, gaar ahaan tobanka dambe ee soonka.
Wuxuu yiri:
"Waxaa jira haween aad ku arki doonto jikada ilaa waqtiga salaadda Maghrib laga gaaro, iyagoo rabay inay ragooda ku qanciyaan cunto badan. Taasi ma habboona."
Wuxuu sheegay inay fiican tahay inay cuntada hore u diyaariyaan si ay waqtiga ugu dhammeeyaan oo ay u helaan fursad ay ku cibaadeystaan.
Caalimku wuxuu sheegay in haweenku ay hubiyaan inaysan dayacin cibaadada, isla markaana iyagoo rabaya inay u adeegaan ragooda aysan hilmaamin cibaadada Ilaahay (SWT).
Gunaanad
Culimadu waxay dadka ku boorriyeen inay ku dadaalaan cibaadada, gaar ahaan tobanka maalmood ee ugu dambeeya bisha Ramadaan, iyagoo aan muujin daal ama caajis.
Waxay sheegeen in qofkii ku dadaala cibaadada tobanka habeen ee ugu dambeeya ee Ramadaan, Ilaahay (SWT) uu u dhaafi doono dambiyadiisa isla markaana uu u fulin doono baahidiisa.













