Priyanka Chopra oo shaaca ka qaadday xaalad ay la kulantay markii ay ku biirtay Bollywood-ka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Atariishada lagu magacaabo Priyanka Chopra Jonas ayaa barnaamijka Taxanaha 100 Dumar ah ee BBC-da u sheegtay in ay markii ugu horreysay heshay mushaar la mid ah kan uu qaadanayo atoore ay hal filim isla jilayaan, kaas ooh adda lagu siinayo musalsalka soo socda Citadel, oo ku saabsan Jaajuuska Mareykanka.
Xiddigtan oo muddo 22 sano ah kusoo dhex jirtay xirfadda jilitaanka ayaan waligeed heli mushaar la siman kan loo qoro atooraha, sida ay sheegtay.
Waa atariisho guulo aad u waaweyn ka gaartay Hindiya, waxa ayna jishay in ka badan 60 filim oo Bollywood ah. Qiyaastii toban sano ka hor waxay usii gudubtay Hollywood-ka, haddana waxa ay ka mid tahay jilayaasha Hindiya ee faro-ku-tiriska ah ee magaca ku yeeshay shirkadda madadaalada eel aga leeyahay Mareykanka.
“Waligey mushaar caddaalad ah kuma qaadan Bollywood-ka. Waxaan heli jiray lacag u dhiganta 10% ka mid ah mushaarka uu qaadanayo jilaaga ninka ah [atooraha],” ayey tiri Ms Chopra Jonas.
“Wuxuu ahaa [farxiga u dhaxeeya mushaarka] mid weyn, six ad dhaaf ah u weyn. Ilaa haddana dumar badan ayaa arrintaas la kulma. Waan hubaa aniga xitaa way igu dhaceysaa haddii aan qeyb ka noqdo filim aan atoore ku wada jirno oo Bollywood ah,” ayey sii raacisay.
“Jiilkeyga dumarka atariishooyinka ah way codsadeen [in la isla ekeysiiyo lacagta]. Waan codsannay, balse ma aannaan helin.”
Arrin kale oo ku saabsan Priyanka Chopra jirkeeda
Iyadoo hadal jeedineysay ka dib markii lagu soo daray liiska BBC 100 Women ee 2022-ka, ayey Ms Chopra Jonas dib usoo gocatay sida ay iyadoo atariisho da’ yar ah oo jileysa filimada Hindiya u aqbashay sinnaan la’aanta, taasoo ay u arkeysay “mid caadi ah”.
“Waxaan u maleynayay in ay gebi ahaanba wax SAX ah tahay in aad saacado badan fadhiso, halka jilaaga ninka ah uu waqtigiisa iska qaadanayo, uuna go’aan ka gaarayo xilliga uu rabo in uu imaado goobta lagu jilayo filimka marka la duubayo,” ayey tiri.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii ay billowday in ay ka shaqeyso filimada Bollywood-ka, waxay xasuusataa in lagu ceebeyn jiray waxyaabo ku saabsan jirkeeda, gaar ahaan midabkeeda maariinka ah.
“Waxaa la igu magacaabi jiray ‘bisadda madow’, ‘maariineey’. Waxaa layaab leh, maxaa loola jeedaa ‘maariineey’ annagoo waddankeenna oo dhan dadkiisa ay yihiin maariin?
“Waxaan u maleyn jiray in aanan lahayn qurux dhammeystiran, waxaan aaminsanaa in aan ku khasabanahay inaan si adag u dadaalo, inkastoo aan xitaa u maleynayay inaan xoogaa yar ka xirfad fiicanahay atariishooyinka kale ee iga cad. Balse waxay ila ahayd in arrintaas ay sax ahayd sababtoo ah waxaa laga dhigay wax caadi ah,” ayey tiri.
Markii la weydiiyay waxa uu Hollwydoo-ka uga duwan yahay Bollywood-ka, marka la eego dhinaca sinnaanka mushaarka, Chopra Jonas waxa ay tiri: “Markii ugu horreysay wey igu dhacday [sidii hore], way ka dhacday Hollywood. Marka ma garan karo waagii dambe, sababtoo ah kan ayaa ah filimkeygii ugu horreeyay ee aan si wadajir ah isula hoggaamineyno atoore,” ayey tiri iyadoo ula jeedda musalsalka Jaajuuska Mareykanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inkastoo atariishadan aad loo yaqaannay, malaayiin qofna ay ka jeclaayeen Koonfurta Aasiya, haddana waxay toban sano la daalaa dhaceysay in ay magaceeda ku dhisto meel ka baxsan waddankeeda.
Sanadkii 2015, Ms Chopra Jonas waxa ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda Koonfurta Aasiya oo ka qeyb qaata hoggaaminta musalsal Mareykan ah, kaasoo ahaa filimka taxanaha ahaa ee Quantico.
Filimaanta Hollywood ee ay ka qayb qaadatay waxaa kamid ah filimka, (isn't It Romantic) iyo (The Matrix Resurections).Waxay samaysatay shirkad filimida soo saarta, iyada oo hadda filimaan hindiya ku samaysa.Chopra waxay sidoo kale ergay ka tahay Unicef Goodwill, iyadoo u ol'olaynaysa xuquuqda caruurta iyo wax barashada gabdhaha.










