"Facebook ayaan ka arkay meydka aabbahey"

Xigashada Sawirka, FISEHA ADUGNAW MINTESNOT
Markii arday Itoobiyan ah oo lagu magacaabo Moti Dereje uu furay bartiisa Facebook, dabayaaqada bishii Nufeember sanadka 2018, wuxuu filayay inuu arko caadiyan waxyaabaha barahooda ay soo galiyan qoyskiisa iyo saaxiibbadii.
Balse Moto oo markaasi 19 jir ahaa oo wax ka baranayay caasimadda Addis Ababa ayaa arkay wax aan ahayn wixii uu filayay oo ah qoraal naxdin leh.
"Boggeyga Facebook aniga oo ka eegaya waxyaabaha dunida ka dhacayay ayaan waxaan arkay meydka aabbahey oo la soo dhigay barta,” ayuu BBC-da u sheegay.
Ma aha oo kaliya in Mr Moti uu ka naxay markii uu arkay muuqaalkan naxdinta leh, balse tani waa sida uu ku ogaaday in aabihiis la dilay.
"Waxaan jirka ka dareemay qabow xilligaas. “Xaqiiqdii waxay igu noqtay naxdin," ayuu yiri.
Iyadoo Itoobiya sanadihii la soo dhaafay ay ka jireen qalalaase siyaasadeed gobollo kala duwan ayaa waxaa baraha bulshada hareyay sawirro, muuqaallo, warar been abuur ah iyo qoraallo sii hurnaya xiisadaha.
Mr Moti, halkii uu ka arki lahaa sawirka la soo dhigay baraha internedka, waxa uu bilaabay in uu arko qoraallo badan oo ka hadlayay isla sawirka.
Aabihii oo hore u ahaa xildhibaan markii dambana noqday maamule jaamacadeed, ayaa lagu bartilmaameedsaday dil siyaasadeed oo ka dhacay galbeedka gobolka Oromiya.
Gobolka ayaa xiligaa waxaa ka dhacayay rabshado iyo dilal qorsheysan oo soo noqnoqday.
"Waxay la mid tahay inay u dabaaldegayeen dilkiisa, dhab ahaantii waxay ahayd xanuun," Mr Moti ayaa yiri sidaa mar uu sharraxayay dilka aabihii.
Laakiin in ka badan afar sano, iyo ka dib markii Mr Moti uu sheegay in uu ka warbixiyay qoraallada ku saabsanaa meydka aabbihii, waxay muddo ku sii jireen baraha bulshada. Kaliya digniin qoraal ah ayaa lagu dabaqay sawirada qaar.
"Mararka qaar waan niyad-jabaa, mana joojin karo in gacantaydu ay raadiso magaciisa oo aan eego qoraallada. Waxaan dareemaa argagax ," ayuu yiri Mr Moti.
Dhammaan qoraallada muujinayay sawirka Mr Moti aabbihii oo dhintay ayaa hadda laga saaray Facebook.

Xigashada Sawirka, Fiseha Adugnaw Mintesnot
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaana la sheegay in ay shirkaddu meesha ka saartay sawirradaan kadib markii ay qoysku ka codsadeen in sawirradaan iyo qoraallada laga tirtiro si aaney ugu noqon xusuus mar walba naxdin ku reebta ehelka.
Hadda waa 23 jir, Mr Moti waxa uu isku dayayaa in uu noloshiisa sii wato, isaga oo doonaya inuu noqdo xirfadle dhanka muuqaal duubista iyo sawirqaadista ah, oo xitaa waxaa uu rabaa inuu sameeyo filim dokumentari ah oo ku saabsan khibradiisa la xiriirta waxyaabihii uu soo maray.
"Waxay ila tahay in la joogo waqtigii aan sheegi lahaa sheekadeyda aniga oo isku dayaya in aan dib u dagaalamo, laga yaabee, haddii aan guuleysto, in aan keeno isbeddel," ayuu yiri.
Laakin waxa uu sheegay in ku baahinta baraha bulshada sawirrada iyo muuqaallada naxdinta leh ay dhibi doonto isaga ilaa inta laga xakameynayo.
"Mar kasta oo aan arko qof dhintay oo la soo dhigay internetka ama Facebook sababo la xiriira dagaalka Itoobiya, runtii waxaan dareemayaa murugo, qof ayaa dareemi doona wixii aan soo maray.













