Colaadda Tigray: Beesha caalamka oo loogu baaqay inay cadaadis saarto fallaagada TPLF

Fallaagada Tigray ayaa dib ula wareegtay caasimadda Mekelle

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Fallaagada Tigray ayaa dib ula wareegtay caasimadda Mekelle

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa beesha caalamka ugu baaqday in TPLF ay ku cadaadiyaan inay aqbalaan heshiiska xabad joojinta ah ee dowladda federaalka ku dhawaaqday kadib markii ciidamadeeda ay isaga baxeen gobolka Tigray.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay 'waa in beesha caalamka ay si wadajir ah uga shaqeysaa sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiska isla markaana garabka kale lagu cadaadin lahaa in uu aqbalo'

Itoobiya waxay sidoo kale sheegtay in haddii beesha caalamka ay kooxda TPLF ku cadaadin weyso inay u hoggaansamaan heshiiska inay ku adkaaneyso in adeegyada dowladda lagu fulliyo gobolka Tigray.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Dina Mufti ayaa sheegay in dowladda ay xaqiijineyso sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa gobolka Tigray.

Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin - siddeed bilood kaddib markii uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro.

Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen dilal badan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Dagaalkii u dhexeeyay Jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF iyo ciidamada dowladda ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan kumanaan kun oo qof.

In ka badan laba milyan ayaa sidoo kale ka barakacay, ku dhowaad 350,000 oo kalana waxaa ku dhacay macaluul.

Dagaalka ayaa billowday bishii Nofeembar, markii fallaagada TPLF ay diideen dib-u-habeyn siyaasadeed oo ay qabsadeen saldhigyo ciidan. Ciidamada dowladda Itoobiya ayaana la wareegay magaalada Mekelle dabayaaqadii isla bishaas.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa dhawaan sheegay in ka bixitaanka ciidamada dalkiisa ee gobolka Tigray aysan ka dhigneyn in dowladda ay ku guuldareysatay dagaalka.

Wuxuu sheegay in dagaalka muddada 8 bilood ah socday lagu wiiqay ciidamada Tigray ee ay hormuud u yihiin xooggaga TPLF.

Getachew Reda, afhayeenka Jabhadda Xorraynta Dadka Tigray (TPLF), ayaa dhawaan u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in magaalada ay haatan gacantooda ku jirto.