Maxaan ka ognahay weerarka ay Shabaab ku qaadeen deegaanka Wisil?

Xigashada Sawirka, AFP
Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Wisil oo hoos taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray ayaa bilowgii weerarka lagu qarxiyay xero ay leeyihiin ciidammada dawladda iyo kuwa Galmudug, waxaana xigay dagaal culus oo dhexmaray kooxda weerarka qaaday iyo ciidamadii xerada fadhiyay.
Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa la soo weriyay.
Wasiirka warfaafinta ee Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa BBC u sheegay in khasaare ay gaarsiiyeen kooxihii saaka weerarka kusoo qaaday Wisil.
"Duleedka magaalada ayay aroornimadii saaka ku qarxiyeen meel shidaal lagu keydinayay ka bacdina magaalada duleedkeedana waxaa ku dagaallaamay kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada Daraawiishta Galmudug..run ahaantii aad iyo aad baa wax loo gaarsiiyay aniga waxaan dhihi karaa firxadkooda ciidamada hadda wey sii baacsanayaan"
Wuxuu intaas ku daray in wax khasaare ah uusan soo gaarin ciidamada balse uu dhaawac soo gaaray dad waardiye ka ahaa goobta qaraxa lala beegsaday.
"Xerada waxbo ma gaarin, goob ay yaalleen foostooyinka shidaalka ayay qarax la beegsadeen marka dhowr qof oo waardiye ahaa ayay wax ku gaareen "
Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka lagu dilay 34 askari oo ka tirsan ciidamada dawladda iyo kuwa Galmudug, balse maamulka Galmudug waa uu beeniyay warkaasi.
Waxay intaas ku dareen in weerarka ay la beegsadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda.
"Ciidamada Galmudug inta aan ognahay 2 askari baa la dilay saddexna waa dhaawac..waxa ay sheegayaan waxbo kama jiraan" ayuu yiri wasiir Falagle.
Weerarkan lagu qaaday Wisil waxaa ku dhintay ilaa shan qof iyo halka tiro dad ahna ay ku dhaawacmeen inkasta oo aanan xog rasmi ah laga heynin khasaaraha ka dhashay weerarka.
"Qoryaha garbaha lagu sito ayay dhowr guri ku dhufteen iyo meelo haween iyo carruur ay joogaan marka dhowr qof oo dhaawac ah wey jiraan, geeriduna ilaa hadda tirada aan heyno waa shan ruux"
Horraantii sanadkan ayay aheyd markii deegaanka Bacaadweyne ee gobalka Mudug uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Al shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya dadka deegaanka . Bishii Ramadaan waxay Al Shabaab qabsadeen deegaankan halkaas oo ay uga dhawaaqeen inay ka sameeyeen maamul.











