Maxaa ka jira in Tigreegu ay ciidamada Itoobiya ka soo soo rideen diyaarad militari?

Itoobiya

Militariga Itoobiya ayaa beeniyay wararka sheegaya in diyaaraddoodii Arbacadii ku burburtay gobolka Tigray ay mucaaradku soo rideen.

Afhayeen u hadlay ciidamada Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in diyaaradda militari ay la soo deristay cillad farsamo. Lama sheegin inta qof ee saarneyd.

Kooxda TPLF ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay soo rideen diyaarad sidday hub iyo saraakiil xirnaa dharka ciidamada Eritrea.

Eritrea ayaa ka barbar dagaallameysay dowladda Itoobiya ee dagaalka ka wadda Tigray.

Ilaa toddobaadkii la soo dhaafay dagaalka gobolka ayaa sii xoogeystay, iyadoo ciidamada cirka ee Itoobiya lagu eedeeyay inay duqeymo ka geysteen suuq, iyagoo dilay isla markaana dhaawacay tiro dad rayid ah. Militariga Itoobiya ayaa beeniyay inay beegsadeen rayidka.

Sawirro laga soo qaaday goobta ay diyaaraddu ku dhacday, oo ay soo wadaageen ciidamada Tigray, ayaa muujinaya waxa la rumeysan yahay inay tahay diyaarad xamuul oo nooceedu yahay C-130 Hercules taasoo gebi ahaanba digada laga dhigay.

BBC-da ayaa baartay qaar ka mid ah sawirrada iyo muuqaallada laga soo qaaday goobta ay diyaaraddu ku burburtay. Dadka ayaa la maqli karay iyaga oo goobta ku sheegaya Adi Qaela, oo ilaa 25km (15.5 meyl) koofur-galbeed ka xigta caasimadda gobolka ee Mekelle.

Kooxda TPLF ayaa sheegtay in hubka diyaaradaha ka hortaga ay so rideen diyaaradda, taas oo qeyb ka ah iska caabbinta dowladda.

Deegaannadii nabadda ahaa ee ku dhowaa Mekelle ayaa haatan waxaa ka soo cusboonaaday dagaal.

Waxaa jira walaac ay beesha caalamku ka qabaan soo labo kacleynta dagaalka, gaar ahaan iyadoo labada dhinacba lagu eedeeyay inay xasuuq geysteen iyo ku tumasho xuquuqda aadanaha.

In ka badan shan milyan oo qof ayaa u baahan in si degdeg ah loola soo gaaro cunto iyado Qaramada Midoobayna ay ka digeyso in 350,000 ka mid ahna ay wajahayaan xaalad macluul.