Kamala Harris: Siday u caawin kartaa ama u dhaawici kartaa Joe Biden

Kamala Harris

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Kamala Harris

Mararka qaarkood qofka la xulanayo waxa loo xushaa sababo iska muuqda. Kamala Harris waxay ugu cadcadayd dadka la filayey in ay noqdaan Joe Biden cidda mushrax ku xigeen u noqonaysa tan iyo markii uu ku guulaystay musharaxnimada xisbiga Dimuqraadiga ah bishii Maarij ee uu sheegay in uu haweenay u xulan doono ku xigeenkiisa.

Waxay ahayd qofka ugu haboon ee uu soo xulan karo. Waxay sidoo kale haatan noqonaysaa dhaxal sugaha muuqda ee xisbiga Dimuqraadiga u noqon doona musharax hadii uu Biden ku guulaysto doorashada madaxtinimada ee Noofember dhici doonta iyo hadii uu xataa marka dambe laba goor ama mar qudha uun damco inuu xilka qabto.

Arintaasi waa se mid waa dambe laga hadli doono. Warwerka haysta xisbigu haatan se waxa weeyaan tolow Harris ma ka caawin doontaa inuu Biden galo Aqalka Cad iyo mise waa maya. Waa kuwan meelaha ay ku xooggan tahay oo qodobaysani.

Kala duwanaansho

Marka si cad loo sheego, maanta xisbiga Dimuqraadigu ma aha Joe Biden oo kale. Xubnihiisu waxay u badan yihiin dhalinyaro waana dad isir ahaan aad u kala duwan. Wax iska muuqda ayay ahayd in si uu ugu guulaysto doorashada oo uu dadkana u soo jiito, in mushraxa xisbigu u baahan doona in uu magacaabo qof ka da' yar oo sidoo kalena aan isirkiisu caddaan iska dhala ahayn.

,

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, .

Harris oo aabaheed ahaa Jamaican hooyadeedna Hindiyad, ayaa buuxisay baahida tilmaamahaa loo qabay. Waxay noqonaysaa haweenaydii ugu horraysay ee madow iyo tii u horraysay ee Asia ka soo jeeda ee u tartanta xil madaxtooyo. Ma yara oo waa 55 jir, laakiin marka la barbar dhigo Joe Biden oo 77 jir ah, waxay noqonaysaa qof yar.

Maalintii Salaasadii gelin kii dambe ayaa intaanu shaacin magaceeda Biden, waxay Harris qoraal ay Twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in loo baahan yahay in dadka hogaanka xisbiga hayaa aanay noqon isir qudha.

Waxaana dhici karta in Harris si toos ah gacan ugu lahayd isbedelkaa dhacay.

Hadallo cadcad

Sida ka muuqata sooyaalka, doorka qofka u sharaxan madaxweyne xigeennimadu waa inuu la qastaa oo mucaaradka aad u dhaliilaa. Halka qofka madaxweynenimada u sharaxan isaga doorkiisu yahay in uu si guud u doodo laakiin musharax ku xigeenka ayaa ay tahay in aanu waxba ula hadhin mucaaradka.

Sannadkii 2018 ayaa Sarah Palin, haweenaydii musharax madaxweyne xigeen ka u ahayd John McCain, ay kaalintaa si fiican ugu soo baxday

Hadii hadaba ay arintani tahay hawsha u taal Harris, taariikhdu waxay qiraysaa in ay ka soo bixi doonto. Biden wuxuu si fiican u xasuusan yahay in Harris qudhiisa ay ku tiiqtiiqsatay dhaliishiisa markii lagu jiray tartankii is reebreebka July 2019.

Miiganaan

Arin ay siyaasiyiinta u tartamay xilka madaxweynenimo ay marar badan sheegeen waxa weeyi in aanu qofku fahmi karin culayska ay leeyihiin ololeyaasha noocaas ahi ilaa qofku hawshaa si dhab ah u gudo galo mooyee.

In kasta oo Harris ololeheedii ay madaxtinimada ku doonaysay aanu meel marin oo ay ka hadhay tartanka intaan dad badani ba soo gelin, hadana waxay ogtahay sida dadka tartanka gelaya sooyaalkooda loogu fiirsado.

.

Xigashada Sawirka, ADAM SCHULTZ

Harris way soo martay waayo adag, waanay garanaysaa hawsha adag ee sugaysa, markaa haddii ay jiraan arimo waaweyn oo lagu ceebayn karo oo qarsooni haatan way soo bixi lahaayeen. Weliba marka la eego in ay mar hunguraysay madaxtinimada, shacabka Maraykanka in badan oo ka mid ah kuma noqonayso u qaadan waa hadii ay xataa mar uun noqoto madaxweyne mustaqabalka.

Arimaha dabri kara

'Harris waa askariyad'

Marka la eego dadka u tartamay xilka madaxweyne xigeenimo badankooda waxay Harris kaga duwantahay in ay iyadu tahay qof ka soo shaqeeyey waaxda sharci ilaalinta. Marka la eego mudaharaadadii u dambeeyey ee lagaga soo horjeeday dhibaatada booliska iyo sidoo kale eedihii ahaa in midab takoorka ay waaxdaasi diirri geliso, waxa dhici kara in sooyaalka Harris dadka xisbiga Dimuqraadiga qaarkood ay su'aal geliyaan.

Mar ay ahayd xeer ilaaliyaha degmada San Fransisco iyo mar ay ahayd xeer ilaaliyaha guud ee gobolka California, labada goor ba Harris waxay la safatay booliska, xataa iyada oo askar lagu soo eedeeyey in ay dembiyo ka galeen shacabka lagu helay dembiyada.

Dhanka kalena in kasta oo ay sheegtay in ay qof ahaan diidantahay ciqaabta dilka ah, hadana intii ay xilka haysay way taageersanayd in la fuliyo.

Jilayc

Ka sokow in Harris ay isku dayday in ay madaxtinimo u tartanto oo noqon karta arin wax tar u yeelan karta iyada, laakiin marka dhanka kale laga eego ololaheedu wuxu lahaa dhaliilo cuslus kuwaas oo shakhsiyadeeda toos u saamaynayey.

Waxay si gaar ah ugu mergatay su'aal ahayd in caymiska ganacsiga ah la mamnuuco iyo in kale arintaas oo dad badan oo xisbigeeda ka mid ahi aanay jeclaysan.

"Gebigooda ba aan mamnuucno" ayay tidhi mar waraysi lala yeeshay.

Beryahan waxyaabaha siyaasi ku dhaco ama ku soo shaac baxo waxa ka mid ah sida ay dadku u qiimeeyaan ee ah in qofkaasi ku dheganyahay mabaadiida ay cod bixiyeyaashu danaynayaan iyo in kale.

Daacadnimada, ama iska dhigideedu waxa weeyi waxa ay dadka codka bixinayaa qiimeeyaan, waana qayb ahaan sababihii Donald Trump madaxweynaha ku noqday. Waayo taageerayaashiisu in kasta oo waxyaabo badan oo uu sheegayey aanay ogolayn hadana waxay dareemeen in wuxuu rumaysnaa u sheegayey ee maankiisa ku jiray.

Is bedbedelka Harris ay kaga baxday dhexdhexaadnimada ee ugu baydhay siyaasadda bidix hadana ku soo noqotay ayaa ay dhici kartaa in ay cod bixiyeyaashu is weydiiyaan in ay jiraan mabaadii ay aaminsantahay iyo in kale.